Warbixin Dhulka Ay Galmudug iyo Puntland Isku Hayaan ee Dagaalada dhaliyay iyo Halka Uu Arrinku Salka Ku Hayo

Filed under: Important News,Wararka |

Sanadkii hore mar uu Gaalkacyo dagaal ka socday bishaan bisheedii ayaa P/O ku daabacnay qormadaan.
Xalka Gaalkacyo waa iyadoo maamulada Galmudug iyo Puntland loo kala sameeyo xaafado calaamadaysan oo qaarna ay Puntland canshuurta ka qaadato qaarna Galmudug (Qormo muhim ah)

Markaas waxaa la isku hayay waddo ay Puntland doonaysay in ay ka dhisto xaafadda Garsoor warshadda Baastada agagaarkeeda, waxaana uu dagaalkaas galaaftay dad badan oo maanta aan ifka ku noolayn.

Hadaba horta maxaa dhaliyay dagaaladaan.

1993 Markii lagu heshiiyay in Gaalkacyo la wada dego, waxaa jiray aagag lagu heshiiyay in ay beeluhu kala maamulaan maadaama ayna xiligaas jirrin maamul Gobaleedyo, waxaana reer Puntland ay maamulayeen xaafadda Garsoor oo ah wadada muqdisho ka timaadda wixii dhanka Ethiopia ka xiga, halka marka Muqdisho laga yimaado ay maamulayeen reer Galmudug wadada Muqdisho ka timaadda wixii dhanka xeebta ka xigga xaafadda Baraxlay inta laga gaarayo illaa suuqa Gaalkacyood ama aagga wadada Jariiban iyo ayraboorka aadda marka laga eegayo dhanka laamiga, wixii ka danbeeya isla wadada Muqdisho ka timaaada dhankeeda badda xigta waxaa billaabanaya xaafadda Israac iyo Horumar oo iyana dhanka Ayraboorka xigta.

Israac iyo Garsoor waxaa maamula Puntland, baraxlayna waxaa maamula Galmudug.
Waxaa jiray dagaallo dhexmaray 2011 Xukuumaddii Faroole Puntland iyo Niman Alshabaab Xiriir la leh balse kasoo jeeda Leelkase, nimankaas oo markii danbe aqlabiyadda beesha leelkase taageero ka helay, waxaa kaloo jiray xurguf dhexmartay Jifi hoose oo ka mida beesha Cumarmaxamuud iyo jifi kamida beesha Leelkase oo aano qabiil iyo wax noocaasa isku qabtay, waxaana jiray dagaal dhex maray xukuumadda faroole iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Leelkase oo la sheegay in ay Alshabaab xiriir la leeyihiin, dagaalkaas oo ka dhacay xaafadda garsoor.

Waxaana baryahaas ay Ganacsato kasoo jeedda beesha leelkase u guureen magaalada Goldogob, iyadoo ay xurguftaasna awgeed uu xulufaysi hoose ka dhex abuuray siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Leelkase iyo beesha Sacad.

Waxaana dhacday in ay Ganacsato badan oo kasoo jeeddaa beesha Sacad ay dhul iyo guryaba ka iibsadeen shakhsiyaad badankoodu kasoo jeedaan beesha Leelkase ee dagta xaafadda Garsoor.

Maadaama ay Ganacsato badan oo kasoo jeeda beesha sacad ay dhul badan ka iibsadeen xaafadda Garsoor ayay hadana maamulka Galmudug waxay damceen in ay ka dhisaan xarun Boolis isla xaafadda Garsoor, waxaana arrinkaas ka horyimid maamulka Puntland oo wali xasuusta heshiiskii ka dhexeeyay Galmudug iyo Puntland.
Puntland ayaa ku doodaysa xitaa haddii dhulalka Garsoor ku yaal oo idil ay sacad reer Galmudug wada iibsadaan, wixii maamul ah waxaa maamulaya Puntland maadaama aan meesha heshiis kuwada joognay.

halka Galmudugna ay ku doodayaan dhulkaas xaafadda Garsoor Sacad baa dhul badan ka iibsaday hadana meelaha qaarkood uba badan sidaas awgeed waa in ay Galmudug maamushaa.

Dhanka kalena odayaasha Galmud ayaa tirsanaya in ay doonayeen in calaa aqali arrinkaas Puntland iyo Galmudug ka wada hadlaan maadaama uu khilaaf yimid, halka ay Puntland ku doodayso ma waxaan kaala hadlaa Gurigayga.

Si kastaba ha ahaato waxaa wanaagsan in arrinkaan si daacada looga wada hadlo, isla markaasna ay arrinka dhexdhexaadintiisa gallaan Soomaalida kale ee aan Gaalkacyo daganayn, dabadeedna qoladii garta laga hellaa ay garteeda qaadato ama calaa aqali markaan xuduud la isla ogyahay ay labada maamul ku heshiiyaan.

Waxaa kaloo iyana xusid mudan in dilaaliintu marka ay dhulka kala iibsanayaan ayba u yeertaan markhaati oo sidaas dhulka ku kala iibsadaan ee aan waraaqaha sabraloogada dawladda hoose iyo Maxkamahada laga soo qaadan.

Dhanka dhaqaalaha.
Magaalada marka laga yimaado wadada Muqdisha ka timaadda waxaa dhanka MIdig ku yaal Kontarool ay maamusho Puntland oo wixii baabuura ee Puntland u socda waxaa canshuura Puntland, halka wixii baabuura ee Galmudugna ay canshuurta ka qaataan Galmudug oo iyana bar kontarool ku leh wadada dhankeeda midig marka dhanka Muqdisho laga yimaado.

Baabuurta Puntland ka timaadda ee dhanka Muqdisho u socdana waxaa iyana ay maraan Kontarool ay Galmudug leedahay, iyo kuwo badan oo taxan illaa boosaaso oo Puntland ah, halka Kontaroolada kabillaabanaya Gaalkacyo illaa cadaado ay Galmudug canshuurta ka qaaddo.

Isku soo duub dagaaladaan waxaa sabab u ah Maamul xumo dhanka maamulada dawladaha Galmudug iyo Puntland oo garanwaayay in ay dhulka kala xuduudeeyaan oo labada maamul ku heshiiyaan mid walba dhulka uu maamulayo.

Si kastaaba ha ahaato war lahelyaaba talo la hel, haddii ay dadku ogaadaan waxa la isku hayo waxaa sahlanaanaysa in xalka la raadiyo laakiin shacabku 99% maba oga waxa ay labada maamul isku hayaan.

Akhri warbixntaan
Dhegeyso Taar-dhuleed Wasiirka Aminiga Galmudug Oo Sheegay In Dhulka Laga Dhisayo Maxjarka Ay Galmudug Leedahay