Haddii fal Cadaalad Darro La Sameeyo waxaa Ka Faa-iidaysta Dhamaan Inta Dhaqanka Xun Leh( Kuraastii Aqalka Sare Qaybintoodii Yaa Durba Siyaasadahoodii Gurucnaa U Isticmaalay)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Somalia
Cadaalad daradii xukuumaddii Siyaad-bare waxaa Soomaali uga faa-iidaytay dhamaan intii isnabaysay hadday ahaan lahaayeen siyaasiin Soomaaliya oo ka faa-iidaysta marka dhibaato timaado iyagoo markaas si ay danahooda u gaaraan shacabkii marin habaabinaya iyagoo markaas isaga dhigaya kuwo badbaadinaya, iyo gacmo shisheeye oo ciil xun u qabay Soomaali, si dadbanna u taageeri jiray cdaalad darada, si ay jaanis ugu hellaan in ay lugta lasoo gallaan siyaasadda Soomaaliya.

Akhri maqaalka aan uga hadalay cawaaqib xumada cadaalad darada

Hadaba waxaa dhacday in hogaamiyayaasha shirka madasha ay ka leexdiin wixii lagu heshiiyay taasi oo ahayd in aqalka hoose lagu qaybsho 4.5, aqalka sare lagu qaybsho 18-kii gobol.

Arrinkaas waxaa qalday markii Galmudug oo ka kooban Gobal iyo bar lasiiyay 8 xubnod, iyo shabeele iyo Hiiraan oo iyana xaq u lahaa 6 xubnood balse la siiyay 8 xubnood.

Meesha ay run´tii wax ka qaldameenna waa halkaas.
Hadana Soomaalidaa ku maahmaahda Carabta intay Diinta Caayaan bay saliga Rasuulka kaaga hormaraan, waxaana isa soo tarayay siyaasiyiin iyo wariyaaal kasoo jeeda Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelada dhexe in ay meel walba la taaganyihiin Puntland baa sadbursi samaysay.

Si hadaba aad warbixintaan oo si fiican u faah faahsan aad u fahanto akhri qormadaan hoose oo aan shalay ku daabacnay p/O-

Labada Xubnood ee Aqal-Sare Ma Puntland baa Lowgu daray Mise Somaliland, Xageese Dhibku Ka Yimid, Muxuuse C/Kariin Guuleed Ka yiri (Qormo gaaban)

Hadaba laanta VOA Soomaali oo aad isleedahay waxayba gaadayaan jaanis yar in mar un waxyar oo cadaalad daro ah qolo samayso si ay Soomaalidii isugu soofeeyaan, ayaa soo waraysanaysa dhamaan siyaasiyiintii caanka ku ahaa in ay ka faa-iidaystaan marka ay arkaan wax ýar oo dayac cadaalad darro ah, iyagoo qaarkood ayba 20 sano xumaanta iyo burburinta qaran soomaaliyeed geed dheer iyo mid hoosaba u fuulleen, sida Oday Xaad, Faysal Cali Waraabe, Glaydh, dhegeyso waxa dhacay falanqaynta jimcaha ee VOA.

One Response to Haddii fal Cadaalad Darro La Sameeyo waxaa Ka Faa-iidaysta Dhamaan Inta Dhaqanka Xun Leh( Kuraastii Aqalka Sare Qaybintoodii Yaa Durba Siyaasadahoodii Gurucnaa U Isticmaalay)

  1. Pingback: Haddii fal Cadaalad Darro La Sameeyo waxaa Ka Faa-iidaysta Dhamaan Inta Dhaqanka Xun Leh( Kuraastii Aqalka Sare Qaybintoodii Yaa Durba Siyaasadahoodii Gurucnaa U Isticmaalay) - Daily Somalia Report