Haddii Xisbiyada Puntland lagu soo koobo 3 Xisbi sida Dastuurku dhigayo waxay Caqabad ku noqonaysaa Mustaqbalka Puntand (Maqaal)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Wadamada soo koraya maadaama aynan aqoon durugsan u lahayn Nidaamka Dimoqraadiyadda, waxaa marwalba Caqabad ku noqda Qaabka ay wax u doortaan, waxaan baryahaan P/O ku daabacaynay sida ay Soomaalida Caqabad ugu nuqdeen Madaxdii ay Doorteen, maadaama aannu jirin hab lagula Xisaabtamo ruuxii Madaxwaynaha Noqday oo markaas uu aakhirka kaligi Taliye isku badalayo, taasi aakhirkii waxay Caqabad ku noqonaysaa in hadana ay shacabkii dib ula dagaalamaan, waa maantoo dhan dagaal ku jir.

Hadda markaad si fiican u akhriso Dastuurkii ugu danbeeyay ee Xukuunaddii Faroole ay dib u eegsta ku samaysay, Qofkii indheergarada wuxuu arkayaa in uu Dastuurkaasi aad arkayso qaybo badan ay Caqabad ku noqon karaan in Hanaan Nidaam cadaaladeed ku salaysani uu markaasi ka hirgalo Puntland.

Caqabadda ugu wayn waa Qodobka 46aad XISBIYADA SIYAASADEED Farqadiisa 3aad oo dhigaysa sidan —–> Saddexda urur siyaasadeed ee ugu codadka badan tartanka kowaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa noqonaya saddexda xisbi siyaasadeed ee rasmig.

iyo isla qodaobka 46aad Farqadiisa 4aad oo dhigaysa –> Labadii xilli doorasho kadibba waxaa furmaya tartanka ururada siyaasadeed.

Hadaba matalan Dalalka uu nidaamka Asxaabta badan ee rasmigaa ka hirgalay wax shuruuda laguma xiro Xisbiyada, marka laga reebo Criteria ama matalan waxaa Xisbiyada qaran noqon kara 7da Xisbi ee ugu cod badan.

Waayo arrinka la diidanyahay waa in dalkii loo xiro dhawr shaqsi oo oo kala hogaaminaya 3 Xisbi muddo 10 sano ah, taasi waa hab iska Diktaatooriyad dahsoona, waxaanad ka aragteen waxa hadda Soomaaliland ka socda.

Hadiise ayba dhacdo in ay hadda ku qorantahay dastuurka Puntland in 3 Xisbi oo kaliya aakhirka ay dalka maamuli doonaan isla markaana ayna dalka cidna kula tartamayn muddo 10 sano ah, waxaa habboon in hadda aad looga fiirsado qaabka ay ku hirgalayaan Xisbiyadaas oo shacabku ay xil wayn iska saaraan

Halkaan ka eeg Dastuurka

2 Responses to Haddii Xisbiyada Puntland lagu soo koobo 3 Xisbi sida Dastuurku dhigayo waxay Caqabad ku noqonaysaa Mustaqbalka Puntand (Maqaal)

  1. Pingback: Hallis Uu Puntland Usoo Wado Hanaanka Asxaabta badan Haddii 3 Xisbi lagu Soo Koobo Xisbiyada Sida Somaliland (Qormo iyo muxuu dastuurku ka qabaa) | Puntland Observer