Hallis Uu Puntland Usoo Wado Hanaanka Asxaabta badan Haddii 3 Xisbi lagu Soo Koobo Xisbiyada Sida Somaliland (Qormo iyo muxuu dastuurku ka qabaa)

Filed under: Important News,Wararka |

political part
Waxaa uu qof walba ka warhayaa sida hannaanka asxaabta baddan ee Soomaaliland uu u ragaadiyay siyaasaddii Soomaaliland iyadoo ay waliba Gacmo shisheeye ay mallaayiin ku bixiyeen dhanka Somaliland iyagoo markaa aan rabin in ay Somaliland siyaasadeedu carqalad gaadho maadaama ay Somaliland u haystaan goob laga burbursho siyaasadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaato barnaamijka asxaabta badan ee Soomaaliland waxaa lagu soo koobay 3 xisbi waxaana kaba sii daran iyadoo hadana layiri 3-da xisbi muddo 10 sano ah lalama tartami karro.

Waxaana la ogyahay in 3 daas xisbi ay samaysteen 3 nin isla markaana ay kala taageeraan sadex qabiil, taasoo ka dhigtay xitaa in raggii kale ee haldoor aynan xisbina furan karin qabiiladooduna ay duljoog noqdeen.

Waxayna ahayd in ay Puntland ku wacyi iyo khibrad qaataan sida uu hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliland u ragaadiyay rajadii hanaan siyaasad cadaalad oo Somaliland ka hana qaada markii xisbiyadii lagu soo koobay 3 xisbi oo qura isla markaana loo xiray muddo 10 sano ah.

Waxaana habboonayd in calaa aqali la yiraahdo xisbiyadu waa furan yihiin laakiin waxaa xisbiyo qaran laga dhigayaa 5-7 -da xisbi ee ugu codka bata xiliga doorashada si tartanka aan dad kooban lowgu xanibin oo waxay ahayd in qaybta dastuurigaa ee uu faroole samaystay isagoo markaas isugu talagalay ee uunnan shacabka ugu talagalin iyo cadaalad toona halkaan ka eeg qodobada dastuurka., in qaybtaas dastuurigaa isbadal lagu sameeyo si aynan caqabad datuurku umadda ugu noqon oo waliba qaybo badan oo caqabad iyo kaligi talisnaimo ah laga saaro oo qodobadaas lagu badali qodobo shacabka awoodooda iyo cadaaladooda kor u qaadaya.

Ogow madaxda Puntland iyo Xildhibaanada wixii iyaga u danaynaya waa rabaan oo shacabka ka danaynaya si ay xukunkooda isaga maamushaan laakiin shacabkaa la rabaa in ay ka digtoonaadaan oo ka kacaan

Akhri maqaal aan xili hore ku daabacnay P/O Haddii Xisbiyada Puntland lagu soo koobo 3 Xisbi sida Dastuurku dhigayo waxay Caqabad ku noqonaysaa Mustaqbalka Puntand (Maqaal)

Hadaba shacabka Puntland ayaa laga doonayaa in ay hadda juhdi baddan galliyaan in hadda aan lagu degdegin hannaanka asxaabta badan oo waxaaba quman in doorashada soo socota ee puntland doorashadeeda lagu soo xulo hanaanka doorashada dadban balse nidaamka asxaabta badan waqti dheer la siiyo

One Response to Hallis Uu Puntland Usoo Wado Hanaanka Asxaabta badan Haddii 3 Xisbi lagu Soo Koobo Xisbiyada Sida Somaliland (Qormo iyo muxuu dastuurku ka qabaa)

  1. Pingback: Hallis Uu Puntland Usoo Wado Hanaanka Asxaabta badan Haddii 3 Xisbi lagu Soo Koobo Xisbiyada Sida Somaliland (Qormo iyo muxuu dastuurku ka qabaa) - Daily Somalia Report