Illaahay-Mahaddi-Soomaalidii oo Maanta Maxkamad Iyo Sharci Ku Kala Baxaysa Oo Aan Cidna Dhagaysanayan Raysalwasaare Iyo Madaxwayne Iyo Wasiir (Maxkamdda Gobalka Banaadir Oo Fasaxday Cabdiraxmaan Cabdishakuur Fallanqayn Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Puntlandobserver ayaan ku daabacnay talo soo jeedin 19/12 xilli ay jirtay  caqabad wixii laga yeelilahaa  arrinka cabdiraxmaan Cabdishakuur oo 6 qof oo gurigiisa ku sugnaa ay ciidanka nisa laayeen.

Tala-soo jeedinta ayaa ku saabsanaynd in arrinka Maxkamadd qura lagu xaliyo oo laga daayo xeer jajab, qabiil, iyo wax noocaasa

Halkaan ka eeg tala soo jeedintaas
Xukuumadda Farmaajo Iyo Khayre Oo Ay Caqabaddii Ugu waynayd Soo Wajahday Xasuuqii Ay Xasuuqeen Waardiyayaashii Siyaasi Cabdishakuur, iyo Xalka(qoraalkooban)

Waxaanad mooddaa in talo soo jeedintaas ka dib dhammaan shacabka soomaaliyeed ay isla qaateen in arrinkaas maxkamad lagu dhammeeyo oo laga daayo qabyaaladdaan soomaali la hadhay 27-ka sano.
waxaana hawshaas durba la waeegtay maxkamadda Gobalka banaadir.

Dawladnimada laguu sheegayo micnaheedu waa sharciga ayaa cid walba ka sareeye, oo Madaxwayne Farmaajo shalay sharci baa lagu doortay.
Ruux kastaa xaqiisa sharciga iyo maxkamadda haka doonto, awooddana hala saaro garsoor daacada oo aan cidna u eexan.
Waligood bay soomaali gar ku kala bixi jirtay, oo gartu waxay ahayd maxkamadda Soomaalida.
Ruux qori la ordaya haddaad arragtid waa axmaq aan xayawaanka dhaammin.