Xukuumadda Farmaajo Iyo Khayre Oo Ay Caqabaddii Ugu waynayd Soo Wajahday Xasuuqii Ay Xasuuqeen Waardiyayaashii Siyaasi Cabdishakuur, iyo Xalka(qoraalkooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwayne Farmaajo iyo Raysalwasare Khayreayay soo wajahday caqabaddii ugu baaxadda waynayd, kadib deg-degiddii ay ciidanka Nisa ku degdegeen in ay xasuuqaan askartii waardiyaynaysay Guriga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Runtiina sida ugu habboon ee ay arrinkaas uga dabaalankarraan waa iyadoo maxkamad lasoo taaggo dhammaan shakhsiyaadkii ku luglahaam ee qaatay go’aanka in xoog lagu galo guriga siyaasi Cabditaxmaan Cabdishakuur, oo hadda dhamaantood xabsi loo taxaabo cid alle oo arrinkaas ku luglahayd,dabadeedna maxkamad la saaro, dababdeedna loo wada hogaansamo go’aanka maxkamadda.

Laakiin haddii ay Farmaajo iyo Khayre isku dayaan in ay arrinka xeer jajab ku xalliyaan waa ku fashilmayaan.

waa in loo xilsaaro arrinkaas dhawr guddi oo heer wasiir iyo oday dhaqameed leh oo arrinkaas si daacada u gudagala, soo baara sababta dhabtaa ee kaliftay in la weeraro guriga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Cidda go’aaanka lahayd,
Sababta dhalinyaradii waardiyaynaysay guriga loo xasuuqay
Cidda amarka kama danbayntaa lahayd iyo ujeedada laga lahaa.

Markaas waa in maxkamadda ragga qaadayaa ay ahaadaan niman labada dhanba ay ku kalsoonyihiin oo laga saxiixo cidalba wixii maxkamaddu go’aamiso iyo sharciga in loo hogaansamo.

Haddiise arrinkaas xeer jajab iyo qabyaalad lagu dayo wuxuu hallis u yahay in uu fashil ku dhamaado oo qulqulad.

Cabdullaahi Yusuf ayaa hadda kahor waxay siyaasadda isku qabteen Jaamac Cali Jaamac, dabadeedna garabkii Cabdullaahi Yusuf ayaa Illaa Boosaaso qabsaday, hase yeeshee askari kamida ciidanka Puntland ayaa dad shakhsiyaada xabad ku dhiftay.
Cabdullaahi Yusuf wuxuu isugu yeeray shacabkii iyo ciidamadii waxaana la saaray maxkamad askarigii fal danbiyeedka gaystay ee gacan ku dhiiglaha ahaa, markii falkii ku cadaadayna askarigii ayaa suuqa bartankiisa lagu toogtay si ay shacabku u aaminaan saraynta sharciga.
Shacabka Boosaaso ayaa markaas kalsooni buuxda siiyay xukuumaddii Cabdullaahi Yusuf oo ay dareemeen in ruuxkasta cadaaladda la marsiinayo.
Taasina waxay sababtay in ay askartu baqeen oo ninwalba qorigiisa illaashaday oo waxay ogaadeen in sharciga lagu kala baxayo.