Jariiban: Dhagayso odayaasha Degmadda oo kugoodisay cidii xubinta baarlamaanka ee puntland rabta waa in ay yimaadaan geedka caankaa ee KUDKUDAALE oo iska soo sharaxan

Filed under: Wararka |

botom up

Maansha allaah, waxaad moodaa in ay iskeeneen warbixin ay warbaahinta Puntlandobserver waayahaanba faafinaysay iyo warsaxaafadeedkii waxgaradka Degmadda Jariiban in uu iskeenay.

Halkaan ka akhri
Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad (Akhri warbixin muhima)

Halkaana ka dhagayso waxgaradka Degmadda Jariiban oo ku goodiyay in aynan aqbilayn in loosoo magacaabo ama Gudoomiye ama Xubintii Baarlamaanka ee Degmaddu lahayd ee taa badalkeedda loo baahanyahay cidii xil raadisa in ay timaado Degmadda iyo Geedka Caankaa ee KUDKUDAALE, isla markaasna ay cidwalbaa xog ogaal u noqoto qaabka doorashadu u dhacayso, saxaafaduna gadaal iyo dababa kawarhayso oo shacabka usoo bandhigtaa bit by bit si shacabka Puntland iyo shacabka Soomaaliyeedba ay Jariiban ugu noqoto bartii loogaga dayan lahaa qaabka ay u maareeyaan dadka codka shacabka degmadda ku hadlaya.

HALKAAN KA DHAGAYSO
[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2013/09/kudkudaale.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

Halkaan ka akhri maqaal kusaabsan qaabka maamulka Degmooyinka Finland u shaqeeyaan
Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.