Lacagta Xajka Qofka Soomaaligaa Laga qaado waa 3800$, Halka Qofka Jabuuti Laga Qaado 400$+800$ Kharash, Iyo Soomaalidii Oo Arrinka Hadda Ku BaraaruGtay Yaa Soomaalida dhaca

Filed under: Important News,Wararka |
Dadka Soomaalidaa oo intii ay dawlad la’aanta noqdeen, ay cidwalba wixii ay ka dhici karto ka dhacdo, ayaa waxay soo baraarugaan 20 sano kadib, mana ahan dad markiiba diida wixii dulmiya, iyo wixii wada.
Aduunka kale oo dhan waxay horumar ku gaareen waa ay diidaan 10 cent oo dulmiya, xitaa dad baa u dhinta waayo dulmi lama dugsado.
Waxaana isa soo taraya in lacagta 3800$ ee dadka masaakiintaa laga qaado, ay kala qaybsadaan, dillaaliin, Jubba-airways, iyo Madaxda Soomaalida.
Hadaba hoos ka eeg warbixino laga diyaariyay kharashka qofka caadigaa ku bixi lahaa hadaan la laaluushin.
XAJKA MAXAA KAA HORTAAGAN
waxaa dhow xiligii gudashada xajka oo ah rugni aad u weyn
sanadkii 2016 waxaa dadka somalida laga qaaday $3800 oo doolar qofkiiba
sanadkii 2016 waxaa dadka jabuuti laga qaaday    $450 doolar
Sudan dadka xajka ka aada waxaa laga qaadaa       $900
Nigeria waxaa laga qaadaa                                           $1200
Masar waxaa laga qaadaa                                              $800
Lacagta Xajka Soomaalida laga qaado 3800 jabuuti 400
 waxaaan soo ogoonay in fiizaha ama dal kugalka sucuudiga xiliga xajka uu yahay free(lacag la,aan)
waxaan soo ogaanay ama aan arkay tigidhka Diyaarada somalia to Jeddah maca soo noqod waa $400 afar boqol oo doolar
walaal guriga la dajiyey xaajiga waa    $500 ilaa $550
walaal basaska qaada xujeyda iyo khiimadaha Mina iyo Carafah guud ahaan        maca Joogida  Mina saddexda Ayaamu tashriiqa waa $240
dhamaan qarashku waxuu noqday                            $1190
waxaana xujeyda somaliyeed ee jecel gudashada xajka lagu qasbaa
inay bixiyaan $3800 baasaboor iyo cashuur isku noqota $4000(afar kun oo doolar)
su;aashu waxaa weeye yaa qaata lacagta intaa la’eg?
maxaase loo saaray xujeyda somaliyeed ?
arinkaa aadka u foosha xun ee jariimada ah yaa ka dambeeya ?
yaase u maqan ?
Soomaalida ayaa hadda un ku baraarugtay in la dhaco.
Hoos ka eeg maqaal aan p/O xilli hore ku daabacnay isla arrinkaan
 http://www.puntlandobserver.com/xaqdarada-dadka-xajka-u-socda-lagu-sameeyo-iyo-sida-dadka-masaakiintaa-loo-dhaco-warbixin/

2 Responses to Lacagta Xajka Qofka Soomaaligaa Laga qaado waa 3800$, Halka Qofka Jabuuti Laga Qaado 400$+800$ Kharash, Iyo Soomaalidii Oo Arrinka Hadda Ku BaraaruGtay Yaa Soomaalida dhaca

  1. Pingback: Yusuf Garaad Oo Baarlamaanku Waydiiyay Waxa Keenay In Soomaalida Xajka Soo Gudanaysa Laga Qaado 3800$, Halka Jabuuti laga Qaado 400$ | Puntland Observer

  2. Pingback: Yaa kala Qaybsada 4000$ Ee laga Qaado Dadka Masaakiintaa Ee Soomaalida ee Xajka Taga | Puntland Observer