Lacagtii 15-ka Million$ ee Dp-World Xaqul Qalinka U Dhiibtay Haddii Uu Madaxwayne Gaas Runta Ka Sheegilahaa Maanta Waxaas Masoo Gaareen (Qormo Xasaasiya)

Filed under: Important News,Wararka |

lie truth

-Aduunka waxa ugu wanaagan waa iyadoo runta aad ku noolaatid, gaar ahaan qofkii masuuliyad saarantahay waxaa wanaagsan in uu kaliya Runta un ku shaqeeyo oo dadka masaakiintaa ee aad dhaarta u martay aad kaliya runta un u sheegto, oo aan masiirkooda la siyaasadayn oo laga qarrin siday hawluhu u qabsoobeen.

Maamul wanaag=tell the truth — that is all.

Maamul wanaag haddii iskuul loo aado waa toban sano oo barasho ah, laakiin waxay kusoo koobmaysaa Runta un sheeg waxaad noqonaysaa qofka abid ugu maamul wanaagsan adoon iskuulba u aadin.

Trurh wisdon

Wariyaha wanaagsan waa wariyaha waxa uu arkay runta un ka sheega oo aan waxba ku darrin oo aan buun buunin waxna ka dhimmin oo qaar aan qarinnin wixii uu soo arkay ama maqlay, isku soo duub Warbaahin Wanaag=Ruta sheeg.

Hadda shirkadda dp-world ee maalgashanaysa dekadaha Boosaaso iyo Berbera, waxay madaxda maamulka Somaliland siiyeen 15 million$ oo xaqul qalin ah, madaxda Somaland inay qariyaan bay damceen hase yeeshee Golaha wakiilada ayaa banaanka Soo dhigay waxaana aakhirkii ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda ee Somalilnd in ay lacagtaa jirto.

Xogtaas halkaan ka daalaco.

Hadaba sida ay wararku nagu soo gaarayaan Dp-World ayaa siisay Madaxda Puntland lacag gaaraysa 15 million$ oo xaqul qallin ah, hase yeeshee shacabka puntland wali looma sheegin warbixin kusaabsan lacagtaas iyo halka ay martay, marka laga reebo 3,5 million$ la sheegay in uu Madaxwayne Gaas ugu deeqay wadada ceel daahir iyo madaarka Garoowe, iyadoon shacabka loo sheegin in lacagtaas ay tahay middii Dp-World, waliba dadka siyaasadda fallanqeeya marka madaxda puntland iyo kuwa Somaliland la is barbardhigo waxaaba aad u sareeya madaxda Puntland oo lacagtii 15 million wadooyin iyo ayrabooro ku dhisay, halka aan kuwa Somaliland waxwababa laga ahayn meel ay martay wax muuqda.

Hadaba sida ay wararku nagu soo gaarayaan Golaha wakiilada ee Puntland ayaa Madaxwayne Gaas ka codsaday in 66-da xildhibaan midkasta lacag 50 kun oo dollar ah laga siiyo  lacagtii Dp-World, calsahaan  50,000*66=3 million$ iyo 3 boqol oo kun$, isku dar 3 million iyo xooggaa.

Waxaana suuqa ku jirta in kooxdii Madaxwayne Gaas ka socotay ay xildhibaanada u sheegeen in xildhibaan kasta lasiin doono 10 kun oo dollar ee aan ka badan lasiin karrin maadaama lacagta meelo badan looga baahanyahay, arrinkaas oo ay xildhibaanadu diideen.

Waxaana ka danbaysay in Mooshin laga keenay xukuumadda Gaas.

Oo wararka suuqa ku jra ayaa sheegaya in mooshinkaan uu sabab u ahaa lacag la isku dagaalay ee aan shacabkaan masaakiintaa cidna danahooda ugu doodayn

Waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in ay xildhibaanadu wali sugayaan lacagtii oo haddii aan la afgaran ay wadayaan Mooshinada.

Dhanka kalena waxaa la sheegayaa in hadda ay iyana matoobadoodii soo qaateen Isimada puntland qaarkood oo Isimada qudhoodu ay lacago dalbanayaan.

Isku soo duub, haddii maalintii koobaad uu Madaxwayne Gaas iyo wasiiradadiisu ay runta lacagtaas ka sheegi lahaayeen maanta waxaas oo ceeb ah ma ayan dhaceen.
Waana sababtaas sababta ay muhiim u tahay Runta oo lagu maamulo hawlkasta oo aad fulinaysid.

Xigmad Ka Hadlaysa Runta

 

One Response to Lacagtii 15-ka Million$ ee Dp-World Xaqul Qalinka U Dhiibtay Haddii Uu Madaxwayne Gaas Runta Ka Sheegilahaa Maanta Waxaas Masoo Gaareen (Qormo Xasaasiya)

  1. Pingback: Xiodhibaan Shaacuur oo Lacag 28000$ Ugu Deeqay Ciidanka Aminga | Puntland Observer