Libaax Salaad Cali Jeele Oo Kashifay Wadashaqaynta Damjadiid (Xassan Sheekh), Aalashiikh(Sh Shariif) Iyo Alshaab (Waa Wada Wahaabiyiin Oo Sacuudigaa Fangareeya (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Aalashiikj alshabaab damjadiid
Libaax Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in aynan isaga iyo Xasan Sh Wax dhiba ka dhaxayn markay shakhsiyaad caadiya yihiin, laakiin marka laga hadlayo dan-qaran uu runta sheegayo oo aanu cidna uga gabanayn.

Salaad Cali Jeele ayaa faahfaahiyay in isaga iyo Cabdullaahi Yusuf iyo rag kale oo soomaaliya ay is tuseen in Amisom Muqdisho la geeyo si qaran Soomaaliyeed loo yagleelo.
Salaad ayaa sheegay in maxaakiimtii ay la dagaalamayeen ay xukunkii la wareegeen iyagoo noocyo badan
Madaxii maxaa-kiimta (Sh Shariif)
Madaxii dagaal galinta Damjadiid (Xasan Sh)
Iyo Alshabaab oo ay Damjadiid iyo Aala shiikh isku xulufo ahaayeen Maxaakiim isla ahaayeen sh shariifna gudoomiyahooda ahaa.

Salaad Cali jeele ayaa sheegay in markii xasan la doortay uu 3 casho kadib la kulmay si uu talo uga siiyo sidii alshabaab dalka looga xorayn lahaa, balse xasan ayaa yiri anaa ku filan.
Salaad ayaa hadana sheegay in uu marlabaad sanad kadib ballan ka qabsaday xasan si uu hadana talo uga siiyo sidii alshaab dalka looga saari lahaa.
Balse Xasan ayaa ugu jawaabay in haddii Alshabaab dalka laga saaro ay qabiilada soomaaliyeed is dagaalayaan balse dhulka ay hadda alshanaan la taliyaan aynan qabiiladu isku dagaalin, waana iska cadahay in Xasan uunan doonayn in dalka qaran loo sameeyo ee uu doonayay in fawdadaas la isaga jiro waana sababta uu dalkii musuq maasuq miiran uga dhigay iyo ninkii lacag haysta kaliya dalka ha xukumo, isla markaana dadkii cunaqabateeyay, horay ayaan arrinkaas P/O maqaalo badan uga qornay

Dhanka kale dad baa hadda aaminsan in Sh shariif uu dalka qaranimo gaarsiinayo, laakiin dad badan baa aaminsan in Sh Shariif uu yahay aabaha kooxaha wahaabiyiinta ee boqortooyada sacuudiga amarka ka qaadata.

Warbixintii Wiki liiks waxxay sheegtay in sacuudiga ay ka go’anyahay in Soomaaaliya lagu wareejiyo Ethiopia
Akhri qormadaaan
Qormo Muhiima Kaalinta uu Sacuudigu Ku Leeyahay Burburkii Qaran Soomaaliyeed (Haddii Qaran Soomaaliyeed la rabo Waa In Baaritaan Lagu Sameeyo Sacuudiga)


One Response to Libaax Salaad Cali Jeele Oo Kashifay Wadashaqaynta Damjadiid (Xassan Sheekh), Aalashiikh(Sh Shariif) Iyo Alshaab (Waa Wada Wahaabiyiin Oo Sacuudigaa Fangareeya (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Libaax Salaad Cali Jeele Oo Kashifay Wadashaqaynta Damjadiid (Xassan Sheekh), Aalashiikh(Sh Shariif) Iyo Alshaab (Waa Wada Wahaabiyiin Oo Sacuudigaa Fangareeya (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report