Qormo Muhiima Kaalinta uu Sacuudigu Ku Leeyahay Burburkii Qaran Soomaaliyeed (Haddii Qaran Soomaaliyeed la rabo Waa In Baaritaan Lagu Sameeyo Sacuudiga)

Filed under: Important News,Wararka |

Hadaad dhegeysateen waraysigii Generaal Galaal uu ku sheegay in dagaalkii 1977 uu sabab u ahaa Ruushka oo ka carooday markii Masar siyaasadeedii ay dhanka reer Galbeedka u janjeersatay

Generaal Galaal wuxuu sheegay in Ruushka oo arrinkaas ka carooday uu Madaxda Soomaalida ee Xiligaas ku qalqaaliayay in ay deegaanadii Soomaalida ka maqnaa ee Ogaden haddii ay doonayaan in ay dib ula wareegaan uu Ruushku arrinkaas ka caawinayo.

Dhanka kalena Gen Galaal wuxuu sheegay in ay Ruushku doonayaan in Boqortooyada Sucuudi Arrabia ay doonayaan in ay xukunka ka qaadaan oo taas maraykanka kaga aarsadaan.

Arrinkaas boqortooyada sacuudiga uu Ruushku damacsanaa in uu xukunka ka qaado ee uu Soomaalida kala hadlay waxaa dhici karta in ay Boqortooyada sacuudigu ka warhaleen.

Waxayna xiligaas boqortooyada Sacuudigu barigaas sameeyeen dagaal siyaasadeed ay ku qaadeen Midowgii Sofiyeeti kadib markii ay Batroorkii qiimihiisa aad hoos ugu dhigeen oo xitaa Fuustada Biyahaa iyo Fuustada shidaalka ay isku qiima noqdeen, waayo waxaa la ogaa in miisaaniyadda Midowga sofiyooti ay 70% kasoo xaroon jirtay batroolka, isla markaas haddii qiimaha batroolku uu hoos u dhaco, aynan markaas suurtagal ahayn in lahelo kharashaadkii faraha badnaa ee Midowgii Soofiyeeti lagu socodsiin jiray, waana arrinka loo nisbeeyo in uu sabab u ahaa burburkii Midowga Sofiyeeti.

Dhanka kalena Midowgii Sofiyeeti iyo Somalia ayaa hal mar burburay 1991, waxaana laga billaabo 1991 arrimaha soomaaliya faraha kula jiray Sacuudiga, isla markaana aanan warba loo hayn.

Sacuudiga ayaa laga billaabo 1991 wuxuu soomaaliya kusoo maalgalliyay ururo wahaabiyiin ah oo la wareegay dhamaan wixii waxbarasho iyo dhaqaale, oo hadaad arragto dhamaan iskuulaadkii laga hirgaliyay Soomaaliya wixii ka danbeeyay 1991 waxaa si aan laga warqabin u maalgalinayay Sacuudiga.
Ururkii Itixaad
ururkii Ictisaam
Ururkii Maxaakiimta.
Ururkii Aalashiikh.
Ururkii Alshabaab
Ururka Damjadiid

ururadaas ayaa maamulayay dhamaan manaahijta waxbarasho iyo kuwa dugsi quraan.
Dhanka kale hadaad arragto shirkadaha taleefoonada waxaa maamulayay isla rag ururadaas kasoo jeeda.

Hadana waxaa ayba hadda la waeegeen madaxtooyadii Soomaalida, oo hadda maanta siyaasadda waxaa isku haya waa Damjadiid, Aalashiikh, iyo Alshabaab.

Waxaana kaba sii daran xogta siyaasadeed ee Wiki-leak uu qarxiyay in uu Sacuudigu siyaasadda Soomaaliya usoo fariistay dhanka Ethiopia oo hadda hadana dhankaas qudheeda kasoo maalgaliyo oo la sheegay in ayba sacuudigu iska dhaadhiciyeen in ay arrimaha Soomaaliya Ethiopia loo gacangaliya isla markaasna ayba arrinkaas sacuudiga iyo Israel isla garteen.

Hadana hadaad eegtid meesha Soomaaliya ku taal sida ay Istaraataji u tahay iyo batrool la sheegay in uu aad u farabadanyahay in uu Soomaaliya ku jiro, waliba la sheegaa in haddii Soomaaliya batrool laga soosaaro uu dhulka Soomaaliya ka hooseeyo sacuudiga oo saamaynkara, ayaad is oranaysaa in ay Boqortooyada Sacuudiga ka suurtowdo in ay daacad ka tahay in Soomaaliya Ethiopia la hoos geeyo.

Haddii aad dhanka kale ka eegtid, mudadii ay Soomaaliya dawlad la aanta ahayd, waxaad arkaysaa in muddo 16 sano ah uu Sacuudigu cunaqabatayn saaray iibsiga xoolaha Soomaaliya, hadana in uunan waligii sacuudigu iibsan kaluunka Soomaalida, ama uunan sacuudigu marna ka qaybqaadan sidii qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa.
Sacuudiga ayaa hadda wiigii lasoo dhaafay soo magacawday Safiir, waana xili ay ka dhimantahay wiigag doorashada Soomaaliya ee xiisaha badan, waxaana qofka caqliga badan oo u arki karaa in sacuudigu uu doonayo in aan looga dheerayn cida madaxtooyada Soomaaliya xukunkeeda qabanaysa, oo waxaad is oran kartaa kaalintaas buu sacuudigu ugu soo aadiyay safiirka uu soo magacaabay.

Qormooyinkaan hoose akhri waa isla arrimaha kore

Doorka ay Saudi Arabia ku lahayd burburkii soomaaliya ma lagaaray xiligii ilgooniya lagu eeggi lahaa (Falanqayn Kooban)

The Saudi investment portfolio in Ethiopia includes about 300 projects with an estimated value of US$200 million. The two sides have agreed to further increase Saudi investments in Ethiopia in the field of agriculture, livestock, leather manufacturing, and other sectors of the Ethiopian economy.

Daawo Suxufi carab oo ka shifay in dhamaan iskuulaadkii xamar 1991 ay badankooda maalgalin jireen ururdiimeedyo sacuudigu soo maalgaliayay waliba uu si gooniya uga sheekaynayo Damjadiid

2 Responses to Qormo Muhiima Kaalinta uu Sacuudigu Ku Leeyahay Burburkii Qaran Soomaaliyeed (Haddii Qaran Soomaaliyeed la rabo Waa In Baaritaan Lagu Sameeyo Sacuudiga)

  1. Pingback: Libaax Salaad Cali Jeele Oo Kashifay Wadashaqaynta Damjadiid (Xassan Sheekh), Aalashiikh(Sh Shariif) Iyo Alshaab (Waa Wada Wahaabiyiin Oo Sacuudigaa Fangareeya (Qormo Gaaban) | Puntland Observer