Maamulka Gobalada Mudug iyo Galgaduud ujeedada loo sameeyay armay ahady in Shiinihii Garacad lageeyay loo sheego in Garacad aynan Hoostagin Puntland ee wixii Saxiixa lawaydiisto Cabdiqaybdiid (Warbixin)

Filed under: Wararka |

29.7.2014 Garacad waxaa Bookhday Wafti ballaaran oo Puntland kasocda oo ay waheliyaan Niman Injineero ah oo Shiinays ah, HALKAAN KILIG GAREE SI AAD U AKHRIDO WARBIXINTAAS.

Maalmo yar waxaa xigtay waxaa ay Dawladda Federaalka u samaysay Maamul Gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana arrinkaas ku raacay Beesha Caalamka oo goob joog ahayd. HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA

Waxaa marka qofkii Caqli leh UU durbadiiba garankaraa in markaas u jeedada maamulka lowgu dhawaaqay ay ahayd in Shiinaha loosheego in Gobalka Mudug uu hoostago maamulka Gobalada Mudug iyo Galgaduud isla markaana wixii mashaariic ee Gobaladaas laga Fulinayo ay saxiixeeda leeyihiin Madaxda Maamulka Gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ay aqoonsantahay Dawladda Federaalka ah, EE AYNAN PUNTLAND WAX HESHIISA SHIINAHA KULA GALIKARIN MASHAARIIC LAGA FULINAYA GOBALKA MUDUG.

Dhanka kalena waxaan wada xasuusanaa sidaasoo kale xiligii uu Cabdullaahi Yusuf Madaxwaynaha ahaa, Cabdullaahi yusuf wuxuu geeyay Garacad Shirkadda ugu wayn Shiinaha kuwa batroolka oo waliba Badda Batroolka kasoo saara ee (Chinese National Offshore Oil Corp (CNOOC) ), waxayna Cabdullaahi yusuf isla garteen in Aaga Mudug ay Batrool ka baaraan maadaama xiligaas ay Africa Oil Puntland Batrool ka baaraysay, HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTAAS

Waxaa durba Cabdullaahi Yusuf ku furmay Dagaal kulul oo dhanka Beesha Caalamka ah, waxaana ayaamo kadib lagu khasbay in uu is casilo.

Marka akhristow ma mooddaa in labadaan qiso ay dhici karto in ay yihiin markaas kuwo lug ku yeelankara maamul usamaynta gobalada Mudug iyo galgaduud.

Arrimaah ayaan markaan u fiirsaday waxaan soo xasuustay nin ka shaqaysta Dhagxaanta iyo macdanta hadal uu igu yiri oo ahaa Soomaaliya macdanteeda in lasoo saaro waxaa loo qorsheeyay 2070, inta ka horeysa waa la maaweelinayaa.