Madaxda Soomaalidu doortaan ma Caqabad mise Xal in Soomaali hesho Nidaam Caadila (Maqaal)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Maanta Caqabadda ugu xajmiga wayn ee Soomaali in ay hore u dhaqaaqdo hortaagan, markaan si fiican ugu fiirsaday waa Madaxda ay Soomaalidu doortaan, iyo Xildhibaanada ay Soomaalidu Doortaan, oo aan labadaba loo samayn Nidaam lagula Xisaabtamo, isla markaana ayba hadda Caqabad mugwayn ku yihiin in Nidaam Caadila ka hirgalo Soomaaliya, maqaalkan ayaan arrinkaas ku falanqaynaynaa.

Waxaan shaki ku jirin sida ay hadda Madaxda Xukuumadaha Soomaalida hogaaminaya ay wax u hogaamiyaan uu la mid yahay Habkii kaligi talisnimada ee Xukuumaddii Siyaad Barre, marka waa jug jug halkaaga joog, oo waxaaba habboonayd in aan lala dagaalamin xukuumaddii kaligi talisnimada ee Siyaad Barre.

Cadayn in aynan waxba ku kala duwanayn nidaamka ay wax u maamulaan Madaxda hadda iyo sidii Xukuumaddii Siyaad Barre wax loo maamuli jiray.

Siyaad Barre Mansab kasta isagaa soo magacabaabi jiray oo cid la xisaabtami kartay may jirin, madaxda Xukuumadaha Soomaalida ee hadda jiraana waa sidaas oo kale oo iyagaa Mansab kasta magacaaba, illaa Gudoomiye Bank, Illaa Garsoore, Illaa Gudoomiye Gobal, illaa Saraakiisha, Illaa Agaasimayaasha waxayna magacaabaan ciday doonaan.

Marka maxaa cusub oo Soomaali usoo kordhay, kaliya dhibaataa usoo korortay waayo.
Dimoqraadiyad micnaheedu waa wada tashi iyo isla Xisaabtan, kaliya ninka Madax laga dhigtaa waa illaaliye ee ma ahan ruuxa isagu waxwalba go’aaminaya, waxaa un soo kordhay Xildhibaano doorta Madaxwayne, laakiin aynan jirin niaam wada Xisaabtan oo Xildhibaanadaas qudhoodu uu shaacabku kula xisaabtamo, ama Nidaam kale oo Shcabku kula xisaabtamaan Madaxda.

Dimoqraadiyad waa mas’uuliyadda oo lawada qaybsanyo, waa waxwalba oo go’aan shacab iyo rabatiaan shacab, iyo tartan iyo ruuxa ugu habboon oo aqoonteeda leh marba shaqada jirta loo dhiibayo.

Tusaale Meesha ugu hoosaysa hadaan ka eegno.

Dalalka Horumaray Shirkad kastaa waxay leedahay shaqaale, kooxkasa oo shaqaale ahna waxay leeyihiin Forman ama Horjooge, yar saaxiibkay ah oo muddo 10 sano ah u shaqaynayay Shirkad farsamaysa mashiinada, ayaa markii la arkay shaqo wanaagiisa isla markaasna 40 shaqaale ah oo uu ka midyahay ninkii Formanka u ahaa uu noqday Howlgab, ayaa nimankii Shirkadda lahaa waxay raadiyeen qofkii badali lahaa Formanka Howlgabka noqday.

Maalintii danbe ayay Shaqaalihii oo aan ka warhayn isugu yeereen oo waxay u dhiibeen Waraaqo yar yar oo qof kasta oo shaqaale ah waxaa lagu yiri 40 kaas shaqaale ee aad mudada wada shaqaynayseen Xaashidaas si qarsoodiya ugu qor qofka ugu habboon ee aad isleedihiin wuu badali karaa ninkii hore ee Forman-ka idiin ahaa maadaama uu howlgab noqday.

Markii Codadkii la tiriyay ayaa waxaa ugu cod batay Yarkii Saaxiibkay ee Soomaaliga ahaa iyo nin kale oo cadaana, dabadeedna nimankii Shirkadda lahaa ayaa yarkii u yeeray oo ku yiri adiga iyo ninkaas isaga ah ayaa ku habboon shaqada Formanka marka kawaran haddaan iskuu lix billooda kuu dirno, isla markaana aad lasii shaqaysid muddo sanada ninkaan hadda Forman-ka idiin ah si aad shaqada u sii barato.

Wuxuu yiri waa ka soo fakarayaa, dabadeedna yarkii wuxuu yiri waxaan ahay nin Xaasa oo caruur leh, waxaanan ogahay shaqada iyo masuuliyadda uu hayo ninkaas siday u dhib badan tahay (Hadde ogow ninkaas 40 qof kaliya ayuu masuul ka yahay), sidaa la ajligeed waxaa ii soo baxday in aanan ka bixi karin, dabadeedna wuxuu yiri waxaan u tagay nimankii shirkadda lahaa oo waxaan ku iri hawshaas kama bixi karo, balse waxaa hawshii yeelay ninkii cadaanka ahaa.

Waxaa dhacday in ninkii cadaanka ahaa muddo 3 bilooda ka dib uu hawshii wadi kari waayay illaa uu shaqadii oo dhan isaga tagay, siduu yarku ii sheegay, inkastoo uu ahaa ninkii ugu habboonaa hadana masuuliyad howl sahlan ma ahan

Dhanka Soomaaliya.

Soomaaliya waxay u baahantahay Nidaam ka badalan midaanka hadda jira ee waxwalba hal shaqsi uu wuxuu rabo ka samaynayo, waayo samankaan Shakhsi lamaba aamini karo oo waxaaba loo jeeddaa macaa kuwii diinta sheeganayay waxay samaynayaan, ma ahan saman shaqsi la aamino ee waa saman ay khasabtahay in uu jiraa nidaam Shacab, oo leh dhamaan asbaabihii sida saxdaa la iskula xisaabtaayay oo waliba ruuxii ka bayra isla xisaabtankaas iyo ku shaqaynta awaamiirta shacabka markaas ay tahay in la maxkamadeeyaa si kuwa kale ugu quus qaataan

Waxaan akhrinayay Dastuurka Puntland, waxaanad arkaysaa markii danbe ee Xukuumaddii Faroole ay dib u eegidda ku samaysay, in dastuurkaas loo diyaariyay qaabkii shacabkaan loo maamulan lahaa oo xisbiyo lagu baado oo aan cadayn inta lowgu samaysto dabadeedna sidaas xukunka lowgu sii joogi lahaa, ee kama muuqato qaabkii madaxda iyo Xildhibaanada loola xisaabtami lahaa.

Maxaa Xal ah

Waxaa howshoodii gabay Golaha Sharci dajinta oo ay ahayd in ay sameeyaan shuriicdii Dastuurka hoos imaysay ee ay Hay-aduhu ku wada shaqayn lahaayeen, waxay ahayd in Hay’ad kastaa loo sameeyo Qawaaniin kala duwan oo ay hay’aduhu ku shaqeeyaan, oo matalan marka matalan wasaarad agaasime loo magcabaayo in uu jiraa xeer ku wajahan qaabka loosoo xulayo oo la raacayo

Illaa Garsoore Illaa Gudoomiye Gobal waxay ahahayd in Golaha Sharci dajintu ay xeerar lagu soo xulayo madaxda u sameeyaan, sidoo kale ay Sameeyaan xeerarka dhaqaalaha dowladaha hoose iyo doorarka kala duwan ee heer Gobal illaa heer Tuulo, xeerar wasaaradda Maaliyada iyo Dawladaha hoose ay kuwada shaqayn lahaayeen, si markaa meesha looga saaro awood shaqsiyadeed sida in Madaxwaynuhu so magacaabo Agaasimaha Maaliyadda ama xoghayaha Dawladda Hoose, waayo markaas waxaa ka baxaya meesha awooddii shacabka oo markaas ruuxaas wuxuu acoutble u noqonayaa ruuxii soo magcaabay, hadaynan shacabku marka hore wax doora ku lahayn soo xulida shakhsiga ku haboon hadhow lama xisaabtami karaan, marka waa in ay jiraan xeerarkii lagula xisaabtami lahaa shakhsiyadka dhaqaalaha masuulka ka ah, iyo xeerarkii lagu soo xulilahaa marka jago loo magacaabayo oo ka madaxbanaan awood hal shakhsi sida Madaxwayne, Madaxwayne waa arbiitare ama Illaaliye waana in uu ka diidaa kuwa xaqdara iyo dulmiga wada kuwa la dulminayo, ee ma ahan in uu isagii shacabkii doortay hadana caqabad ku noqdo oo u kala eexdo.

Lasoco Qaybaha kale
Si kooban u diyaarite
Ibrahin Sh Maxamed gablax Gablax@yahoo.com
Maqaaladii hore ee Ibrahin Gablax