Marlabaad Akhri Qormadii Cadaalad Darada Jubba-Airways ee aan 2013 Ku Daabacnay P/O, iyo Hadda Boosaaso Dubai 800$

Filed under: Wararka |

dubai-boosaaso
Dubai Iyo Boosaaso oo laba saac loo kala socdo ayay Jubba-airways shacabka ka qaadaysaa 800$, hoos ka eeg masawirka aan maanta kasoo qaadnay webka Jubba-airways.

Waxaana is waydiin mudan maxay madaxda Puntland arrinkaas uga aamuseen, waxaana jira shaki sheegaya in uu jiro laaluush u dhexeeya Madaxda iyo Jubba-airways.
Hoos ka akhri qormooyin hore oo arrinkaas la xiriira
Maxaad kala socotaa Cadaalad daradda Diyaaradda Jubba-airways (Dubai Gaalkacyo ama Dubai Barbara, ama Dubai Boosaaso waa 314$) Halka Dubai Mugadishu uu kayahay tikidhku 180$) Akhri warbixinta

Xaqdarada dadka Xajka U socda lagu sameeyo iyo sida dadka masaakiintaa loo dhaco (Warbixin)

dubai gaalkacyo
Bismillah.
Illaahow mar un xaqa natus, waxaaad moodaa Soomaalidii in ay meelkasta oo aad u dhaqaaqdo wax isdaba marin iyo cadaalad iyo xaqdaro, iyo xoolo xaareemeed cunid ay lataaganyihiin, hadana ay buux dhaafinayaan Masaajidadda.
Diyaaradda badanaa waxaa ay ku xisaabtantaa si ay faa-iido u samayso, Dhistansiga ama dhererka meesha ay usocoto, waayo waxay eegaysaa Baasinka ay Diyaaradu isticmaalayso, Qiimaha Airaboorka ay kadaganayso laga qaadanayo ma Ayraboor ay diyaarado badan yimaadaan oo saacidii lacag farabadan lagaa qaadayaa mase mid meel cidla ah ku yaal oo aan saxmad badnayn.

Hadaba Markii Diyaarada Jubba-airways ay Dubai kasoo kacdo waxay soo martaa Jabuuti, marka Jabuuti lajoogo Barbara waa wax kayar saacad, laakiin Muqdisho waxay u jirtaa inta ay Dubai u jirto.
Laakiin maamulka Jubba-airways ayaa sameeyay cadaalad daradii iyo Qabyaaladii ifka ugu waynayd, markii ay Qaymaha Duabi Muqdishu kadhigeen 180$ halka Qiimaha Dubai Barbar ama Dubai Gaalkacyo, ama Boosaaso ay ka dhigeen 314$, tani oo ah cadaalad daro tan ugu wayn.

Yaa cadaalad daradaas hadaba suura gasha.
Waxaa suuragaliya shcabka Soomaaliyeed oo aan ahayn dad aan awoodin in ay la xisaabtamaan oo kadiidaan kuwa cadaalad daradda marwalba kusameeya.

Waxay ahayd in ay diyaaradaan ka mamnuucaan Garoomadda Barbara, Gaalkacyo iyo Boosaaso, maadaama ay maamulka Diyaaradan sameeyeen Cadaalad daro aan abid horey loo samayn.

Fadlan ka dhiibo fikirkaaga arinkaan oo halkaan ka eeg diyaaradaan

dubai-mugadishu

2 Responses to Marlabaad Akhri Qormadii Cadaalad Darada Jubba-Airways ee aan 2013 Ku Daabacnay P/O, iyo Hadda Boosaaso Dubai 800$

  1. Pingback: Marlabaad Akhri Qormadii Cadaalad Darada Jubba-Airways ee aan 2013 Ku Daabacnay P/O, iyo Hadda Boosaaso Dubai 800$ - Daily Somalia Report