Marlabaad Akhri Qormadii Xalka Gaalkacyo Oo Wali Taladaas Loo Baahanyahay

Filed under: Important News,Wararka |

Qormada Xalka Gaalkacyo Qorihii qoray uu ugu magac daray ayaan ku daabacnay P/O xili maalintaas Gaalkacyo xabad la isla hor fadhayay, waxaanad mooddaa in arrinkii sidiisii wali u taaganyahay oo aan wali xal laga gaarrin.

Haddii la dhiso gudi nabadeed oo ka kooban dadka deegaanka reer Gaalkacyo ee labada dhan dhanka Galmudug iyo dhanka Puntland.
Isla markaasna magaalada xuduud la isla ogyahay loo sameeyo oo markaas ka dib wixii ka danbeeya qofkii Guri ka dhisanaya ama ka iibsanaya dhanka xuduuda Galmudug uu markaas tago xafiiska iyo maxkamadda Galmudug u qaabilsan Galmudug oo uu halkaas kasoo qaato xaashida sabra loogada dhanka kalena uu wixii canshuura siiyo Galmudug.

Sidoo kale xuduuda Puntland qofkii guri ka dhisanayaana uu sidaas si le’eg dhanka Puntland waraaqaha ka qaato, wixii canshuura ahna uu Puntland siiyo.

Muhiim ma ahan qabiilka qofka cidduu rabo ha noqdo waa ruux muwaadina oo Soomaaliya, laakiin waxaa muhiima maamulka uu canshuurta siinayo, waana sida aduunka looga noolyahay.

Waxaana maalmahaan dhacay in niman reer Galmudug ahi ay dhul ka iibsadeen dhanka Gaalkacyo ee Puntland xaafadda Garsoor dabadeedna ay dhulkii isaga ahaa yiraahdeen waxaan ka dhisanaynaa Saldhig ciidan, arrinkaan oo kasoo horjeeda fikirkii aan sanad ka hor ku daabacnay P/O.

Inti ay Soomaalidu arrimo aad u yar xalkood si fudud u raadinlahaayeen waxay doorbidaan in ay ka shaqeeyaan dhibaato aan xalkeeda 20 sano xitaa xal lowgu helikarin markii ay faraha ka baxaan.

Haddii dagaal dhaco wuxuu sababayaa in magaalada uu dhiig ku daato, waxayna sabab u noqon kartaa in la yiraahdo barri baa la daganaan jiray magaaladan Gaalkacyo.

Hadaba marlabaad akhri qormadii.
calaamad xaafadeed
Xalka Gaalkacyo waa iyadoo maamulada Galmudug iyo Puntland loo kala sameeyo xaafado calaamadaysan oo qaarna ay Puntland canshuurta ka qaadato qaarna Galmudug (Qormo muhim ah)

4 Responses to Marlabaad Akhri Qormadii Xalka Gaalkacyo Oo Wali Taladaas Loo Baahanyahay

  1. Pingback: Marlabaad Akhri Qormadii Xalka Gaalkacyo Oo Wali Taladaas Loo Baahanyahay - Daily Somalia Report