Xalka Gaalkacyo waa iyadoo maamulada Galmudug iyo Puntland loo kala sameeyo xaafado calaamadaysan oo qaarna ay Puntland canshuurta ka qaadato qaarna Galmudug (Qormo muhim ah)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Waxaa aan ku nool nahay aduun ay 9 Billion oo qof ku nool yihiin oo maanta ay 9ka billion ee dunida ku nool is arkaan oo internetku isku xiray, waxaana ayaan daro ah in ay dadka Soomaalidaa Caqligoodu aannu wax xal ah keeni karin marka laga reebo in qof ladilo, caqligaas oo ah caqliga ugu liita in qof bini aadana xabad si fudud lowgu dhifto.

calaamad xaafadeed

Horta dhulka Soomaalida ninkii qalad u fahmay isagay qusaysaa laakiin Qabiil maleh ee Soomaali oo dhan baa wadaagta, meelna kuma qorna Qabiil baa leh, ee Soomaalidu si qabiil qabiil ku dhisan bay deegaanada u kala daaqaan, laakiin hadana ruuxa Soomaaligaa waa in uu xaq u lahaadaa in uu dalka meeshuu rabo ka deggo oo aan wax dhiba loo gaysan.

Magaalada Gaalkacyo waxaa loo samayn karaa xaafado lakala calaamadeeyay sida aduunkoo dhan ka jirta, markii calaamadahaas lagu heshiiyo ayay xaafadahaas waxay qaarna hoos imanayaan Puntland qaarna waxay hos tagayaan Galmudug laakiin micnaheedu ma ahan ruuxa reer Galmudug xaafadaas kale ma dagi karo ee micnaheedu waa ruux kasta xaafada uu ka tirsanyahay maamulka ay hoostagto ayaa canshuurta ka qaadanaya.

Xaafadkasta waxaa u madaxbanaan maamulka ay hoos tagto wixii uu ka dhisayo , waxaana la doonayaa ruuxa xaafadaas degan in uu xaq u yeesho xuquuqda ay helaan dadka maamulka canshuurta ka qaata xaafadaas uu deganyahay wixii ay helaan isagoo aan qabiilkiisa loo eegayn.

Waxaa maalmahaan danbe aad usoo badanaysay qoladaas baa xagaan u soo durkaysa oo guryihii oo dhan iibsanaysa iyo qoladeer baa soo durkaysa oo dhulkii sheeganaya, waayo meesha waxaa ka maqan nidaam iyo xeer standard ah.

Hadii marka sida aduunka oo dhan xaafadaha mar hore inta calaamado la isla ogyahay oo lagu heshiiyo inta la mariyo markaas Tabeele lagu dhajiyo cadaynaya xaafad hebel waa dhankaas xaafad hebel waa dhankaas sida masawirka kore, markaas dabadeedna Xaafadahaas ay maamulada kala hoos tagaan waxaa meesha ka baxaya kala shakigii, oo matalan ruux reer Puntland ah haddii uu xaafad Galmaudug guri ka iibsado waxba kuma jabna ama boos oo hadhow wuxuu hoos tagayaa maamulka Galmudug waxaana uu canshuurta siinayaa Maamulka Galmudug, waxaana sabraloogada guriga u goynaya maamulka Galmudug.

Sidaas ayaan aaminsanahay in ay soo afjari lahayd dagaalka Gaalkacyo dhibaatada badan dhaliyay, waliba waxaan qabaa in Gaalkacyo hadda si ku meel gaara heshiiskaas loo dadajiyo inta uu imanayo heshiiskii kala xadaynta deegaana Soomaalida iyo maamulada Federaalka ah

Dhanka Nabadgalyada waxaa wanaagsan in Gaalkacyo nabad galyadeeda ay ka wada shaqeeyaan labada maamul oo loo sameeyo xarun gooniya oo lacag fiican loo qoondeeyay.

Si kooban u diyaariye Ibrahin Sh Maxamed Gablax
Halkaan ka eeg Qormooyinkii hore ee Ibrahin Gablax
Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad)
Xadaaradda Sweden Maxay Soomaalidu kaga dayan karaan (Maqaal Kooban)

Qaabka ay Doorashada China u dhacdo maxaa laga baran karaa (Qormo kooban)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Baarlamaanka Puntland ma kasoo baxaa Masuuliyaddii shacabka Puntland (Maqaal Kooban)

Dib u daawo Cilmibaaristii sanad kahor uu Ibrahin Gablax ka diyaariyay (isla xisaabtanka,Bangiyada iyo Tamarta,Quutul daruuriga,GDP iyo Miisaaniyadda, Dawladwanaag )

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 2aad (Akhri warbixin muhima)

Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Madaxda afrika oo garasho yari awgeed aan cadaaladda qaymayn (Maqaal muhim ah fadlan akhri)

Marlabaad dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

Bal daawo China oo dhisaya magaalo ay ku noolaandoonaan 130 million oo ruux

2 Responses to Xalka Gaalkacyo waa iyadoo maamulada Galmudug iyo Puntland loo kala sameeyo xaafado calaamadaysan oo qaarna ay Puntland canshuurta ka qaadato qaarna Galmudug (Qormo muhim ah)

  1. Pingback: Marlabaad Akhri Qormadii Xalka Gaalkacyo Oo Wali Taladaas Loo Baahanyahay | Puntland Observer

  2. Pingback: Warbixin Dhulka Ay Galmudug iyo Puntland Isku Hayaan ee Dagaalada dhaliyay iyo Halka Uu Arrinku Salka Ku Hayo | Puntland Observer