Marlabaad akhri Somalia GDP per capital (maxaad kala socotaa inta ay tahay Hantida GDP ee qofkasta oo Soomaaliya Sanadkii) [daawo aflaam muhimma]

Filed under: Wararka |

Akhristayaasha Puntlandobserver ayaa naga codsaday Maqaaalkaan oo aan hore u daabacnay

Qaybtii hore ee aan kaga hadlay Miisaaniyadda iyo GDP-ga halkaan kilig garee si mawduucaan kuugu fududaado in aad markiiba fahantid

Aduunka wadamadda Horumaray oo dhan waxay awoodda saaraan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen GDP-ga wadanka, qaybtii horaan kusoo sharaxnay waxa laga wado GDP.

Hadaba waa maxay GDP.
GDP waxaa English lagu yiraahdaa Gross Domastic Product oo ah total value of all final goods and services that country produced annually

GDP per capital waxaa lagu helaa marka layaqaan lacagta sanadka dalka wixii ay bayacmushtareen uga soo xarooday GDP-ga dalka ayaa loo qaybshaa tirada dadka ee dalka ku nool, markaasaa la ogaadaa inta lacaga ee qofkiiba kusoo hagaagaysa ama GDP per Capital.

Sharaxaad GDP
GDP waxaa English lagu yiraahdaa Gross Domastic Product oo ah total value of all final goods and services that country produced annually.

Afsoomaali hadaan isku dayo in aan micneeyo waa dhamaan adeegii iyo alaabtii uu wadanku sanadkan soo saaray, calashaan aakhirka waa dhamaan adeegyadii iyo alaabihii Somalia sanadkan soosaartay

Hadaan tusaale ahaan kuugu sharaxo.
Hadii Degmadda Cadaado ay daganyihiin 10 kun oo ruux, islamarkaana Degmadda Cadaado ay dhaqdaan 100 kun oo Geela, hadi ay reer Cadaado sanadka 2012 ay iibiyeen 10 kun oo Geela, hadii neefkii joogo 500$, calshaan waxaa degmadda sanadkaan soo galay 500$*10,000.$=5000,000$
Hadaba waa imisa GDP-ga Degmadda Cadaado sanadka 2012?.

Jawaabtu waa shan million oo dolar.
Waa imisa GDP/Capital degmadda Cadaado ama qofkiiba imisaa lacagtii kusoo aadaysa.
GDP/Capital Cadaado= 5000,000$/10,000=500$ calshaan GDP/Capital reer Cadaado 2012 waa 500$.

Afeef, arinkaas waa tusaale ee ma ahan xog rasmiya.

Hadaba hadaad akhristow fahantay GDP iyo GDP/per capital
Waa imisa GDP-Soomaaliya Sanadkii 2011 sidda ay Un-tu soo sheegtay

Un-tu waxay sheegtay in GDP dhamaan Umadda Soomaaliyeed sanadkii 2011 uu ahaa 1067 million$ calshaan kun lixdan iyo todoba million oo doolar, halka qofkii ay kaga soo hagaagaysay 112$ oo ay sidan isugu qaybiyeen.
dadka Soomaalida ayaa ahaa 2011 9557000 00 ruux.
Somali GDP/Per capital = 1067,000,000./9557,000.=107$ calashaan qofkasta oo Soomaaliya waxaa kusoo aaday 107$, halka Qofka maraykankii ay kusoo aado 60,000$

Xogta Unta halkaan ka eeg

Ama Youtubeka ka eeg iyadoo lasoo galiyay 10-ka wadan ee aduunka ugu fakhrisan GDP-gooda oo ay Somalia noqotay wadanka aduunka ugu Fakhrisan.

Dhanka kalena halkaan ka daawo 10 ka wadan ee Africa ugu Qanisan ama GDP Qofkiiba lacag farabadan kusoo aadayso.

Dhanka kalena halkaan ka daawo wadamadda aduunka ugu qanasisan iyo Qaar ay GDP-goodu xadka dhaafay

Lasoco maqaaladda danbe oo aan ku falanqayn doono arinkan oo aan wadan wadan u eegayno sababta ay GDp-giisu hoos ugu dhacday ama kuwa ay kor u kacday waxa sababay

Eng Ibrahim Gablax Finland
Gablax@yahoo.com