Maxaa Keena In Bulsho Kala Qaybsanto Sideese Looga Shaqeeyaa In Bulsho Lakala Qaybsho

Filed under: Important News,Wararka |

Doorka ugu muhiimsan umad horumarkeed iyo qaran dhiskeed waa Midnimo
Unity is Power.

Hadaba haddii ay gacmo shisheeye doonayaan in ay bulshe qaybshaan kuma degdegaan ee hadba si tartiib tartiiba ayay arrin aynan fahmayn u hoos dhigaan.

Waxay ka shaqeeyaan in ay dalka siyaasadiisa u dhiibtaan hal koox oo aan bulshada oo dhan matallin iyadoo siyaasadda laga saarayo kooxaha kale.

Kooxdan loo dhiibtay siyaasadda ayaa la maalgalliyaa oo la buunbuuniyaa intii muddo ah.
Markaas ayaa kooxdii kale ee siyaasadda laga saaray ee banaan joogga laga dhigay iyagana si gooniya loola shaqeeyaa oo xooggaa ku dhimo hadba loo tuuraa iyadoo wax dhaqaalo ah laga illaalinayo si ay u dhibaatoodaan oo kuwa siyaasadda haysta ee dhargay ugu caroodaan.

Kuwii siyaasada loo dhiibtay ee la maalgalliyay ayaa hadana siyaasadda lagu faragaliyaa oo loo yeeriyaa dadka ay masuuliyadda u dhiibanayaan iyadoo looga digayo kuwii dibad joogga laga dhigay in ay siyaasadda ka qayb galliyaan.

Marka danbana kuwaas siyaasadda lagu maalgalliyay ayaa isku dhiiba kuwii maalgalliyay waayo waxay ka baqayaan kuwii dibad joogga laga dhigay in ay xukunka ka qabsadaan waliba dambiyana waa sii galleen.

Markaan ayaa waxaa kuwii siyaasadda loo dhiibay lagu careeyaa in lagu soo daynayo kuwii dibad joogga ahaa haddii aynan shuruudo badan oo la hordhigay fullin.

Marka nacasku waligiis kama fakarro cawaaqib xumada ka immaan karta haddaad waxa ay gacmaha shisheeye kuu yeeriyeen ee kula maagan yihiin aqbasho ee waa uu iska dhexdabaashaa, illaa wiishku ku yeero oo isna meesha laga saaro.

Waana arrimahaas arrimaha sahla in bulsho wada jirkeed la kala qaybsho.

Halkaan ka akhri qormo arrinkaas la xiriidha ee aan 2003 ku daabacnay P/O.
Maxaa sahla in laguu isticmaalo siyaasadda Qaybi oo xukun(Divide and Rule) (Akhri waa warbixin muhima)

One Response to Maxaa Keena In Bulsho Kala Qaybsanto Sideese Looga Shaqeeyaa In Bulsho Lakala Qaybsho

  1. Pingback: Maxaa Keena In Bulsho Kala Qaybsanto Sideese Looga Shaqeeyaa In Bulsho Lakala Qaybsho - Daily Somalia Report