Muhiimadda dooda Fagaaraha ee Musharaxiinta lagu kala saaro akhri falanqaynta, Daawo Doodahii Musharaxiinta Maraykanka soomaray ee doodihii fagaarayaasha

Filed under: Wararka |

Doodaha Fagaaraha ee lagu kala saaro Musharaxiinta hogaanka dalka u tartamaysa waa ubucda ugu muhiimsan ee Demoqraadiyadda, waxaana badanaa lasii sameeyaa dhawr bilood kahor xiliga doorashadda waana arrinka ugu muhiimsan ee ay shacabku ku kala xulan karaan Hogaanka ay doonayaan in ay Adeegoodda iyo masayrkoodda ku aaminaan.

Waxaan illaa iyo hadda Soomaaliya ka hirgalin Fagaarayaal doodeed iyo mid gaar ahaaneed oo lagu kala saaro tartamayaasha u tartamaya qabashadda Hogaanka iyo Masiirka Deegaanadda Soomaalidda.

Mid gaar ahaaneed waa midka su aalo adag lagu waydinayo Musharaxa, illaa iyo hadda waxaa si arxan daro ah su aalo aad u kulkul Somali Chanel lawadaagay Mushrax Cali Warsame

Arrinka Cali Warsame sidda gaarkaa su aalaha loola beegsaday cadaalad ma ahayn waxay ahayd Musharaxiinta oo dhan in sidaas loola beegsado laakiin hadda waxaan u aragnaa weerar maadaama aan Musharaxiintii kale sidaas lowgu kululayn oo wariyaha waraysanayay markuu Faroole Waraystay ma aanu waydiin haba yaraatee wax su aalo ah oo kul kulu.

Puntlandobserver ayaa illaa Sanadkaan markasta soo daabacaysay Fagaarayaashii Tartan ee Musharaxiinta Maraykanka lagu tartansiinayay si ay uga tusaale Qaataan.

Doorashadii u danbaysay ee Madaxwayne Xassan Shiikh ku guulaystay ayaa noqotay wax cajiiba iyadoon Xassan Shiikh Qof Soomaaliya oo yaqaanayba uu yaraa hadana ku guulaystay Tartankii.

Si hadaba aanu Soomaaliya iyo Gaar ahaan Puntland uunan arinkaas mid lamidda marlabaad uga dhicin hadda waa in ay Puntland diyaariyaan Fagaarayaal fool kafoola oo su-aalo adag lawaysiinayo musharaxiinta si markaas ay dadka oo ka dharagsan Musharaxkasta Kartidiisa iyo hadafkiisa siyaasadeed markaas ay u doortaan Musharax buuxinkara shuruudaha ay rabeen in uu ugu adeego.

Doodahaha wadamadda fahansan Demoqraadiya ay aadka u tixgaliyaan ayaa ugu wayn in ay ogaadaan Adeege ama Hogaamiye u fulinkara arrimahaan.
1) Adeege horta shacabka u adeegaya ee aan adeeganayn, si ay taa u hubiyaan waa in uu adeeguhu (Hogaamiyuhu) xaqiijiyaa ku shaqaynta nidaam iyo Qawaaniin ku baysgaraysan hay-ado dawladeed oo kala madax banaan, hay-ad Sxaafadeed Madax banaan, Gole Xukuumadeed Madax banaan, Gole Baaarlamaan Madaxbanaan, Gole Garsoor madaxbanaan, Hay-ad dhaqaale maaliyadeed Madaxbanaan.

2) Aragti fog oo siyaaseed oo dhaqaale kobcineed.

3) Abuurid shacab wadaniyiin ah, abuurid isku kalsaanoon shacab is aaminaad shacab, abuurid shacab dalkoodda jecel, waxaas oo dhan cadaalad baa bays u ah ee waa in uu leeyahay Hogaamiyuhu garasghadda muhiimadda shacabka oo halbeeg Cadaaladeed wax lowgu qaybsho, oo arrimaha kore Bays u ah.

4) Aragti iyo fahansanaan Hoos kadhis, kor u dhis, waxwalba hoos kasoo dhis, caruurta hoos kasoo dhis inta ay 7 kayaryihiin, Familka Hoos kasoo dhis oo abuur wacyigalin sidii shacabku u dareemi lahaayeen in horumarka dalka lagu bays gareeyo familka oo waxwalba lagu jaangooyo gaar ahaan dhaqaalaha Famaliga hoose iyo noqloshoodda, sidoo kale Dimoqraadiyada iyo doorashooyinku waxay kasoo bilowdaan Tuulooyinka illaa ay kor u yimaadaan magaalooyinka waawayn eeg Qormadaan

5) Adeege aan urur katirsanayn Khaasatan Soomaalidu waa in ay aad uga feejignaadaan Hogaamiye Urur diimeed ay gadaal kariixayaan, hadhow waxwalba iyo taladda ayagaa la wareegaya aakhirkana waxaa imanaysa in la isku mariwaayo oo shacabkii kale diidaan sidda Masar kadhacday, sidda Hadda Muqdisho ay Damjadiid taladii dalka ula wareegeen oo la ogaaday in aynan Xassan Shiikh waxba gacan ugu jirin.

Hadaba ka digtoonow Jaahwareerinta iyo dhaqanka Soomaalidaaa ee Durbaanka loo garaaco Musharax Hebel, ama Qormo uu Mushataxu Internetka soo galiyay oo uu usoo diyaariyay Qof jooga Dunidda dacalkeedda kale, ka digtoonow dhaqanka hadaan soomaali nahay noo caadadaaa ee ku salaysan in aan u kala xaglino Musharaxiinta.

Si ay arrimhaas Puntland uga badbaado waxaa Haboonaan lahayd in Madaxwayne Mudane Cabdiraxmaan Faroole uu Sanadkaan Geesinimo Qaato oo uu diyaariyo Fagaarayaal Musharaxiinta lagu tartansiinayo dhanka Kalena u horseedo Bulshadda ehelkiisa ah Wado lagu xasuusto Madaxwayne Faroole oo uu noqdo Halyaygii Puntland wadadda Cadaaladda u horseday isla markaana ka tanaasulo waxwalba oo la xiriira Musuqmaasuq.

Halkaan ka daawo Doodihii iyo Fagaarayaashii lagau kala saaray Musharaxiinta Maraykanka.

Daawo 3-dii Doodood ee tartan Madaxwayne 1992 ee Clinton iyo Bush iyo Ross

Kennedy VS Nixon

Daawo doodii tartanii madaxwayne ee ronald reagan jimmy carter, iyo Bush vs reagan