Nabadoon Yaasiin Cabdisamad: Beesha Raxanwayn Nabadgalyo Darada Soomaaliya Ka Socota 90% iyagaa Qayb Libaax maanta Ka ah(Dhegeyso Xasaasi Culus)

Filed under: Important News,Wararka |

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo kamida dadkii Soomaaliya aan meelna uga bixin khaasatan magaalada Gaalkacyo ayaa hoteelkisiisii uu Gaalkacyo ku lahaa Hoteel Uunlaaye khaasatan booskii uu shaaha subax kasta ku cabi jiray waxaa lagu laayay dhalinyaro uu aad u jeclaa iyo agaasimihii maaliyadda Gobalka Mudug Gaadayare, ninka is qarxiyay ayuu sheegay Yaasiin in uu ahaa nin ay yiqiineen oo aagga ka shaqaysan jiray oo illaa 7 sano daganaa.

Kuwa is qarxiyay ama kuwa la qabtay 90% waxay kasoo jeedaan Beesha Raxanwayn.
iyadoo xaal halkaas marayo ayaa Garacad waxaa soo weeraray 700 oo askara waxayna u badnaayeen beesha raxanwayn waxaana nooga sii diran kuwii dugsiyada quraanka nowga dhigay ee beesha raxanwayn ayaa ku biiray kuwii nagu soo duulay oo howdka laga soo qabtay iyagoo qoryo wata.

Aniga guriga la qarxiyay gurigaygii buu ahaa hadeer 3 casho ka hor bisadaa dabakha kore kala soo degay hilibkii dadkii ehelkayga ahaa oo hortayada ku cunayay.

Anigu muslim baan ahay kama aanan talin dad in la dilo, waligayna qof muslima ma dilin.
Wiilasha labadaa ee la dilay hoteelkaygay deganaayeen.
Labada wiil ee la leeyahay waa la dilay waxay ahaayeen 2 wiil oo kamida 9 shaqaale ah oo ii shaqaynaysay.
labadaa wiil anigu beel ahaan haybtooda ma aanan aqoon, waxayna ahaayeen laba wiil oo aan dadka ka jeclahay.

Wiilasha saacadii lala tagay 10 daqiiqo ka dib dawladda waa u sheegay, waxaanan ku iri niman dareeska askarta wata ayaa afduubtay, wax jawaab nagu soo ceshayna ma hayno.

3 casho ka dib baa naloo sheegay maydkooda.

Xildhibaano ayaa tv-yada ka hadlay nin la yiraahdo Afaraale.
1000 nin oo isku deegaano ah oo gobalo aynan lahayn kusoo duulaya Raxanwayn baa laga hayaa.
Waxaa la leeyahay waa macalin quraan. dugsi allaale dugsigaad aragtid waxaa jooga nin lagu qariyay shaar diimeed, waxaana ay raaceen ninmakii soo duulay.

Anaga iyo Raxanwayn odayaashoodo ceelna nagama dhexeeyo carshinna nagama dhaxayso

Soomaaliya markii dagaalka sokooye ka dhacay baa lagu kala tagey, xamar dadkayagii ka tagey ee sii maray, waxay dhici kareena waa waa dhaceen, waxay dili kareenna waa dileen.

Oday shayb ah raxanwayn ma laha, waa wada dhalinyaro, Waxa jooga waa niman ciidana
Jareerta xaasas baa u jooga, waxay soo helaan magaaladay galiyaan.
Duulaanku wuxuu saaranyahay Puntland iyo Jubbaland

Hadaanu niraahno walaalayaalow mawda noolaan karno inta system iyo dawlad dadka kala illaalisa la helayo guryihiina jooga ma cid baannu wax ka bi’inay.

Haddii kale waa in la helaa cid nadaam keenta, waxaa maalin dhawayd hadlayay cabdikariin Madaxwaynaha Galmudug, oo ka jawaabayay hadalkii aan iri nin walba gurigiisii ha ku noqdo.

Hadda ka hor magaalada waxaa lagu dilay nin madaxa, waxaa loo soo qabqabtay niman laga shakiyay, nimankii raxanwaynta ahaa ee kabadha haystay ayaa inta ninwalba qori dabalaaba soo qaatay cimaamad madaxa ku soo duubtay oo booliska soo weeraray, anigu barigaas tv-ga universal bay wada shaqayn naga dhaxaysay oo waa hayaa cajaladaas koobigeedii.
Dagaalkii maxakamadaha nimankii aaday waxay ahaayeen nimankii saraflayaasha ee kabadhada haystay, kuwii macalamiinta dugsiyada oo hebel iyo hebel aan u garanaynay.

Wuxuu yiri dalka Soomaali oo dhan baa wada leh, waana run oo Soomaali oo dhan baa wada leh, laakiin maxaan aniga iyo adigu isku haynaa, wado la dhisayaad is hor taagtay oo magaalada oo dhan u barakacday, oo 200 boqol oo qof ku dhinteen marka 2da nin ee Raxanwayn baa puntland xuquuqul insaanka ugu tumutay.

Cabdi kariin Xaafadda uu ka daganyahay Gaalkacyo ee Baraxlay dhib kama dhaco, dadka laguma laayo, innaga maxaa gaar nagu ah.
Ma diin gaara oo si gaara innaga naloo barayaa jirta.
Gaalkacyo laba xaafadood oo isku dhegan in qofka xaafadda dhanka Puntland ku nool uu cabsi ku noolaado, qofkii masaajidka aadi waayao, xaafadda kalena ay nabad ku noolaadaan.

Haddaad idinku nasteexo u haysaan dajiya xaafadihiina.

Shariif Xasan waa madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Soomaaliya meesha ay marayso waxaa asal u ah fikirka shariif xasan dadkiisan fikirkiisaa ka muuqda.

Raxanwayn nimanka la yiraahdo ma nebcin laakiin dadka noo yimaada waa dad askara.

400 o nin oo dhalinyara ah maxay dalka ka qabanayaan
Maalin walba kii lasoo qabto waa wada Raxanwayn
Bal hadda fiiriya idacada qaranka kii la qabtaa waa Raxanwayn
700 ee Garacad ku soo duulay markii la waydiiyay maxaad rabteen wuxuu ku jawaabay baashaal baan Puntland u soo aadnay

Hoos ka dhegeyso hadalka oo dhamaystiran

7 Responses to Nabadoon Yaasiin Cabdisamad: Beesha Raxanwayn Nabadgalyo Darada Soomaaliya Ka Socota 90% iyagaa Qayb Libaax maanta Ka ah(Dhegeyso Xasaasi Culus)

  1. Pingback: Nabadoon Yaasiin Cabdisamad: Beesha Raxanwayn Nabadgalyo Darada Soomaaliya Ka Socota 90% iyagaa Qayb Libaax maanta Ka ah(Dhegeyso Xasaasi Culus) - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Reer Puntland Iyo Raxanwayn Yaa Isku Diray | Puntland Observer