Reer Puntland Iyo Raxanwayn Yaa Isku Diray?.

Filed under: Important News,Wararka |

Bil xaqiiqiyayan si wanaagsan baa lowgu soo dhaweeyay Puntland bulshada reer koonfur Galbeed, laakiin reer Puntoland iyo Reer Koonfirgalbeed waxaa isku diray.

1) Alshabaab.
Alshaab dadka ay adeegsadaan ee dilalka qorshaysan fuliya waxaa u badan beesha raxanwayn, waxayna ahayd in shacabka beesha Raxanwayn ee Puntland ay soo sheegaan ciddii ay uga shakiyaan in ay Alshaabab u shaqaynayaan, taasina ma ayan dhicin runtii.
2) Shariif Sakiin
Shariif Sakiin waa siyaasi si aada u neceb dadka Puntland kasoo jeeda, nasiib daro wuxuu Madaxwayne u noqday reer koonfur Galbeed.
3) Jawaari iyo Xasan Culusow.
Labadaan nin waxaa ka dhexeeya is xulufaysi siyaasadeed, waxayna isku xulufaystaan siyaasadaha lidiga ku ah Puntland, Jawaarina waxaa loo adeegsadaa siyaasadha Puntland lidiga ku ah.

Arrimahaan oo is biirsaday ayaa waxaad mooddaa hadda in ay soo badanyaan shacabkii reer Puntland oo iyaguna hadda ka jawaab celinaya fariimaha Shabaab, Shariif Sakiin, Xasan Culusow iyo Jawaari.

Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa, dabkii munaafaq shidaa maskiin baa ku gubta, bulshada Digil iyo Mirifle ee Puntland ku sugan waxaa lagu qiyaasaa illaa 500 oo kun hadaysan ka badnayn, waxaanad mooddaa bulshadaas in ay nabadoodii iyo noloshoodii khal khal galiyeen siyaasiin aan la garanayn waxa ay doonayaan iyo waxa ay ka helayaan nacayb dad walaalahooda oo Soomaaliya.

Dadka masaakiintaa ee aan siyaasiyiinta ahayn ayaan waxba kala socon qorshayaasha siyaasiintu ay wataan balse dadkaasiin masaakiintaa ee digili iyo mirif ee ku nool Puntland ayaa ku mashquulsan nolol maalmoodkooda.

Hadaba si xal lowgu hello in dib la isugu soo cesho kalsoonidii reer Puntland iyo bulshawaynta eer Koonfur Galbeed waa in ay shacabka reer koonfur galbeed muujiyaan ficilooyinkii ay isaga celin lahaayeen Alshabaab, Shariif Sakiin, Jawaari iyo Culusow.

Dhegeyso hadaladii yaasiin Cabdi-samad oo ku hadlay hadalo ka guuxayo bulsho farabadan oo reer Puntland ah kadib markii Yaasiin Hoteelkiisii la qarxiyay laguna laayay dhalinyaro oo waalid u ahaa iyo qaar ay qaraabo ahaayeenba oo uu aad u jeclaa.

Dhibaatada maanta Soomaali haysata, hal Siyaasi oo dana gaara leh baa isku dira bulsho dhan oo malaayiina.

Waxaa kamida Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ka shaqeeya isku dirka beelaha Hartiga dhexdooda.

Waxaa kamida Shariif Sakiin oo ka shaqeeya isku dirka Beelaha Puntland iyo Raxanwayn.

Waxaa ka mida Xasan Culusow.
Laakiin Beesha Abgaal Siyaasiyiintooda ayaa diiday damaca Xasan Culusow oo runta u sheega Xasan Culusow iyo in aan loo baahnayn in aan beello kalsooni iyo is jacayl ka dhaxeeyo aan laga shaqayn in la isku diro.

http://www.puntlandobserver.com/nabadoon-yaasiin-cabdisamad-beesha-raxanwayn-nabadgalyo-darada-soomaaliya-ka-socota-90-iyagaa-qayb-libaax-maanta-ka-ahdhegeyso-xasaasi-culus/

2 Responses to Reer Puntland Iyo Raxanwayn Yaa Isku Diray?.

  1. Pingback: Reer Puntland Iyo Raxanwayn Yaa Isku Diray?. - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Ruksis780