Proof: Cali Khiyaamo Qooto Qooto Oo Afkiisa Ku Qiranaya In Ingiriis Iyo Qaar kamida Dalalka Yurub Iyo Qaramada Midoobay Ka Shaqaynayaan Kala Qaybinta Soomaaliya (Qormo Gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Soomaalida oo hal Qowmiyad ah oo Daris la ah Kenya iyo Ethioupia ayaa Itoobiya waxaa ku nool 80 Qowmiyadood oo hal dal ee Itoobiya ku midoobay iyo kenya oo ay ku nool yihiin 70 Qowmiyadood oo ku midoobay halka dal ee Kenya.
Haddii aad eegtid linkiyadaan hoose ee Kenya iyo Ethiopia qowmiyadaha ku nool, Soomaalidu waa mid kamida 80-ka qawmiuyadood ee Itoobiya ama 70-ka qowmiuyadood ee kenya, waliba Soomaalidu waa Kushitic.
http://www.sourcewatch.org/index.php/Ethnic_Groups_of_Kenya
https://en.wikipedia.org/wiki/List_of_ethnic_groups_in_Ethiopia
Markaas ayaa waxaad is waydiinaysaa sidee bay ku dhacday?, in halka qowmiyad ee Soomaalidaa oo wadaaga diin, luuqad, midab ay markaas hal dal ku midoobi waayaan cajiib, hadana dalka aduunka ugu qanasina illaahay siiyay.

Macquulse ma tahay in beel kamida beelaha Soomaalida ay beel kale magaaladeed 10 sano xoog iyo qori caaraddiis ku haystaan.

Reer Garoowe maalmo Burco waa qabsan karaan laakiin masii haysan karaan hal wiig oo qura Burco, haddii aynan gacmo shisheeye mallaayiin dollar ku bixinayn, horay baanan u sheegnay in Laascaanood gacan ku haynteeda addis-ababa iyo saaxiibadeed laga go’aamiyo ee aynan Somaliland oo qura ahayn

Dal xoog waa lagu qabsan karaa laakiin aad bay u adagtahay in xoog lagu sii haysto waxaana cadayn u ah dalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Isku soo duub cali Qooto qooto horaan u sheegnay in uu gacmo shisheeye waliba shirkadaha maafiyada ee booba shidaalka dalalka soo koraya in uu xiriir hoose la leeyahay oo si shidaalka ssc loo boobo loo ballanqaaday 5%, waaayo cali horay ayuu u dhacay mashruucii sonkorta soomaaliya oo nabada, soomaalidaa tiraahda ninna caadadi madaayo bahalna qeeriin madaayo.

——->(sababta aan cali qooto qooto ugu bixinay halkaan ka eeg)

Xalka Soomaaliya waa mid qura waxa kale waa waqti dhummis.
iyadoo Soomaaliya loo qaybsho ugu yaraan 200 oo degmo oo degmo kasta ay maamulkeeda u madaxbanaan tahay dhaqaalaha soo galana 50% uu degmada akoonkeeda ku dhaco, 30% akoonka maamul-gobaleedka, 20% dawladda federaalka.
Maamul Gobaleedyada la kordhiyo, caasimadana la badelo ama dhul cidla ah caasumad cusb laga hirgalliyo.

-waxa kale waa buju buji iyo anagoo reer hebela aan reer hebel mahaaladood xoog ku qabsano —-> waa fikradihii 100 sano ka hor dunida macquul ka ahaa laakiin aan maantay macquul ahayn oo ay ku khasaareen beelihii fikirkaas waqtiga isaga dhmiyay

7 Responses to Proof: Cali Khiyaamo Qooto Qooto Oo Afkiisa Ku Qiranaya In Ingiriis Iyo Qaar kamida Dalalka Yurub Iyo Qaramada Midoobay Ka Shaqaynayaan Kala Qaybinta Soomaaliya (Qormo Gaaban)