Qadar Oo Noqotay Dalka Ugu Haysta Aduunka Sida Madaxwayne Xukunka Looga Tuuro, Iyo Sida Madaxwayne Codka Lowgu Iibsho (Qoraal maxaa la Gudboon Reer Puntland)

Filed under: Important News,Wararka |

obstacle
Dalkasta aduunka waxbuu khatar ku yahay, hase yeeshee dalka Qadar ayaa lagu xantaa in uu ka danbeeyay
1) Afganbigii xukunka looga tuuray Mucaamarul Qadaafi.
2) Isku daygii afganbigii Madaxwaynaha Siiriya Bashaar Al Asad.
3) U iibintii codkii xildhibaanada ee uu madaxwaynaha ku noqday Xasan Shiikh.
4) U iibintii codka xildhibaanada ee uu Madaxwaynaha ku noqday Madaxwayne Farmaajo oo laguba faa-iiday.
5) Xukun ka tuuraddii Madaxwaynaha Hirshabeele.

Hadaba xiliyadii dagaalkii qaboobaa ay siyaasadda dunida ku hardamayeen Ruushka iyo Maraykanku, labada dalba waa ay samayn jireen in Madaxwayne la inqilaabo oo nin ay wataan booskiisa gaystaan, waxaana dabasocda taageero ballaaran oo dawladdu ay taageerayso madaxwaynaha ay sida hoose xukunka ugu dhiibteen.

Laakiin dalka Qadar iyaga kaliya waxay yaqaanaan in kooxaha argagixisada iyo wax lamida ay isticmaalaan oo xukunkii dalka madaxdii joogtay ka tuuraan, laakiin mahayaan qorshe ay ku taageeraan madaxwaynihii ay sida hoose xukunka ugu dhiibeen oo iyagu ma ahan dal aduunka oo dhan awood ku leh, kaliya waxay awoodaan waxa la yiraahdo ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxaana tusaale fiican u ah dalka Liibiya, oo markii ay xukunka ka tuureen Mucaamarul Qadaafi aynan waxba u diyaarsanayn kooxihii xukunka ka tuuray Qadaafi.

Puntland.
Puntland waxay qaadatay hanaanka dawladeed ee dimoqraadiyadda oo dalka lagu xukumayo Dastuurka qodabada ku qoran.
Hadaba sharciyada dastuurka waxaa diyaariya sharci dajiye, ama wakiil, ama xildhibaan.

Hase yeeshee Puntland waxaan u dhisnayd hay’adihii maamuli lahaa hanaanka xildhibaanka loosoo doorto, waxaana Puntland ka jirta in xildhibaanka la iibsado.
Musharaxa Madaxwayne ee ku tala gala in uu Madaxwayne ka noqdo Puntland, wuxuu awoodda isugu gaynayaa in uu iibsado 66-da xildhibaan, waxaana xilyada doorashada shandadahooda soo qaata nabadoonada, isimada, waxgaradka, dhammaantood waxay malaayiin dollar ka qaataan musharaxiinta, waxaana Puntland madaxwayne ka noqda Musharaxa dhiiba kharashka ugu badan, waxaana xildhibaan ka noqda Puntland xildhibaanka dhiiba kharashka ugu badan.

lacagta ay Musharaxiinta iyo xildhbaanadu dhiibaan waxaa qaata Isimada iyo Shacabka Puntland.
Xildhibaanada Puntland ayaa doorta Madaxwayne ay isleeyihiin lacagtii idinka baxday waad kasoo ceshan kartaan.

Ninka Madaxwaynaha ka noqda Puntland isagoo qaamaysan isla markaasna ay sugayaan xildhibaano qaamaysan ayaa wuxuu isku dayaa in uu awoodda dalka kaligiis gacanta ku dhigo, dhaqaalaha dalka maamulidiisa kaligii gacanta ku dhigo, si markaas uu isaga laaluusho xildhibaanada qaamaysan ee lacagta badan ay kaga baxday intii aynan xildhibaanka noqon.

Hadaba 2013 ayaan Puntlandobserver ku qornay qoraalo aan shacabka ku wacyigallinaynay in ay hadda ka fakaraan oo ka shaqeeyaan in aan xildhibaanka marna la iibsan oo Xildhibaankii iyo musharaxii lagu qabto iyagoo iibsanaya codka Isimka ama Xildhibaanka lagu xukumo 10 sano oo xariga, halkaan ka eeg
Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad (dib u Akhri warbixin muhima)

Hase yeeshee nasiib darro cid dhag jalaq u siisay may jirrin, xitaa cid tiri wax fiican baad ka hadasheen may jirrin, kaliya waxaan arragnay siyaasiin dhanka DFS oo nidaamka aan ka hadalay laftiisa qaatay oo ahaa hanaankii 51 ergo ay xildhibaanka soo dooranayeen, balse noqday kadar oo dibi dhal maadaama aan la xakamayn musuqmaaqii oo aan la oran 10 sano ayaa la xirayaa qofkii lagu qabto musuqmaasuq xildhibaan, oo musuqmaasuqii halka Isim la musuqmaasuqi jiraay ayaa hadda loo badalay in 51 ergo codkooda la iibsado, oo musuqmaasuqii un baa kor usii kacay.

Waxaana aan meesha ka bixin lacagtii isimka oo isimku isagaa ergayga soo xulayay oo ergada uu soo xulayo ayaa isimka lacagtiisa siinaya, hadhowna musharaxa ayay lacagta ka qaadanayaan.

Isku soo duub.
Arrinka xildhibaanka la iibsanyo, waa arrinka u fududeeyay dalka Qadar in ay Soomaaliya si fudud siyaasadeeda usoo gasho maadaama uu dalka qadar arrihaan aduunka ugu haysto.
Waxaana isa soo taraya in dalka Qadar uu ahaa numbarka koobbaad ee taageera Alshabaab oo waxaad maqlayseen in Qadar DFS ay ka codsatay in ay wada hadalsiinayaan Alshabaab iyo DFS, waxaana kale oo laga warhayaa in Qadar ay magangalyo siiso siyaasiyiinta hogaaminaysay Alshabaab.

Gabagabo.
Reer puntland hadday daacad yihiin oo doonayaan hanaan dawladeed oo waara in ay dhistaan awoodda ha isugu geeyeen sidii looga hortagi lahaa xildhibaan codkiisa la iibsanayo, shacabka iyo isimada Puntland ha diidaan laaluushka xildhibaanka lakala iibsanyo, laakiin hadday shacabka iyo Isimadu qaataan laaluushka ama ay daawadaan marka lakala qaadanayo oo micnaheedu yahay in ay raali ka yihiin, markaas waa qalad in ay sugaan dawlad danahooda u illaalisa.

Haddiise xal la doonayo waxaa muhiima in dadka la tirakoobo, oo la sameeyo Gole deegaan siyaasadeed, ama aagga ama Qariirad deegaan ee kasta ee ay ku nool yihiin 35 kun illaa 45 kun oo ruux waa in hal xildhibaan loo calaamadeeyo in uu kasoo baxo (one constituency), halkaan ka eeg qoraalo arrinkaas ka saabsan.

Laakiin waxba keeni mayso in marba madaxwayne xukunka laga qaado, oo midkale oo kii hore meeshiisii kasii wada la keeno, waa iska jaahwareer siyaasadeed waxna soo kordhinmayso, eedana waa la wada leeyahay in yaan cidna gaar loo saarrin, waayo shacabka iyo Isimada ayagaa qaata laaluushka ugu badan.

Puntlandobserver desk.

One Response to Qadar Oo Noqotay Dalka Ugu Haysta Aduunka Sida Madaxwayne Xukunka Looga Tuuro, Iyo Sida Madaxwayne Codka Lowgu Iibsho (Qoraal maxaa la Gudboon Reer Puntland)