Saacid oo ku doodaya in aynan dastuuri ahayn qaabkii maanta looga hor istigaay in uu Baarlamaanka horyimaado ee ay waajibtahay in Baarlamaanku u ogalaado in uu warbixn siiyo intaan codka loo qaadin

Filed under: Wararka |

saacid

Qodabka 69 ayaa sheegaya in Marka raysal wasaaraha Xilka laga qaadayo ay tahay in marka hore la dhagaysto kadibna hab gacantaaga xilka looga qaado, Qodobkaas oo dastuuriya waxaa is hortaagat Gudoomiha Barlamaanka (Akhri Qodabadda Dastuurka)

Muqdisho, December 1, 2013 – Ra’isal wasaaraha jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya Cabdi faarax shirdoon ayaa ka hadlay go’aankii baarlamanka ay qaateen maanta, kaas oo lagu diiday in ra’isal wasaare Saacid uu khudbad ka jeediyo golaha shacabka oo dooda mooshinka ay ka socoto.

Mudane Cabdi faarax Shirdoon ayaa tilmaamay in xukuumada Soomaaliya ay xaq u leedahay inay is difaacdo, isagoo ka codsaday baarlamanka in loo oggolaado fursad ay xukuumadu isku difaaco, waxaa uu malo-awaal ku tilmaamay eedaynta laga soo gudbiyey iyagoo maqan.

Waxaa uu sheegay eedaynta laga keenay xukuumada iyo kalsooni kala noqoshada in ay tahay mid aan ku dhisnayn xog-ogaalnimo rasmi ah, War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska RW Saacid goor galabta ah ayaa waxaa uu u qornaa sidan hoose.

“Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah.

Hadaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba – waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.” War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidaas.

Mooshinka laga keenay xukuumada RW Saacid ayaa doodiisu waxay ka socotaa hoolka baarlamanka federaalka ee Soomaaliya, amaanka goobta ayaa aad loo adkeeyey, xildhibaanada baarlamanka ayaa goor hore oo maanta ah diiday in ra’isal wasaaruhu la hadlo Xildhibaanada dalka.