Shacabka Soomaalida oo uga digaya Madaxda Soomaalida in ay Soomaaliya wax lug ah ku yeelato qulqulada Iran iyo Sacuudiga si ay Doorashada 2016 lacag uga qaataan

Filed under: Important News,Wararka |

Waxay bulshada Soomaalida noo soo dirayaan fartiimo ku aadan in ay Madaxda Soomaalida wax luga ku yeeshaan Qulquladda Iran iyo Saudi Arabia.

Soomaaliya 30 sano ayay Dagaal Sokeeye ku jirtay, Saasoy tahay sacuudi Arabiya waxay si arxan daro ah u tarxiilayeen muhaajiriinta Soomaalidaa ee dalkooda joogay waxayna wax xaquuqa u diideen Soomaali dalka Sacuudi Arabiya 50 sano deganaa.

Waxaa wax lago nao ah Madaxwayne Xasan Culusow oo Kitaab gacanta ku saaray in uu ku shaqaynayo danaha Soomaalida in uu maanta magacii Soomaaliyeed siisto shilimaad iyo dano gaaban oo u gooniya isla maraasna uu dhex dabaasho Qulquladda sida kamadaa uga dhex curatay Sacuudiga iyo Iran.

Xasan Culusow ayaa doonaya in uu dalalka Khaliijkaa ka qaato lacag uu ku galo doorashada 2016 si ay taasi ugu suurto gasho ayuu been been taageerayaa Sacuudiga isagoo isticmaalaya magaca umadda Soomaaliyeed.

Aduunka horumarku waa nabad ka shaqayn ee ma ahan wadamo u baahan in la dhexdhexadiyo in qolo kamid ah la taageeero, taageeraadaasi waa fidmo ka shaqayn ee ma ahan wanaag ka shaqayn.

Soomaalidu waa in ay banaanka ka ahaadaan cidwalba oo dagaal iyo dhibaato wada, isla markaana ay ku daydaan dalka ISweden oo markasta dhexdhexaad ka ah Qulquladaha iyo dagaalada

Xadaaradda Sweden Maxay Soomaalidu kaga dayan karaan (Maqaal Kooban)