Shirkii Madasha Wadatshiga Ee Muqdisho iyo Gudiyadii Hore ee Doorashada oo La Kala Diray

Filed under: Important News,Wararka |

Warar si hor dhac usoo gaaraya warbaahinta P/O ayaan ku helnay xog la xiriidha qodabadii ugu xasaasinaa ee la isku haystay iyo Beesha Caalamka oo markii danbe soo dhexgashay

si aad u fahanto qodabada la isku haysto akhri heshiiskii Garoowe oo afsoomaali ku qoran.

Shirkaan ayaa u jeedkiisu ahaa in heshiiskii Garoowe qodabadii laguso kala saxiixday si guud ay maamul Gobaleedyada, DFS iyo Beesha Caalamku isugu waafaqaan dabadeedna horey looga socdo.

Laakiin Xasan Sheekh ayaa wuxuu isku dayay in uu waxba kama jiraan ka dhigo heshiiskaas isla markaana wuxuu isku dayay in qodobka ku saabsan gudiga Doorashooyinka ee lakala dirayo meesha laga saaro maadaama uu xasan gudigaas gacantiisa ku magaabay.

Wuxuuna soo jeediyay in Baarlamaanka la horgeeyo hadda iyo kow oo loo codeeyo.

Halka Gaas iyo Axmed Madoobe ay ku doodeen in hal mar Baarlamaanka la horgeeyo heshiiskii Garoowe oo aan qodob qodob loo kala qaadin, murankii shirka ayaa intas ku ekaa laakiin waxaad mooddaa in qolooyinka xasan sheekh ay si maldahan u faragalinyaan qodabadii heshiiskii Garoowe oo ay kala qaadqaadayaan oo ay mid mid u dul istaagayaan midkastana gaar uga doodayaan oo ay leeyihiin Baarlamaanka ha lageeyo oo si gooniya ha looga doodo, haddii arrinkaas la yeelo ayay doodaahaas qaaadanlahaayeen dhawr sano.

Si kastaba ha ahaato waxaad hadda mooddaa in qolada Xasan sheekh ay siyaasadaynayaan heshiiskii Garoowe oo ay hadda ogalaadeen qodobkii in Gudigii Doorashada lakala diro.

Qodabada kalena hadana mid mid loosii dul istaago.

Halkaan ka akhri qormo ku saabsan Gudigii Doorashada ee lakala diray

Gudigii Doorashooyinka kooxda DamJadiid oo Gudoomiye u doortay Xaliimo YareY Fadeexaddii abid ugu waynayd (Falanqayn)

One Response to Shirkii Madasha Wadatshiga Ee Muqdisho iyo Gudiyadii Hore ee Doorashada oo La Kala Diray

  1. Pingback: Shirkii Madasha Wadatshiga Ee Muqdisho iyo Gudiyadii Hore ee Doorashada oo La Kala Diray - Daily Somalia Report