Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa (Akhri warbixin muhima)

Filed under: Wararka |

leader
Bismillah.
Cadaaladdu waa halka ugu muhiimsan ee maamul ama nidaam shaqeeynayaa uu ku dhaqmaa, haddii nidaam iyo hogaan caddaalad ku shaqaynaya lahelo, waxaa imanaysa in shacabku kalsooni buuxda siiyaan maamulka cadaaladda ku dhisan iyo nidaamka cadaaladda ku shaqaynaya, hadii xukuumadu kalsoonida shacabka hesho, dalku horummar aan laqiyaasi karrin ayuu hiigsan karaa amaba ku talaabsan karaa, waxaana uu Hogaankaas Dalka u noqon karaa mid waddo cusub qaadsiiya shacabkaan, oo xitaa hadhow si fudud xukunka ku wareejiya isla markaana inta uu xukunka hayo sii abuura oo sii xula wiilal iyo gabdho karti iyo aqoon hogaamiyeed leh.

Hadaba sidee Puntland ku helikartaa Hogaan markiisii hore kusoo baasay isreeb reeb saxa oo aan Laaluush, Qabyaalad iyo eex qaab kusalaysnayn kusoo baasin ee sidda saxdaa kuyimaadda Hogaanka dalka.

Waxaa inta baddan indheergaradku aaminsanyihiin sida kaliya ee hadda 5 bilood ee soosocota Hogaan is reeb reeb saxa kusoo baxa lagu keenikaro bulshadda horteedda waa iyadoo la casriyeeyo nidaamkii 66 Xildhibaan.

    Sidee lagu casriyaynayaa.

66-da Xildhibaan waa in uu xildhibaankastaa kusoo baasaa doorasho sax ah.

    Sidee ayuu ugu soo baasi karaa xildhibaanku isreeb reeb wado sax ah soomaray.

Deegaanka ama Beesha loo igmaday in ay iska soo doortaan xildhibaanka waa in ay marka hore iklaa 25 Nabaddoon oo kakooban Beesha Jifiyadeeda hoose, ama Deegaanka Qaybihiisa kala duwan ay marka hore Beeshu ama Deegaanku iska soo xullaan iyagoo kaashanaya isimka Beesha ama Deegaanka.

Markaas kadib Cod loo qaado musharaxiinta jagadda Xildhibaanada u taagan, dabadeedna waa in ay saxaafaddu min bilow illaa dhamaad lasocotaa si ay bulshadana ula socdaan ee aynan noqon wax dhowr oday qol lagalaan oo aan laga warhayn qaabka wax u dhaceen.

Isimka Beesha waa in uu ansaxiyaa hadii doorashadu si xalaala u dhacday, hadii kalena uu leeyahay cod uu ku diidi karo.

    Qaabkee Xildhibaan musharaxaa lagu ogalaanayaa.

Waa in Dastuurka la eego wuxuu ka qabo, laakiin yahay ruux taariikhdiisa aad looyaqaan oo aan waligii wax danbiya galin, oo lagu yiqiinay, cadaalad, run, qadiyad, aaminaad, dunwanaag, karti, aqoon, aftahanimo, dhamaan kartidda uu kuyeelankaro ruux matala deegaanka uu kasocdo iyo puntlandba.tay awgeed ku dooranayn, wacyi galin fiicana loo sameeyo.

Intaa kadib marka Doorashadaas Dhacdo waa in ay Beeshu Kitaab gacanta usaartaa Xildhibaanka oo dhaarisaa in aanu Madaxwaynaha ladoorandoono aanu laaluush uu qaataa ku dooran doonin ee uu kartidiisa ku doorandoono.

Markaas ayaa waxaa ay Puntland helikartaa Xildhibaano soo xulikara Madaxwaynaha ku habboon Puntland.

Doorashada noocaan ah 1000 jeer bay ka miisaan badantahay tan ka dhacda Maraykanaka iyo Europe, waayo ruuxa xildhibaanka noqda iyo Madaxwaynuhuba inta badan laaluush bay kusoo baxaan.

Laakiin qaabkan aan kor kuxusay haddii lamaro waa mid aad uga Qiima baddan tan reer galbeedka, waana doorasho si fudud dadka Baarkaa loogayn karo Baarlamaanka.

Markaas waxaa ku adkaanaysa wadamadda ka kaluumaysta in ay marwalba shakhsi ay xoogaa lacaga jeebka u gashaan keensadaan hogaanka dalka si ay ugu adeegtaan, in ay saas ku baasaan xildhibaanadaan oo haday yihiin dadkii asalka ahaa waa adagtahay in ay dalkooda shilimaad siistaan, waxaana suurtagal noqonaysa in ay Puntland hesho Hogaankii asalka ahaa oo dalka iyo dadka cadaaladda u horseedi lahaa.

Laakiin si arinkaan lowgu Guulaysto waa in ay sanadkaan dhammaan shacabka Puntland dal iyo dibadba arinkaan kawadda shaqeeyaan

Qoraalkan wuxuu ugooniyahay
Ibrahin Gablax

2 Responses to Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa (Akhri warbixin muhima)

  1. Pingback: Akhri Maqaal aan Afar Sano Ka hor Shacabka Puntland Ku Waaninaynay In AY Xildhibaan qadiyaddu ay kala wayntahay lacagtu Iska Soo Xulaan | Puntland Observer