Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 3aad (Akhri)

Filed under: Wararka |

leader
Bismillah.
Qaybtii hore ee labaad halkaan ka eeg

Qaybtaan waxaan ku eegaynaa muhiimadda ay leedahay ogaanshaha kala duwanaashaha bini aadamka, hadii aanay shacabka Soomaaliyeed arrinkaas aad daraasaad ugu samayn waligood awood u helimayaan in ay xushaan Hogaan u qalma in uu matalo, haday noqon lahayd heer Xildhibaan illaa Heer Madaxwayne.

Wadamada horumaray Ilmuhu markuu dhasho ayay kabbillaabaan in ay markiiba daraasaad kusameeyaan si ay u ogaadaan nooca uu yahay iyo waxa uu kufiicanyahay ama jecelyahay, waxayna u sameeyaan Fayl ilma kasta oo wadanka ku dhasha.

Intaas kagama haraan ee illaa xanaanada caruurta ayay caruurta ku kala saaraan oo kuwa xoogaa rabshadaha badan iyo kuwa xanuunsan ee aan firfircoonayn waxay geeyaan xanaanooyin gooniya.

Dugsiga dhexe ayay hadana kukala saaraan caruurta inta ugu fahanka wanaagsan waxay geeyaan iskuul ugooniya.

Dugsiyadda sare ayaa waxaa gala ardada ugu buundooyinka wanaagsan, halka kuwa buundooyinka yar helana lageeyo Iskuulaadka Farsamadda iyo xamaaliga.

Isku soo duub oo Jaamacadaha wanaagsan sida kuwa siyaasadda iyo Barashadda Cilmiga Dawladda ama kuwa Tegnoolajiyadda waxaa gala ardadii lasoo xulay, waana kuwaas kuwa wadanka haga.

Dhanka kalena waxaa jira nidaam qaybaha dambi baarista ay adeegsadaan oo ruuxii waxyar oo dambiya gala waxaa lagaliyaa Kumbiyuutarka qaybta kaydka, si loola socda wixii uu falay oo dhan.

Haddii xaafad rabshad yar kadhacdo Booliska waxbadan kuma qaadanayso in ay soo ogaadaan ruuxa falka gaystay waayo waxay yaqaaniin dadka Xaafadda degan shakhsi shakhsi waxayna yaqaanaan ruuxa uu kasuurobo faldanbiyeedkaan.

Doodaydu waxay kusalaysantahay muhiimadda in ladarsaa kala duwamahaashaha sifooyinka bini aadamka.

Tusaale :MAARADOONA– halkaan ka eeg, dib danbe ma uga dhashay ruux lamida dalka Arjantiin.

Mohamed Farah dib danbe Soomaali ma uga dhalan doonaa oradyahan lamidda —- Halkaan ka eeg

Cabdibile Ciyaaryahan lamidda waayadan mahaysaan halkaan ka eeg.

Hadaan doodayda usoo noqdo, bini aadamka illaahay abuurray aad bay ukala duwan yihiin, marka aad iyo aad bay muhiim u tahay in dadka lakala barto, isla markaasna ruuxa aad Hogaanka ka dhiganayso waa in uu ahaadaa ruux aad aad u haysid taariikhdiisa, waxa kasuurtooba, waxa uu galo, waxaana loo baahanyahay xaaladda markaas lajoogo baahideeda in aad u xulatid Hogaamiye ku habboon.

Waxaana inta baddan aan waayadaan danbe aragnaa in Soomaaliya gacmo shisheeye u xullaan Hogaanka dalka ama maamul Gobaleedka, inta baddana waxaad arkaysaa waa qaar u baddan in ay Un-ta kasoo shaqeeyeen, calashaan waxa uu gudo iyo waxa kasuurooba ayaa layaqaan, ha iska haysto shahaado jaamacadeed, hadana waa ruux layaqaan, haday rabaan haba ka eegeen dhanka in aanu iyaga shar u keenayn.

Madiidani inuu ruuxu un-ta kasoo shaqeeyay laakiin waxaan diidanahay ama aan dambi u arkaa in shacab dhan oo malaayiina ay dadkale oo aan u ehel ahayn ay Hogaankii keenaan, taasi waa musuqmaasuq aad u wayn, waana musuq maasuqa kan ugu balaaran ee abid jira aduunka, marka musuqmaasuqaas baan diidanahay ee madiidini hay-adda caalamigaa ee Qaramadda Midoobay oo waxyaalaha tirada badan ee wanaagaa qabata.

Markaas adiguba dhowr ruux oo aad taqaan qiyaas bal ruuxwalba waxa kasuurooba iyo ruuxa aad u dhiibanlahayd lacag kaydkuu ah oo aad haysato, Hogaanka ruuxa aad u dhiibanaysidna taa un buu ka dhiganyahay.

waxyaalaha muhiimkaa ee lagu xushaa waxaa kamidda.

1) waa in uu ruuxaas Aaminyahay oo taariikhdiisa lahayaa in aanu waligiis ruux ku aamin bixin balse uu fulinjiray wixii lagu aamini jiray, waayo dadku masayrkooday ku aaminayaan
2) Waa in aanu ballanta kabixin ee uu ballanta fuliyaa, waayo waa in uu fuliyaa wixii uu ku dhaartay oo aanu hadhow isaga darsan sanooyin beena.
3) waa in leeyahay aqoon, aftahannimo codkarnimo, muuqaal haybadeed muuqaal Hogaamiye.
4) Yaqaan ugu yaraan Luuqadaha Englishka iyo Carabiga, Luuqadda Soomaaliga sifiican ugu hadlaa.
5) Waa in leeyahay waaya aragnimo shaqo oo dheer, waliba horumar kasameeyay shaqooyinkiisii.
6) waa in uu dunidda casrigaa qaabka ay hadda u shaqaynayso lasocdaa oo lajaanqaadikaraa.
7) in aanu waligii dambi galin.
8) In aanu katirsanayn urur diimeedyadda sudda (Itixaad, Ictisaam, Damjadiid, Islaax) sababtoo ah ruux wada fikir kooxeed mamatalikaro masayrka umadan, umada msayrkeedu waa wadaag ee ma ahan wax koox leedahay, waliba kooxo kushaqeeya fikrado laga soo abaabulo Sauudi arabiya iyo Masar.
9) In uu leeyahay karti uu waxwalba ugu xaliyo qaab nabadoonimo, in uu leeyahay karti uu kula shaqeeyo wadamadda dariska, beesha caalamka Khaasatan wadamadda haya Malaayiinta Soomaalidaa in uu leeyahay garasho abaalgudeed wadamadaas, iyo waliba in uu yahay ruux qaab nabadeed iyo soo jiidasho ula shaqeeya caalamka ee aan marna xagjirnimo iyo dulin bini aadan ka shaqayn.
10) in uu yahay ruux aaminsan in uu xilkasaaranyahay Hooyadda Soomaaliyeed ee Dagan Galmudug, degan Soomaaliland, degan Ximan iyoxeeb, degan Muqdisho, sidaa la ajligeedna xil iska saara sidii Soomaalinimadda iyo nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed uga shaqaynlahaa.

Dhanka kalena
Maraykanka ayaad arkaysaa xiliyadda wadanka dhaqaalihiisu liito in ay xushaan Hogaan awood u leh in dhaqaalaha kor u qaado sidda Billclinton ama Obama.

Sidaas oo kale waxaan Filayaa maanta Puntland waxa ay u baahantahay hogaan ay niyad katahay hirgalinta Nidaam Cadaaliya oo leh dhamaan agabkii lagu yiqiin dawladnimo isla markaasna Cadaalad ku meegaarsantahay, taasi waxay sahlilahayd isku soo dhawaashaha iyo dib u midoobidda dhamaan beelihii maamulka horay u dhistay oo hadda ay inta badan Beeluhu tirsanyaan in ayba marti kayihiin maamulka hadda jira.

Lasoco Qaybta afraad
Qoraalkan wuxuu ugooniyahay
Ibrahin Sh Mohamed Hassan Gablax (Afeef Qoraalkan waa qoraal aan diyaariyay Xili doorashada Puntland loolankeeda la isku diyaarinayay marka wixii iga gafa Cafis baan waydiisanayaa umada waana aragti markaas iigooni ahayd.)