Sidee Xassan Shiikh Soomaali isugu keenikaraa (Warbixin kooban) (Qaybta koobaad)

Filed under: Wararka |

Leadership chart
Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa markii xilka loo doortay waxaa si aan innaba caadi ahayn ugu Farxay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed min daraf illaa dacal, waxayna dadbadan is yiraahdeen Shacabkii Soomaaliyeed ee Mudadda dhibku haystay waa cusub baa u baryay.

Jaaniska Xassan Shiiikh soo maray ayaa dhamaan dadka aragtidda dheer ku fasiraan mid dahabiya oo aan xataa lafaliyn in uu Madaxwayne danbe siduu kusoo maraa ay adkaan doonto.

Sidda ay dadbadan qabaan oo hadda dabagal kusameeyay Xasssan shiikh waa nin dagan oo lagu tirin jiray dadka farakutirkaa ee hadii waxloo dhiibo laga fililahaa in ay waxaas hagaajin doonaan.

Xagee wax ka qaldameen.
Inta badan waxaa la isku raacay kooxaha Xassan lataliyayaasha u ah oo 3 kooxood u badan, in ay Madaxwaynaha markasta kaduwaaan wado Cadaalad kusalaysan oo siin lahayd kalsoonidda shacabka Madaxwaynaha.
1) kooxda koobaad oo aaminsan in hadii Soomaali la isku soo cesho ay wayn doonaan Jaanisyo badan oo ay hadda si kalinimo ah uga faa iidaystaan ama qabiil ahaan ha noqoto ama Shakhsi ahaan ha noqoto, waxaana si gooniya farta lowgu godaa Beesha Habargidir, iyo Qaybo kamidda Beelaha Hawiye
2) kooxda labaad oo ah Kooxaha iyaguna diimaha Qaldan ee farqiyadda wahaabiyadda aaminsan oo ruuxu hadaanu aaminsanayn Qaybta Wahaabiyadda ee ay aaminsanyihiin u arkaya ruux duliya oo aan waxba lala wadaagi karin, waxaana kooxdaan kamidda Kooxda lagu xanto in Madaxwaynuhu katirsanaanjiray, iyo kooxihii hore ee Itaxaadka, Alshabaab, iyo qarkaloo badan, waxaana la aaminsanyahay kooxan aamisan wahaabiyadda in ay burburiyaan dhaqankii iyo asluubtii wanaagsaynd ee Soomaalidu Qarniyaal diintoodda usoo haysteen oo kusoo caanamaaleen.
3) kooxda sadexaad ayaa lagu sheegay koox kasocota Beesha Caalamka, oo iyagu aan ogalayn in ay Soomaaliya Cadaalad ka islaaxdo, kooxdan ayaa ah koox khubura ah oo wax ka eega 5 sano kadib maxay dhali doontaa waxaan hadda la dhoodhoobayo, marka ayagoo ku caawinaya oo kuu qoslaya ayay waxay wax ka ee aagaan waxani waxay dhali doonaan calshaan Cawaaqib xumadda”Cosequence”, markasta waxay rabaan wax aan loo dhamayn oo markasta waxay taageeraan marka qolo dulmantahay, si marka Madaxwaynaha dan laga leeyahay haduu ka weecdo qoladii kale lowgu soo daayo, qolooyinkii dulmanaa qudhoodda gooni baa xiriir wanaagsan loola sii samaysanayaa si marka loo baahdo iyagana loosoo taageero oo kiiyoo caro googoysay oo waliba caro qanjaha goysay oo markaan wixii uu arko cad cad u jarjaraya lowgu soo diro Madaxwaynaha iyo kooxdiisa.

Marka mar hadii intaas oo kooxood oo Madaxwaynaha markii horena Gadaal kasoo riixday markii danbana ay lataliyaal iyo taakuleeyayaal u noqdeen maxaad ka filankartaa.

Halkaan ka eeg maqaalo kusaabsan Cadaaladda

Maqaal muhiimadda Cadaaladda

Maxaa Xala.
Madaxwaynahu markaan waa in uu Geesinimo gooniya lasoo baxo, ogaadana aduunkan inta lagu noolaanayo ay maalmo yar tahay, sidaa la ajligeed waa in uu Madaxwaynuhu garowsaddo in uu hayo Masuuliyadda shacabwaynaha Soomaaliyeed ee aanu hayn masuuliyadda Beesha uu kasoo jeedo.

Waa in markaan Madaxwaynuhu si tartiib tartiiba isaga cayrsho kooxaha ku hareeraysan ee ay isku fikirka ama isku beesha yihiin, waana in uu markaan si cadaaladda Soomaalidda wax ugu qaybsho.

Madaxwaynuhu waa in uu taladda waxkasiiyo lagana arko aagagga xafiisyadiissa shakhsiyaad haysta Codka Beeshoodda ama Gobalka ay kasocdaan isla markaana leh aqoon iyo karti ay howsha loodiro kusocodsiin karaan, ee aan lagu keenin meesha in ay Xubin kayihiin Damjidiid, ama saaxiib ama qaraabo Madaxwaynaha yihiin, ama Fikir ay Beesha Madaxwaynaha kasimanyihiin sidda Ficiltanka Jubbooyinka ee ka dhexeeya Beelaha Hawiye iyo Daarood..

lasoco Qaybaha danbe waliba waa u furanyihin qofkasta
fadlan nala wadaaga fikridihiina kuwa suuban ee arinkaan kusaabsan
puntlandobserver@gmail.com