See Soomaaliya Loo horumarinkaraa, waxaa lagu horumarinkaraa Cadaalad, Cadaalad, Cadaalad(Warbixin Muhiima oo kooban fadlan ka faa-iidayso oo akhri)

Filed under: Wararka |


speakjustice
Akhristow dadka badankiisu waxay markiiba u malaynayaan in Dalka Soomaaliya lagu horumarinkaro iyadoo kaabayaal dhaqaale oo wanaagsn loo sameeyo sida (Warshado, wadooyin, Beero, Jaamacado).

Hadii aad saas akhristow awal aaminsanayd hadda wixii ka danbeeya ogow in aanu horumarka asalkaa kaa ahayn.
Hadaba xagee horumarku ku qarsoonyahay.

1) Cadaalad.
2) Cadaalad
3) Cadaalad.

Akhristow Horumarku wuxuu ku hoos jiifaa iyadoo cadaalad la hello, waxaanan kuu sharaxayaaa sababta uu u hoos jiifo.

Cadaaladdu waa waxa kaliya ee deeqa qofkasta, waayo bulsho wadajir iyo midnimay ku horumartaa, waayo soomaalidu waxay ku maahmaadaa Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.

Si haddaba wadajirkii iyo midnimadii ummadda loo hello sow ma ahan in marka hore lahelo is-aaminaaddii iyo isku kalsoonaantii bulshada, si markaas loo helo wadajirka iyo midnimadda bulshada, is aaminaadda shacabka waxa kalliya oo lagu helikaro waa iyadoo ay shacabku hellaan cadaalad, cadaaladda ayaa ay ka dhashaan isku kalsoonaan shacbiyadeed, iyo is-aamminaad shacbiyadeed.

Markaas akhristow hadda ma illa dareentay muhiimmadda cadaaladda.

Haddii ay markaas Cadaaladdii sidaas Bulshada muhiim ugu tahay, see cadaalad loo helikaraa.
Cadaaladda hadaan muslim nahay illaahay meelo baddan buu quraanka ugu caddeeyay muhiimmadda cadaaladda, laakiin anigaygan qoraya qoralkaan shiikh ma ahi laakiin waxaan dareensanahay muhiimadda cadaaladda marka aragtidaydaan idinla qabsanyaa.

Maska Madaxaa laga dillaa, cid allaale oo danaheenna ka shaqaynaysa oo horumar nala damacsan waxay bulshadda Soomaaliyeed kala shaqaynaysaa helitaan Systam ama Nidaam cadaalad ku dhisan, oo uu garwadeen kayahay Hogaan fahansan muhiimadda shacabkaaga oo cadaalad loo horseedo in uu yahay bilowga shacabkaaga oo horumar loo horseedo.

Waxaase waxwalba ka muhiimsan shacabka Soomaalida oo wacyigalin aad u ballaaran loo sameeyo oo la xiriidha muhiimadda Cadaaladda iyo saamayta ay ku yeelandoonto cadaaladdu noloshooda iyo nolosha ubadkooda..

Hadaanse soo koobo qaabka ay wadamada horumaray ee fahansan muhiimadda cadaaladda ay u hirgaliyaan nidaam cadaalad ku salaysan.

Sidaan idiin sheegayba Maska madaxaa laga dilaa, marka si aad hogaan iyo nidaam cadaalad ku dhisan loo helo waa in ay bulshadu barataa qaabka loola xisaabtamo hogaanka oo ah Madaxii, hadiise aanu hogaanku fahansnayn muhiimadda cadaaladda, shacabkuna aanay garowsanayn muhiimmadda la xisaabtanka Hogaanka, hade waxaad lamid noqonaysaa Mas Madaxii laga dilay, calashaan Bulsho Madaxii laga garaacay ama ka xanuunsatay.

See loola xisaabtamaa hogaanka.
Waa in loo samaystaa nidaam ku salaysan Dastuur iyo isjeeg garayn (Check and balance)

Ama eeg warbintaan faahfaahsan ee xukunka dalka oo lakala qaybsho kusaansan

1) “SAXAAFAD MADAX BANNAAN” Waa in ay shacabka Soomaaliyeed ku mitidaan in aan marnaba layeelin in saxaafadda dawladu kontaroosho, waayo waxaa meesha ka baxaya in xukuumadda lala xisaabtamo sababtoo ah saxaafaddu waa barta ay shacabku kala socdaan qaabka ay xukuumaddu wax u qorshaynayso, hadii marka ay xukuumadda hogaankeeda ay u suurtowdo in ay saxaafaddii kontoroolaan waxaa u fududaanaysa in ay sameeyaan waxay doonaan maadaama aynan shacabku lasocon waxa ay xukuumaddu samaynayso, waana meesha ugu muhiimsan shacabkasta oo doonaya in uu horumar gaaro in ay ku dagaalamaan in aan laga yeelan saxaafadda.

Hadaad aragtid hogaan ku dagaalamaya in uu saxaafadda kontaroolo waa hogaan wax kale damacsan waayadaan danbana wadamadda hagaasay ama kor usoo kici waayay waa halka lagala dagaalamo, waxaana xukuumadaha hadda Soomaaliya ka jira ugu khatarsan Xukuumadda Faroole oo yeelatay 90% Saxaafadda Puntland arinkaas oo khatartiisa leh.

2) “DHAQAALLE MADAXBANNAAN” Dhaqaalaha oo ah Hungurigii, ahna halka bulshada ugu muhimsan waa in laga illaashaa in ay Xukuumadda hoos tagto waa in uu dhaqaaluhu madax banaanaadaa, waa in ay Bangiyadu madaxbanaanyihiin isla markaasnaa shacabku share leeyahay, dawladuna share leedahay, laakiin lagu maamulaa sharci dastuurka waafaqsan, wixii dakhliya oo magaca shacabka lagu soo qaado waa in ay soo maraan Gudi baarlmaanku soo baasmareeyay madaxwaynuhuna saxiixay ama si wanaagsan dastuurka lowgu cadeeyaan qaabka dakhliyaadka loo maamulaya iyadoo qudheeda loo samaynayo finincial checks and balance.

3)”BAARLAMAAN MADAXBANNAAN” Golaha wakiilada waa in uu madaxbanaanyahay, waana in uu ku yimaadaa markiisa horeba sida saxdaa, waayo hal xaaraana nirig xalaala ma dhasho, hadii Golaha wakiilada ay markii horeba qolo meesha keensatay markaas rajo maleh, laakiin shacabka soomaaliyeed marka ay soo xulayaan Golahan wakilada waa in ay qaab cadaalad ku salaysan kusoo xulaan, oo ay yihiin kuwo isreebreeb iyo tartan kusoo baxay ee aynan noqon kuwo qolo meesha keensatay, waxaana hadda jaaniskaas ka faa iidaysan kara Gudiga maamul u samaynta jubooynka oo looga fadhiyo in ay soo xulaan Golo Wakiilo ku yimid mataladaad dadka deegaanka ee Degmooynk ay ka imaanayaan.
4) Gole Garsoor oo madax banaan.
5) Gole Xukuumad oo waxa ay qabanayaan Dastuurka lagu cadeeyay.
6) Gole madaxtooyo oo waxa ay qabanayso Dastuurka lagu cadeeyay.
7) Gole Guurti ama Sanate oo markaas lashaqaynaya Golaha wakiiladda shaqadoodana sifiican Dastuurka lowgu qeexayo.

Markii intaas la sameeyaa qofkasta oo Soomaaliya waa in uu bartaa oo guriga dhigtaa Buuga Dastuurka Deegaanka uu ka tirsanyahay, iyo kan dawladda dhexe.

Sidaas iyo qaarkaloo baddan baa ay kusoo dhawaan kartaa in cadaalad shaqaysa la helo, waxayna u baahantahay in ay shacabka Soomaaliyeed fahmaan muhiimadda Cadaaladda kuna mitidaan sidii cadaalad loo heli lahaa.

Markii cadaalad lahelo, waxaa kor dhaysa is aaminaad, isku kalsoonaanta, waxaana soo dhawaanaysa in lahelo Midnimadii Soomaaliyeed, waxaana meesha ka baxaya kala shakigii, waxaana la iloobayaa qabyaalaDdii iyo kala qaybsanaantii.

Waxaa bilaabanaysa wadaniyad iyo Ruux ku faanaya Soomaalinimadda.
Waxaana bilaabanaya Horumarkii aan kor kaga sheekaynayay.

Marka hadda ma igu raacsantahay in horumarka Cadaaladda Gadaasheedda uu jiifo, mase igu raacsntahay ruuxkasta oo kashaqeeya cadaalad daro in uu kashaqeeyay horumar la aan dalka Soomaaliyeed.

Waxaan kula talinaynaa kuwa hogaanka sheeganayow war u nax walaalkaaga Soomaaliyeed oo ka shaqee cadaaladda, oo ha feer marin Dastuurka, hadaad feermartid Dastuurka waxaad Shacabkii u horseeday Cadaalad darro, waayo Dastuurku waa meesha lagu illaasho cadaaladda waana Tuulka kaliye lagu qeexo cidwalba masuuuliyadedda iyo shaqadeedda waana tuulka hadii laga dul boodo ay ka dhigantahay bakhaar ay lacagi u taalay dad baDdan isla markaasna uu furihii Bakhaarka hal ruux jeebka gashaday oo dadkii kalena u diiday in ay la socdaan xisaabtii ruux walba u tiilay Bakhaarka.

Dastuurku waa bakhaarkii umadaan xoolaheedii yaaleen, Fure bakhaarka umadda xoolaheedu yaalaan waa in uu hayaa ruux aaMmina waa in uu albaabka bakhaarka u furanyahay umadda ay wax utaal oo dhan, saasoo kaluu Dastuurku uMmadda oo dhan ugu muhiimyahay, waana meesha qolo walba lagu qeexo shaqadeedda.

Diyaariye Ibrahim Sh Moxamed gablax@yahoo.com
Maqaalkaan wuxuu gaar u yahay Qorahaan, Puntlandobserver waa ay usoo daabacaysaa cidwalba oo noosoo dirta maqaalo wacyigallineed

Puntlandobserver Desk Top