Sir La Helay ee Wikileak: Sacuudiga Oo Dhulka Soomaaliya U Hadiyeeyay Israel Iyo Ethiopia

Filed under: Important News,Wararka |


Puntlandobserver marna kuma daabacno war aan sal iyo raadlahayn, dhanka kalena cidna iskama gardaraysano ee waxaan tooshka ku ifinaa cidkasta oo Xaaraan iyo Qooto Qooto wax ku raadisa.

Akhri qormadii Doorka ay Saudi Arabia ku lahayd burburkii soomaaliya ma lagaaray xiligii ilgooniya lagu eeggi lahaa (Falanqayn Kooban)

Hadaba Wikileak ayaa qarxiyay sir in Sacuudigu uu Israel kula balamay sidii ay dhulka Soomaaliya uwada boobi lahaayeen Israel iyo sacuudiga iyadoo loosoo marayo Ethiopia iyo Kenya

Waxaana baryahaan aan arkaynay Ethiopia oo maalgallinaysa Musharaxiin Horgale u ah Ethiopia , balse horgalayaashaan yaa maalgalinaya, oo lacagtaas dhiibaya, dabcan qofka caqliga yar leh wuu garankaray in uu sacuudiga yahay, waayo Musharax Horgalahii Ethiopia maalmo joogay oo waxaad arkaysaa hadana Sacuudiga kasii buskicinaya.

Dhanka kale Kenya ayaa iyana ciyaaraysan 27-kii sano ee u danbeeyay doorka ugu wayn ee Soomaaliya lagu boobayo.

Laakiin waxaaba hadda ay tahay in il-gooniya lagu eego doorka Israel oo isqaraysa ay Soomaaliya ku burburinaysay qarnigii lasoo dhaafay.
Israel ayaa si dadban u xukunta dunida maadaama taajiriinta ugu badan dunida ay isreal kasoo jeedaan, haddii ay arrinka Soomaaliya israel faraha kula jirto ay waxka jiraan ayay markaas khatar noqonaysaa.

Waxaana wanaagsan in Israel si toosa lowgu sheego in ay arrimaha somalia faraha kala baxaan.

Waxaa kaloo aan baryahaan arkaynay shirkado batrool iyo shakhsiyaad China iyo Russia kasoo jeeda oo lagu laaluushayay Batroolka Deegaanada Ogaden iyo Somaliland taas oo loo qaadan karo in la isaga laaluushayo si aynan dhanka Koonfurta Soomaaliya u faragashan Ruushka iyo China.

Soomaalida ayaan wax shakiya awal ka qabin
Israel, Ethiopia, Saudi Arabiya iyo Kenya, laakiin iyagaa raba in ay har cad boobaan Soomaalida, laakiin waxayba ka faa-iidaysan lahaayeen khayraadka iyo dhulka soomaalida haddii ay si daacada ula shaqaysan lahaayeen.

Laakiin hadda waxaa loo badinayaa in shirkado maafiyo ah ay doonayaan in ay har cad baadaan Soomaalida iyagoo is qarinaya oo boqol shaar oo kala duwan soo huwanaya.