Siyaasi Reer Khaatomo Ah Oo Cali Khaliif Siyaasadiisii 15 Sano Laba Wajiilayn Maahmaah Ku Fasiray Dhagayso

Filed under: Wararka |

Nin kasta oo khaa-inimo iyo laba wajiilayn wax ku doona, maalin baa la ogaan.
-waxaana ku dhacaysa maahmaahdii ahayd Geelow Daaq Daaq, Laakiin Maallintaad Geedka Ciinka Daaqdo Ayaa laguu Yaabaa.
Geedka ciinka waa geed koonfurta ka baxa oo marka geelu daaqo uu ku dhinto.

Profsoorkii dhamaa ee Raysalwasaaraha xitaa soomaali ka dhigatay xigmadiisii waxay kusoo idlaatay in uu kala doorto beelaha ay jilibka hoose isla yihiin, halkii laga rabay in uu Soomaali oo dhan midnimo iyo horumar u horseedo, ama siyaasadda guunkaa ee gacmaha shishiiye u adeegta haduunan waxba ka qaban karrin isaga aamuso.

Liikiin isagoo dano shakhsiyadeed oo u gooniya illaashanaya in uu khiyaamo shacabka dadka masaakiintaa ee ehelkiisa ee dhulkooda xoogga iyo siyaasadaha gacmaha shishiiye u adeega iyo soomaali isku dirka lagu qabsaday waa xaajo uguba waliba isagoo cimriya.

Maahmaahda Cali Khaliif loola jeedo ayaa oranaysa.
lo’da Kismaayo ayaa marka ay gaadho 100 waxaa la yiraahdaa ul-lo ah.

hadaba “Ul Lo’ah Ayaa Fariisan wayday Oo Seexan Wayday oo Degi wayday, Mindhnaa Lo’da 100-ka ah waxaa ku jiray sac waallan, Sicii waalnaa markii la ogaaday oo laga qabtay ayay 99-kii kale ee lo’da ahayd caadigoodii ku soo noqdeen”

Siyaasiga ayaa ula jeeda Cali Khaliif in uu yahay saca waallan, runtiina baryahaan danbe Prof-soorada nooyimaada waa in si gooniya la isaga eego waxaad mooddaa markay hadlayaan xitaa in aynan daganayn, oo aad moodid in tahaliil baas la soo cabsiiyay, Soomaalidii ayaa hadda Prof ameerica ka yimid khadyaan ka taagan.

 

War Xaqiiqa oo La Ogaaday In Cali Khaliif Uu Heshiis Lagalay Madaxda Somaliland Intii Aan Khaatumo La Aasaasin oo Qorshaha Khaatumo Ahaa Mid Shacabka SSC Lagu Marin Habbaabinayay