Siyaasiga Soomaaligaa wuxuu Leeyahay Dhaqanka Dhurwaaga Ma Yaqaan (Win Win)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

WIN WIN
Siyaasiga Soomaaligaa Khaasatan midka noqda Madaxwaynaha wuxuu garan waayay waxa la yiraahdo Win Win– (“ADNA GUULAYSO SHACABKAAGUNA HA GUULAYSTAAN”).

Haddii aad Madaxwayne noqotay oo bulshada 15 million-ka ah ee Soomaalidaa aad kaligaa Madaxwayne ka noqotay, adigu waad guulaystay waxaad jeclaydna waad heshay ee sow ma haboonayn in aad intaas ku qanacdo, oo bulshadiina aad maamul hufan oo wanaagsan sidii ay u samaysan lahaayeen aad qayb ka noqoto.

Haddii uu siyaasiga Soomaaligaa intaas ogalaaan lahaa waxaa meesha ka dhalan lahaa Win Win– (“ADNA GUULAYSO SHACABKAAGUNA HA GUULAYSTAAN”).

Laakiin siyaasigii Soomaaliga ahaa waa doqon oo waxwalba kaligiis baa isla raba.
Awooddii oo dhan in uu boobo kalligiis buu rabaa.
Hantidii dalka in uu kaligiis maamulo ayuu rabaa.
Waxwalba in ay isaga kaligii ay gacanta ugu jiraan buu rabaa.

Meesha waxaa ka baxaysa Win Win– (“ADNA GUULAYSO SHACABKAAGUNA HA GUULAYSTAAN”).
Wuxuuna rabaa in uu kaligii guulaysto shacabkiina qadiyo.

Taasina waxay dhashaa adna “GUUL DARAYSO SHACABKUNA WAA GUULDARAYSANAYAAN”

Daawo Waxa Kala Raacay Dhurwaayo iyo Libaax iyo Rule of Jungle sida Xaaladda Soomaaliya