Soomaaliya Ma Qabyaalad Baa Burburisay Mise Cadaalad Daro?.

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Halkaan ka akhro qormooyinka erayga cadaalad ay ku jiraan ee lagu baahiyay warbaahinta Puntlandobserver

wacyigalin
Dadka arragtidoodu gaabantahay baa waxay aaminsanyihiin in Soomaaliya ay Qabyaaladi burburisay.

Koomka Illaaheen subxaanu qaadir baa iska leh, illaaheen Subxaannu qaadir Soomaali wuxu siiyay nimcooyin aan la siin umadaha kale Halkaan ka eeg, hase yeeshee halkii ay Soomaali daqiiqad kasta illaaheen uga mahadnaqi lahaayeen nimcooyinkaas, ayay Soomaalidii dulmi iyo cadaalad darro isku sameeyeen, waxaanad mooddaa in dhanka alle ciqaabi naga saaran tahay.

Haddii aanse dhanka nolasha caadigaa ka eegno, dadku waxay u haystaan in Soomaaliya ay la burburtay qabiil.
Laakiin xaqiiqdu waa ka duwantahay, xaqiiqda dhabta ahna, Soomaaliya waxaa burburiyay oo Soomaali halkaas dhigay waa cadaalad daro, iyo maamul xumo, iyo siyaasi hunguriga dhurwaaga oo kale leh oo aan dhargayn .

Sideedana marka ay cadaalad daro timaaddo oo wixii dadku isku darsadeen ay koox yar ku takri fallaan ayaa waxaa ka faa-iidaysta oo dadkii masaakiinta ahaa shaar usoo huwada kuwii dadka ugu liitay ee dibjirka ahaa, oo markaan isaga dhigaya shacabkii in ay xuquuqdoodii usoo dhicinayaan, waxayna adeegsanayaan waxkasta oo ay taageero ku helikaraan.
Waxaana ugu horeeya Qabiilka, oo waxay oranayaan aan qabiil ahaan xaqeenii ku soo dhacsano.
Dhanka kalena kii wax boobayay qudhiisu si uu wixii uu boobayay u sii joogteeyo wuxuu taageero waydiisanayaa qabiil.

laakiin waxaan idiin cadaynayaa in aynan sheekadu qabiil ahayn, maxay dagaalkii sokeeye intii wax lakala boobayay ay qabiilada kala duwan isku bahaysteen sida Walaalaha Galgaduud siyaasiyiintii la baxay.

Dhanka kale Qabiil kaliya lama isticmaalayo ee xitaa diimahaa lakala kooxaynayaa sidaa Aala Sheekh, Damul Jadiid, Al-shabaab, Al-Itixaad, Al-ictisaam. takfiir –> kuwaan ma qabiil baa.

Isku soo duub ninka siyaasigaa ee ka shaqeeya in uu qalin iyo buug wax ku boobo, ha ogaado in uu mustaqbal umad dhan wada jirkoodii iyo wixii ka dhexeeyay ee kalsoonidooda soo celinayay uu dab iyo baasiin galinyo.

Ninka wanaagsan ee Soomaaliga asalkaa waa ninka door bida in uu gaajoodo oo qado intii uu khiyaamayn lahaa oo guryo ka iibsan lahaa hanti Soomaali oo dhan ka dhaxaysay, oo ku xiran wadajirka iyo is aaminaada iyo kalsooni isku qabka umadda Soomaaliyeed.

Siyaasigii dastuurka dalka iyo hantida umadda ka dhaxaysa qaab laaluusha wax uga daydayda ama qaab eexa waa in dhagax lagu dilo, waayo waxwalba waxaa ka daran wuxuu god ku ridayaa wadajirkii umad dhan oo malaayiina, wuxu shaki kala galinayaa wadajirkii umad dhan oo malaayiina, wuxuuna u horseedayaa umadaaas kala shaki iyo fawdo, marka Siyaasigaas haddii uu is garan waayo waa in ay shacabka si wada jira isaga dhiciyaan

Sida ay reer Puntland Al-shabaab ula dagaalameen waa in ay Soomaalidu ula dagaalamaan siyaasiyiinta Musuqa iyo eexda ka shaqeeya ee fara ku tiriskaa.

Hawsha in lala dagaalamo siyaasiga musuqa ka shaqeeya waa howl Soomaali oo dhan u taal, waana in lasoo sheego oo lagu daabaco dhamaan websityada, ogow ninka arrinkaaas ka shaqaynaya waa nin jihaad ku jira.

Laakiin ninkii qudhiisu nabsada nin Siyaasiya oo aan waxba danbi gallin qudhiisu waa dambiile loomana baahna in madaxda wanaagsan la iska nabsado, kuwa aan ka sheekaynayno waa kuwa waxa cad lagu hayo ee lama rabo in propogando lagu furo kuwa wanaagga wada

Si kooban u diyaariye Ibrahim Gablax.

Hakaan hoose ka eeg qoraal aan isla arrinkaas ka diyaariyay.
dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee cadaalad darada awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal