Soomaalidu kama faa-iidaysan Khibraddii dagaalada sokeeye iyo xukunkii kaligi taliska waa sababtaas sababta ay ula safteen Boqorka Sacuudiga

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Dalalka Yurub waxay khibrad fiican ka heleen dagaaladii sokeeye ee dhexdooda soo maray, waxayna go’aansadeen in ay meel uga soo jeesteen Fawdo iyo dagaal, waxayna awoodda oo dhan isugu geeyeen Shaqo iyo cilmi, kumana mashquulaan wax kale.

Taageerada ay DFS taageertay oo ku dhexmilantay dagaalada Iran iyo Sacuudiga u dhexeeya waxay muujinaysaa in aynan wali Soomaali ku cibra qaadan dagaaladii sokeeye ee soo maray.

Waxay ahayd in ay banaanka ka ahaadeen dalalkan hadda ay fawdadu u cusubtahay oo xiisaynaya dagaaal iyo Fawdo.

Boqorka Dalka Sacuudigu wuxuu u egyahay nin hadda xiisaynaya dagaal, oo maadaama ay dhalinyaro badan hadda kusoo kaceen waxaa laga yaabbaa in uu marayo meeshii uu Siyaad Barre marayay 1977, oo waa iska caadi Kaligi Taliyihu markuu shacabkiisa maarayn waayo waa uu jaheeyaa oo dagaal buu ku jeheeyee.

Hadda wax lala yaabo ma ahan kaligi Taliyaha Suudaan, Kaligi Taliyaha Jabuuti in ay shacabkooda dagaal ku jiheeyaan, laakiin oo kaalay marka Soomaaliya sow shacabku Baarlamaan ma xukumin shacabka ma kaligi taliyaa xukuma cajiib.

Isku soo duub Soomaali 1977 halkii ay joogtay amay wali joogtaa oo aynan wali casharadii faraha badnaa ka faa-iidaysan.

Waxay ahayd shacabku in ay diidaan Tijaabada Xasan Cuslusow uu shacabkaaan dagaaladu soo daashadeen uu hadana u dhex galinayo dagaalada Iran iyo Sacuudiga, maxaase looga dhiidhin waayay

Akhri qormadaan
Maxay Soomaali kaga dayan karaan wariye maxamed ilig iyo doorkiisa uu ka qaato Maamul wanaag (Qormo muhima)