Maxay Soomaali kaga dayan karaan wariye maxamed illig iyo doorkiisa uu ka qaato Maamul wanaag (Qormo muhima)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

wariye Ilig
Qormadaan waxaan ku eegaynaa

1)muhiimadda ay saxaafaddu ka qaadato dawlad wanaagga iyo horumar umadeed
2)Maxay Soomaali kaga dayan karaan barnaamijyada uu hal abuurkiisa leeyahay wariyahan mucjisadaa wariye maxamed ilig.

1)muhiimadda ay saxaafaddu ka qaadato dawlad wanaagga iyo horumar umadeed

Saxaafaddu waa tiirka ugu muhiimsan marka laga hadlayo 5ta rukun ee ay dawladdu ka koobantahay sida Xukuumadda, Garsoorka, Saxaafadda, Golaha Sharci dajinta, iyo Dhaqaalaha (Halkaan ka eeg barnaamijyo ka sheekaynaya dawlad wanaagga)

Shacab aan hellin saxaafad ay garwadeen ka yihiin wadaniyiin suxufiyiina oo geesiyaala oo shacabka usoo bandhigga halka ay marayaan hawlaha ay xukuumaddu waddo, hawlaha ay Garsoorku wadaan, Howlaha ay wasaaradda Maaliyadda wado, Howlaha ay Golaha sharci dajintu wadaan, yaa wax khiyaamaya, yaa daacada, yaa hal abuur wanaagsan shacabka u wada.

Saxaafad aan aan ka baqayn madaxda ay shacabku doorteen, ee taa badalkeeda madaxda la waydiinayo su’aalba su’aasha ay ka khararsantahay, si markaas banaanka loo keeno ruuxa uu yahay siyaasi kasta oo ay sahcabku shaqo u dirsadeen, ma qabyaalad buu wadaa, ma lacag doon iyo dantiisuu wataa, ma dadyow kaluu u shaqeeyaa waa kuma siyaasigaan, si markaas ay shacabku u xushaan madaxdii ku habboonayd, ee horay u wadi lahayd, si shacabkaas nabad waarta iyo horumar u gaaro, haddiise aynan bulsho haysan saxaafad sidaas u dhiiran ka samir in ay waligood hellaan wax xitaa dawlad u eg, waxaana shahacabkaas aakhirka maamulanaya kooxyar dhiig miirada, aakhirkana waa ay kala qaybsamyaan oo waxaa ay noqonayaan qayb cirka aaday iyo qayb fakhri daashaday.

2)Maxay Soomaali kaga dayan karaan barnaamijyada uu hal abuurkiisa leeyahay wariyahan mucjisadaa wariye maxamed illig.

Hadaba anigoo ah Ibrahin Gablax waxaan in muddo ah dusha kala socday siyaasadda Soomaalida, waxaanan aad ula-dhacay, ka hellay barnaamijyada uu diyaariyo Wariye illig, oo noqday noocii asalka ahaa ee saxaafadeed hanaanka uu barnaamijyadiisa u diyaariyo marka la doonayo in laga shaqeeyo umad doonaysa in ay horay u socdaan oo tiigsadaan xadaarad nabad iyo maamul wanaag ku astaysan.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula tallin lahaa in ay kaga daydaan wariye Maxamed Illig hanaankiisa dhiiran ee caddaaligaa ee uunnan u kala eexan madaxda iyo shacabka, balse   uu qolo walba doorkeeda siiyo.

Wariye Illig wuxuu diyaariyaa doodo su’aalo lagu waydiinayo madaxda Soomaaliland, wuxuuna casumaaa dhalinyarada Jaamacadaha ka soo qallin jabisay, wuxuuna dhalinyarada ku dhiirigaliyaa in ayna ka xishoon siyaasiyiinta ee ay waydiiyaan su’aalo ad adag, wuxuuna la socdaa in Siyaasigu ka jawaabay su’aalihii adkaa, oo marka uu Siyaasigu su’aalaha ka jawaabayo haddii uu ka boodo kuwii uu dhibsanayay dib buu ugu sheegaa siyaasiga in aanu hilmaamin su’aashii la waydiiyay ee uu si fiican uga jawaabo.

Horay waxaan u naqaanay suxufiyiin yaqaan kaliya nacamlayn loo nacamlaynayo Madaxda Soomaalida, waana dhaqan laga dhaxlay Xukuumaddii kaligi taliska oo waxaad mooddaa qaab dhaqanka Soomaalidu in aanu meelna ka waafaqsanayn saxaafadda xortaa iyo hanaan dimoqraadiyadeed.

Halkaan ka eeg barnaamijyada Wariye Illig.
Su’aalo ay Shacabku waydiinayaaan siyaasiyiinta horn cable

Dooda Horn Cable
https://www.youtube.com/results?search_query=dooda+horn+cable+tv

Dal horumaray waa dal ay shacabku tashadeen, oo ay meel iska dhigeen shakhsi wax u yeeriya oo wuxuu rabo ka sameeysta ayay meel iska dhigeen oo taa badalkeeda shacabku waxay samaystaan siyaasi la carbiyay oo shacabka ka baqa, oo ay shacabku haday waxyar oo isdaba marin ah ku helaan ay ku khasbaan in uu iscasilo, waayo marka hore ayay shacabku dastuur iyo iyo rukuno isla xisaabtamaya iyo saxaafad madax banaan u samaysteen, oo sharcigaa la xisaabtamaya cidwalba.

Hadaba waxaan shacabka Soomaalida meel walba oo ay jooggaan kaga daydaal Wariye illig hal abuurkisia kaligi duulnimadaa ee uu shacabkiisa ugu adeegayo.

Diyaariye Ibrahin Sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com

Halkaan ka eeg Qormooyinkii hore ee Ibrahin Gablax

Doorashada 2016 sida ugu cadaalad san ee xildhibaanada loosoo xuli karo(Qormooyin iyo Aflaam)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Baarlamaanka Puntland ma kasoo baxaa Masuuliyaddii shacabka Puntland (Maqaal Kooban)

Dib u daawo Cilmibaaristii sanad kahor uu Ibrahin Gablax ka diyaariyay (isla xisaabtanka,Bangiyada iyo Tamarta,Quutul daruuriga,GDP iyo Miisaaniyadda, Dawladwanaag )

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 2aad (Akhri warbixin muhima)

Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)

Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 1aad)

Madaxda afrika oo garasho yari awgeed aan cadaaladda qaymayn (Maqaal muhim ah fadlan akhri)

Marlabaad dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee caddaalad daradda awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

One Response to Maxay Soomaali kaga dayan karaan wariye maxamed illig iyo doorkiisa uu ka qaato Maamul wanaag (Qormo muhima)