Taladii P/O Xasan Sheekh Usoo Jeedisay 2013-kii Oo Run Noqotay (Akhri)

Filed under: Important News,Wararka |


Markii la doortay xasan Sheekh farxaddii ay dadku farxeen waligeed sidaas Soomaalida jecel midniada Soomaaliya umay farxin, waliba hadalkiisii qaboobaa iyo qoloskiisii wanaagsanaa iyo waliba iyadoo lagu tuhmayay aqoon.

Muddo 8 bilooda markuu xukunka hayay waxaan p/O ku daabacnay maqaalo fara badan in wixii Xasan laga filayay iyo wuxuu noqday ay ka dhigantahay geedkii cigaal shiidaad ee uu cigaal yiri “Geedyahow ma waxaan ku mooday misetaym mise waxaan loo noqon doonin”;

Laakiin sidaas kagamaanan harin ee talooyin badan baa usoo dhignay warbaahinta p/o oo runtii haddii uu talooyinkaas qaadan lahaa ay xaaladdu sidan ka duwanaan lahayd.

Marka aan talooyinka Xasan u soo jeedinaynay waa 8 billood ka dib doorashadiisii, maanta oo ay taariikhdu tahay 23.8.2016 waa maalintii ugu danbaysay sharci ahaanshaha Golaha sharci-dajinta taas oo ka dhigan Dawladdii Xasan Sheekh sharciyan maalmaa u harsan sida Salaad sheegayba, waxaana la aaminsanyahay haddii shacabka Soomaaliyeed la waydiin lahaa in ay dib u dooran lahaayeen Xasan iyo in kale waxaa la hubbaa in 98% aynan cod siiyeen marka laga reebo qolooyin hab cadiifadeed iyo qabyaaladeed ama dana gooniya codkooda ku siin lahaa.

Maanta dadka Xasan cadawgiisa koobbaad ah waa kuwii uu u qabyaaladaynayay ama uu u eexanayay ciday rabbaanba ha noqdeen ama Soomaali ama ajnabi, waxaana keenaysa waa ballan kabxa iyo dhaartii beenta ahayd ee uu dhaartay in uu u hogaansamayo sharciga oo uunan meelna sharciga uga leexanayn iyo cadaaladda ciddii ku nacaysa iyagay u taal, dhibka dhan waa halkaas, waana inta laga kari la’yahay siyaasiga Soomaaligaa, waayo mar allaale markii xukunka loo dhiibo maba ahan ninkii aad shalay tiqiinay.

Hadaba bal talooyinkaas akhri.

Xassan Shiikh Jaaniska horyaal ma ka faa-iidaysan doonaa mase waa ku bariiqan doonaa marlabaad (Talo muhiima)

Ama Qormadaan kale.
Madaxwayne Xassan Shiikh aqoon daro haysata Madaxda Afrikanka awgeed Jaaniskii soo maray kama faa iidaysan Markii ladoortay(Qormo muhima)

One Response to Taladii P/O Xasan Sheekh Usoo Jeedisay 2013-kii Oo Run Noqotay (Akhri)

  1. Pingback: Taladii P/O Xasan Sheekh Usoo Jeedisay 2013-kii Oo Run Noqotay (Akhri) - Daily Somalia Report