Madaxwayne Xassan Shiikh aqoon daro haysata Madaxda Afrikanka awgeed Jaaniskii soo maray kama faa iidaysan Markii ladoortay(Qormo muhima)

Filed under: Wararka |

cadaalad
Markii Xassan Shiikh Maxamuud jagadda Madaxwaynanimadda uu ku guulaystay, hadii uu awoodda isugu gayn lahaa sidii uu umadda Soomaaliyeed ugu cadaalad falilahaa, maanta halka uu joogo ma joogeen.

Laakiin waxaa ladhihi karaa Madaxda Afrika garasho la aan awgeed iyagaa soo afaysta Mididii lagu gawrici lahaa.

Maxay ahayd Madaxwaynaha in uu sameeyo.
1) in uu talaabo kasta Cadaalad kusaleeyo, in uu dhiso hay-ado DAWLADEED (INSTITITUTIONS) is jeeg garaynaya, sida hay-ad garsoor Madaxbaan, Hay-ad Dhaqaale iyo Hantidhowr Madaxbanaan, Baarlamaan Madaxbanaan, Xukuumad Madaxbanaan oo aan RaySal wasaaraha shaqadiisa lagu faragaLlin, laakiikiin ladaba dhigo hay-ado jeeg garaynaya sida hay’ad Saxaafad madaxbanaan, waayo Madaxwaynuhu waa ninkii Hay-adahan dusha ka waardiyaynlahaa, ee ma ahan ninkii isku mashquulin lahaa Hay-adda Xukuumadda oo u shaqayn lahaa sidii Raysal wasaare, Madaxwaynuhu waa kasareeyaa 5ta Hay adood, ee garsoorka, Xukuumadda,Golaha wakiiladda, Saxafadda, Dhaqalaha, waana ninka laraba in uu dusha ka waardiyeeyo oo marka hay-ad ku xad gudubto hay-ad kale waa ninkii kala saari lahaa.

2) dadka uu talakeenka ka dhiganayo in ay ahaadaan dad matala dhammaan beelaha Soomaaliyeed, oo aamin-nimo lagu yaqaan, isla markaasna uu dadkaas Talokeenkaa wiig kasta lashiro( dadkaas waa in ay ahaadaan dad kalsooni fiican ka haysta Beelaha Soomaalida iyo Guud ahaan Soomaalidda, waa in ay Kalsooni buuxda kahaystaan Madaxda maamul Gobaleedyadda iyo shacabkoodda.

3) in uu marwalba maanka kuhayo maahmaahdii Fule Xanti ma mooga, oo dhamaaan waxkasta oo lagu xamanayo ama websaydyada ku qoran markiiba ka jawaabo oo xalkeeda ka shaqeeyo.

4) in uu qaban qaabiyo Shirar dib u Heshiiseeneed oo niyadda kasoo go’ay oo ka dhaba oo taladeeda qaabka shirarka loo qabanayo ay talokeenka aan kor kusoo sheegnay soo jeedsheen, lagala tashaday dadka waaya araggaa, sida Isimadda,Wadaadada, Madaxda Maamul Gobaleedyada, Aqoonyahanka, isla markaasna doodo farabbaddan oo Saxaafadda ah lagaga dooday oo shacabkoo dhan lasocdaan.

Muxuu Madaxwaynuhu sameeyay.
1) Talaabooyinka Cadaaladda Madaxwaynuhu ma eegin, wuxuuna noqday nin qabta shaqada raysal wasaaraha, calshaan halkii larabay in uu hay-adaha oo dhan kasaramaro

2) wuxuu talakeen ka dhigtay dad aan matallin Beelaha ay kasoo jeedaan, iyo qaar ay isku xisbi yihiin ama isku fikir hoose aaminsanaayeen sida hawiye ACtion Group, Damjidiid, waxaana lagu xantaa in madaxwaynuhu sababta uu Saacid u magacaabay ay ahayd sidii Kismaayo lowgu qabsanlahaa.

3)Madaxwaynuhu dhag jalaq uma siin maahmaahdii “Fule Xanti ma mooga”, cidkasta oo dacaayadaysa dan uma galin wuxuuna taa badalkeeda isticmaalay maahmaahdii SHIDANAABA SHIDAN ama MAXAA IGA GALAY NIN GEEL BADAN MA GAAJAAN KA CABSANAYAYAA, ama wixii qaylinaya maxaa iga galay aniga shaqadayda ii wad, illaa ay Daahir Calasow, iyo All-idamaale iyo Shacabka-Media websaydyada sanadkaas Madaxwaynaha tooshka la daba taagnaa u baxsheen XASSAN QOSLAAYE, calashaan waaba iska qoslayaa ee maba ahan ninkii la xamanayay.

4) Shirarka uu Madaxwaynuhu Qaban qaabshay waxay ahaayeen qaar beesha Caalamka laga iibinayay laakiin aan Soomaali kaba warahayn.

Marka maanta dhamaan Madaxwaynuhu hadii uu qaadi lahaa wadada cadaaladda ee aan kor kusoo xusnay wuxuu maanta noqonlahaa Hiro ama halyay Soomaaliyeed, beeshiisan Sumcad buu usoo jiidi lahaa, 4ta sano ee soosocota xataa waa lowgu darilahaa.

Laakiin Caqli xumo iyo arragti gaabni haysata madaxda Afrika ayaan marna aynan garawsan karin in horumarkuba uu hoos jiifo cadaaladda

Akhir maqaaladii Puntland-observer ka qortay cadaaladda xili hor
Maqaal1

Hadaba Akhristow Bal maqaalkaan markaad akhrido isku day in aad fikirkaas cadaaladda faa fiso oo ku goobaabiso qof kasta

Halkaan ka dhagayso talooyinkii wacnaa ee Abwaan Sugaal Cabdulle Abwaankii Riwaayadii Magaalo Joogxumo

2 Responses to Madaxwayne Xassan Shiikh aqoon daro haysata Madaxda Afrikanka awgeed Jaaniskii soo maray kama faa iidaysan Markii ladoortay(Qormo muhima)

  1. Pingback: Siyaasiyiinta Iyo Madaxda Soomaalidaa Ma Noo Adeegaan Mise Waa naga Adeegtaan (Qormo Kooban) | Puntland Observer

  2. Pingback: Taladii P/O Xasan Sheekh Usoo Jeedisay 2013-kii Oo Run Noqotay (Akhri) | Puntland Observer