Tuhun Laga Muujiyay Isimada Puntland In la Laaluusho oo Xildhibaano Doorasho Lagu Galo La Samaysto (Qormo muhiima)

Filed under: Important News,Wararka |

conrcern

Waxaa isa soo taraya waxgarad ay ka buuxdo damqasho Puntland in ay lasoo xiriirayaan warbaahinta P/O.

Wax garadka ayaa shaki iyo walwal ka muujiyay shir ay isimada Puntland uga arrinsanayaan in isbedel lagu sameeyo 66-dii xildgibaan.

Waxayna waxgaradku shaki ka muujinayaan in uu arrinku daaranyahay siyaasiyiin uu damac kaga jirro Puntland oo raba xildhibaano cusub oo iyaga u adeega.

Xukuumadda Madaxwayne Gaas oo looga fadhiyay in ay ka shaqayso arrimhii muhiimka ahaa sida tirakoobka shacabka iyo diiwaangallinta si markaas loo ogaado cadadka halkii Gole deegaan siyaasadeed ama cadadka dad ee loo qoondeeyo halkaa xildhibaanba in uu matalo, sida dhammaan aduunka oo dhan ka jirta.

Dhamaan aduunka oo dhan si loo helo halbeegga xildhibaanka ama constituency ama Gole deegaan siyaasadeed, waa in marka hore shacabka dalka oo dhan la tirakooba, markaas kadib loo qaybsho tirada xildhibaanada ee dalka.

Tusaale haddii shacabka Puntland ay yihiin 4 million, waxaa halbeegga constituency lagu helayaa 4-tii million oo loo qaybshay 66-dii xildhibaan markaas ayaa la helayaa halbeegga Gole deegaan siyaasadeed. 4000000/66=60,000. calshaan halbeegga gole deegaan siyaasadeed ama constituency ee Puntland wuxuu noqonayaa 60 kun oo ruux calaa xildhibaan (afeef tani waa tusaale ee ma ahan cadadda dhabtaa)

Tusaale markaas ayaa la helikaraa inta xildhibaan ee loo qoondaynayo degmada Buuhoodle, iyadoo laga duulayo halbeegga constituency, laakiin maanta hab cadaaliya laguma qoondayn ee hab qaldan baa lagu qoondeeyay, oo xaal mastuur ahaa.

Tusaale. haddii ay Buuhoodle ku nool yihiin 200 oo kun, markaas ayaa loo qoondaynayaa Buuhoodle 200,000/60,000-=3.3, ama illaa 3 xildhibaan.

Markaas ayaa la leeyahay Buuhoodle waa in ay kasoo tartamaan 3 Xildhibaan oo ka mid noqonaya 66-da Xildhibaan ee Puntland.

Laakiin waa arrin laga naxo Puntland oo la aasaasay 18 sano ka hor in maanta siyaasiyiintii ay shacabku masiirkooda ku aamineen maantana qorshe ay xukun ku doonayaan iyo marrin habaabin shacab, ka  doodiisa soo bandhigaan.

Waxaan rajaynaynaa in dooda shirka dhanka wanaagsan iyo sidii arrinka tirakoob iyo diinwaangallin looga doodilahaa loo weeciyo..

Afeef tani waa toosin ee ma ahan mid xukuumadda Madaxwayne Gaas lagu diidanyahay.

Dhegeyso constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed Waa Aasaaska Hirgallinta Nidaam Siyaasadeed Soomaaliya By Ibrahim Gablax