Waraysiga Prof Cali Qooto Qooto Iyo Fallanqayn Labawajiilayntii Cali Khaliif

Filed under: Important News,Wararka |

Iyadoo ay cidwalba ka dheregsantahay in xukuumadda Ethiopia ay si dadban u maarayso cida leh gacanku haynta magaalada Laascaanood, ayay beelaha daaraadku u arkeen meel ka dhac in ay degaan ay leeyihiin ay xoog kaga qabsadeen beesha isaaq iyagoo adeegsanayaa horgalayaal deegaanka ah.

Balse baaritaan aan samaynay waxaan ogaanay in hanaanka maamul ee Laascaanood uu si dadban u hoos tago dawladda Ethiopia oo markaas dhamaan horgalayaasha Soomaalida lagu amray in uu arrinkaas saas noqdo.

Hase yeeshee Prof Cali Qooto qooto, ayaa loo badinayaa in isagu uu xiriir hoose la leeyahay shirkadaha maafiyadaa ee booba macdanta dalalka soo koraya, oo markaas iyaga qorshahoodu uu yahay in ay dadka deegaanka madaxa isku galliyaan si markaas khayraadkooda u boobaan.

Cali laba wajiile ayaa wuxuu shirkadahaas maafiyadaa u hayay hawsha ugu wanaagsan oo shaqadiisu waxay ahayd in uu kala irdheeyo beelaha hartiga si aynan wax gurmada u hellin beesha dhulbahante oo Cali Qooto Qooto uu doonayo in uu dillaalo deegaanka beesha dhulbahante oo xoogaagiisa dilaalkaa jeebka u gashado.

Cali Qooto Qooto ma ahan hawsha dilaalnimo mid hadda un ugub u ah ee isagoo wasiir ah ayuu ka doorbiday in uu xado lacagtii warshadii Mareeray oo qof walba oo soomaaliya uu ka warhayo, kadibna dalka ka cararay.

Cali Qooto Qooto in aynan daacad ka ahayn in uu Laascaanood soo celiya ayaan ku daabacnay p/o 5 sano ka hor inagoo markaas fahanay labawajiilayntiisa iyo in shaqadiisu ku koobnayd marinhabaabin shacab iyo khaa-inimo, waliba qormadaas oo aan daabacnay 2013 waa qormo xaaladdii xiligaas lagu jiray bayaaninaysa

Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac iyo Waxgaradka Beesha bah hararsame hadaynan Soomaaliland hoosta wax iskala ogayn maxay wiilashoodda uga dhaadhicin waayeen Fikirka sidii Laascaanood loo xoraynlahaa

Hadaba Cali ayaa muddo 10 sano oo marin habaabina kadib bixiyay waraysi uu ku cadeeyay in aanu doonayn midnimo soomaaliyeed, arrinkaas oo khaa-inimo ah isla markaana ay haboonaan lahayd in Cali lagu maxkamadeeyo waayo intaas oo shacaba ayuu dhib ballaaran ka gallay qaar badan oo uu xaflado iyo lacag uruurin waqti kaga dhumiyay, maanta dhamaan dadkaas jaanis bay haystaan ay Cali kaga aargudan karaan waayo qofka ku khiyaama wuxuu ka xunyahay qofka xitaa ku dila, khiyaamada iyo laba wajiilayntu waa dambi lagalo midka ugu fog.

Marinhaabinta Cali Qooto Qooto waxay isaga mid yihiin marinhabaabintii Xasan Culusow iyo Laba wajoolayntii

Xasan Culusow oo waligaa ma arragtay 100 dolar ku bixinaya sidii Alshabaab looga xorayn lahaa deegaan ama degmada Ceeldheer ee beesha Wacaysle.

Xasan Culusow haday daacad ka tahay in degmada ceeldheer laga xoreeyo alshabaab wuxuu aruuurin lahaa dhalinyarada beesha wacaysle wuxuu xoogaa lacaga ku bixin lahaa abaabulida dhalinyarada.

Wali yaa haya Xasan laba wajiile oo arrinkaas xoogaa lacaga ku bixiyay.
Waxaanse la soconaa in Xasan halkii Xildhibaan ku bixinayay hal million doolar.

Halkaas bay ka cadahay in aynan xasan daacad ka ahayn in Alshabaab laga saaro Degmada Ceel dheer iyo deegaanada kale waayo Xasan wuxuu aaminsanyahay in sidan iyo fawdadan uu wax ku noqday oo uu mustaqbalkana wax ku noqon karo

Hadaba dhegeyso waraysiga Cali qooto qooto.

Afeef
Dhulka Soomaalida waa dhul Soomaali oo dhan ka dhaxeeya waana xaaraan in ay dhawr oday oo addis ababa laga maamulo yiraahdaan waa kala goynaynaa.

Hadiisa Soomaali laga yimaado deegaanada Soomaalida hab beelaysan baa loo kala degaa.
Deegaanada Beesha Daarood dhammaan beesha daarood buu ka dhaxeeyaa, Cali Qooto Qooto, shirkadaha maafiyadaa iyo Ethiopian qooto qooto kuma qaadan karaan.