Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac iyo Waxgaradka Beesha bah hararsame hadaynan Soomaaliland hoosta wax iskala ogayn maxay wiilashoodda uga dhaadhicin waayeen Fikirka sidii Laascaanood loo xoraynlahaa

Filed under: Wararka |

Islaan bashiir iyo Cabdullaahi yussuf

Dad badan baa iswaydiinaya Talow Marxuum Cabdullaahi Yussuf iyo Islaan Bashiir hadii aynan REER MAHAD Ama Cumar Maxamuud wax u sheegi kari lahayn, waliba Xiliyada colaaddu jirto oo dadku xamaadaysanyahay Daaroodka kale maxay u qaadan lahaayeen erayo ay afka ay ka yiraahdaan oo aynan lasocon taagaradii iyo wiilashii Reer-mahad ama Cumar Maxamuud, hadii matalan beesha Cumar Maxamuud gaar ahaan jifada reer Mahad ee ay kasoo jeedaan Cabdullaahi Yusuf iyo Islaan Bashiir ay Gaalkacyo u gacan galiyaan Beesha sacad iyo maamulka Galmudug, oo markaas Dhulbahante oo doonaya in uu u hiilliyo Majeerteen oo markaas Gaalkacyo laga qabsaday, ay hadana islaanka iyo Cabdullaahi Yussuf ay beeshooda Majeerteen ku yiraahdaan Majeerteenow Dhulbahante iska Ilaasha waa cadowga Majeerteen ama Dhulbahante iyo Sacad iska illaasha Majeerteenow labaduba waa cadawgiinaa koobaad labada maamul ee darafyada, sow dad baddan isma yiraahdeen oo kaalay innaga ma Dhulbahantaa Gaalkacyo naga haysta, Gaalkacyo Reer mahad iyo Cumar Maxamuud Baa sacad iyo Galmudug u fududeeyay in ay xoog kula wareegaan hadana isla reer mahad baaba dagaal kaala hor imanaya hadaanu weerari lahayn Galmudug, Islaankoodii iyo Siyaasigoodiina Waa Cabdullaahi Yussuf iyo Islaam bashiir Maxaa qaladan, maanaa Qaldan Mise Heesbaa Cadan ka yeeraysa.

Markaas Islaan Bashiir iyo Cabdullaahi Yussuf hadii ay diideen Hiiladda Dhulbahante iyo in ay keenaan wiilashoodda, muxuu yahay hadalka ay Daaroodka kale kuleeyihiin oo u banaan.

Hadda Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac Afartii sano ee Magaaladda laascaanood lahaystay Shirarkii iyo Siyaasadda beesha Dhulbahante iyagaa horboodayay, Hadafka ugu wayn ee Beesha Dhulbahante waxuu ahaa sidii Laascaanood loo xorayn lahaa.

Maxay Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac uga dhaadhicin waayeen wiilasha iyo waxgaradka Beesha Bahhararasame in ay ka qayb qaataan sidii laascaanood loo xorayn lahaa oo taageeradooda la’aanteed aynan Beesha Isaaq usuurto gasheen in ay Laascaanood xoog ku haystaan.

Cali Khaliif iyo Garaad jaamac waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen oo awoodda saareen sidii Majeerteen iyo Dhulbahante loo kala fogayn lahaa, arinkaan oo kasoo horjeedda Istaraajiyadda Isaaq looga xoraynkaro Laascaanood.

Cali Khlaiif iyo Garaad jaamac iyagaa Isaaq u hayay howsha ugu wanaagsan ee Qaybi oo Xukun (Divide and rule) oo ah Istaraajiyad aad u wanaagsan oo aad loo isticmaalo xiliga dagaalka istiraajiyadan oo ka khatarsan hubkasta ayaa ah Kala Qaybi cadawgaaga oo marka aad kala qaybisid awoodoodda iyo isku duubnidoodda markaas Qayb Qayb u weerar oo midba bartiisa si aayara ugu garaac.

Xaqiiqiyan Beesha Dhulbahante awoodda Beesha Isaaq uma dhiganto, waayo dagaalku maanta wuxuu u baahanyahay dhaqaale, beesha isaaq waxay haystaan Dekad aad u dhaqaale badan, Beesha Isaaq jilib kamidda sida Jilibka Habar yoonis ayuu dhulbahante la tiro yahay, marka Bal Qofka Caqliga yarkaa xitaa leh waa garankaraan in aanu nin ay daacad katahay in uu Laascaanood xoreeyo in aanu kutaliyeen in Dhulbahante oo aan Hartiga kale wadan uunan si fudud ku xorayn karrin laascaanood.
galaydh garaadjaamac
Hadiise ay Cali Khaliif iyo Garaad jaamac xitaa keeni lahaayeen Taageeradda beeshooda Bah hararsame oo ah awoodda laascaanood isaaq u haysa, markaas waa arrin macquula oo la oronkaro nimankaan waa niman ay daacad katahay in Dhulbahante midoobo oo dhulkooda xoraysto oo maamul u gooniya oo kamadax banaan Puntland iyo Somaliland samaysto.

Waxaase aan la qaadan karrin in Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac ay keenni-waayeen wiilashooda Bah-hararsame, oo ay kashaqayn waayaan shirar xitaa lagu midaynayo labadda Faarax ee beesha Dhulbahante, balse taa badalkeedda ay ku guulaystaan oo kashaqeeyaan sidii Majeerteen iyo Dhulbahante loo kala fogayn lahaa.

Marka mala dhihi karaa labadaan nin waa ku Guulaysteen hawshii sida hoose lowgu soo dirsaday.

Maqaalkan ha u qaadan Qabyaalad, waa sixitaan lagu saxayo dhamaan inta sida qaldan wax u doonaysa, oo la leeyahay sida wanaagsan iyo Soomaalinimada waxku raadi, waxku raadi sida inta wanaagga jecel ay jecelyihiin in ay xaqooda u raadsadaan, iska illaali waxkasta oo caqliga saliimkaa kasoo horjeeda in aad isku daydid in aad khiyaamayn wax ku keentid.