Akhri Qormooyinkii Aan 2015 Ku Daabacnay P/O Ee Maxay Soomaali kaga dayan Karaan Sweden Iyo Cumaan (Nabad Nabad Dhedhexaad)

Filed under: Important News,Wararka |

role-modal

2015 Waxaan p/o Ku Daabacnay qormo muhiima oo aan ugu magac darnay Xadaaradda Sweden Maxay Soomaalidu kaga dayan karaan (Maqaal Kooban)

Qormadaan ayaa nuxurkeedu wuxuu ahaa qofkii wanaag sameeya wanaagga waa looga daydaa, ee reer sweden waxay fahmeen nabadda macaankeeda, waxay fahmeen islaax ka shaqaynta iyo wanaag ka shaqaynta macaankeeda.

Waxayna iska illaasheen dhaqanka ku hareeraysan cadawtinimada, dagaalka, dad is dagaalay oo xurguf dhexmaray oo haday rabaan walaalo ah lakala safashadooda.

Waxaan ugu talagalnay in ay qormadaas Soomaalidu ku waana qaataan oo dhamaan umadaha caalamka ku nool oo dhan aynan cidna col la noqon ee kaliya wanaag iyo is jacayl la sameeyaan, in aynan Soomaalidu qowmiyad caalamka ku nool aynan marna faquuqin.

Hadiiba ay Soomaalidu ficil qaadayaan waa in uu noqdaa ficilkaas wanaag ka shaqayn.
Waxaana ay Soomaalidu dhamaantood mowqif isku mida ka istaageen xurguftii dhexmartay dadka walaalahaa ee dalalaka khaliijka, waxaana Soomaalida u cuntami wayday in ay lakala saftaan hal qabiil oo caraba oo walaalo ah oo waliba waxa ay isku hayaan ay tahay Kibir iyo buufis shaydaan, waayo dhul iskuma hayaan, gaajo ma hayso dalalkaas oo illaahay qaninimuu siiyay, ee waxa la isku hayo waa ficil shaydaan.

Isku soo duub waxaa loo baahanyahay in ay hadda Soomaali meel ay joogaan ay ka shaqeeyaan nabadda iyo islaaxa.
Waxaana Soomaali u dheer, Soomaali maanta dalkasta oo aduunka ah waa deganyihiin, waxaana wanaagsan in dalalka wadankooda Soomaalida kusoo dhaweeyay ay Soomaalidu si gaara ugu abaal gudaan.

Waxaana wanaagsan in ay Soomaalidu isticmaalaan walaalkaa aad jeceshay u hiil marka laga gardaranyahay iyo marka uu gardaranyahay, oo marka uu gardaranyahay u sheeg in uu gardaranyahay ee haku taageerin gardarada.

Marlabaad Akhri:Dalka Oman Waa Dalka Kaliya ee Ka Badbaaday Dalalka Carabta Waayo Siyaasaddiisu Waa Dhexdhexaad (Cdayn Iyo Qormo Gaaban)

One Response to Akhri Qormooyinkii Aan 2015 Ku Daabacnay P/O Ee Maxay Soomaali kaga dayan Karaan Sweden Iyo Cumaan (Nabad Nabad Dhedhexaad)

  1. Pingback: Maxaa ka hirgallay Qormooyinkii Aan 2015 Ku Daabacnay P/O Ee Maxay Soomaali kaga dayan Karaan Sweden Iyo Cumaan (Nabad Nabad Dhedhexaad) | Puntland Observer