Xalka Dagaalada Sanaag Iyo hayland (Qormo gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

xalka Soomaaliya
1991 waxaa Soomaaliya ka dhacay dagaal sokeeye, waxaana uu dagaalka sokeeye ku salaysnaa Qabyaalad.
Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay wuxuu Soomaali ka dhigay in ay Soomaali noqoto dadka aduunka ugu fakhrisan, dadka aan lahayn Baasaboor ay ku safraan, dadka aan lahayn lacag shilin Soomaaliya oo ay Soo daabacdaaan iyo Bangiyo dawladeed, Soomaali waxay noqotay dalka aduunka ugu fakhrisan.

Beelaha magaalada Muqdisho iyo Beelaha Magaalada Hargaysa oo la wareegay Hubkii ugu badnaa ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ayaa deegaano aynan beelahoodu deganayn waxay ku qabsadeed hubkii xukuumaddii Siyaad Barre oo ay badidiisa la wareegeen, iyo iyagoo taakula ka hellay gacmo shisheeye oo awalba ciil u qabay qawmiyadda Soomaalida, kana faa iidaystay oo taageero maaliyadeed la garab istaagay beelaha Hargaysa iyo Beelaha Muqdisho, maadaama Beelaha Daaroodka awal si gooniya ciil lowgu qabay.

Yuusuf Garaad iyo Qabqablayaashii Muqdisho ayaa 26 sano kadib markay darbiga soo taabteen dib u garawsaday in ay qaldanaayeen wuxuuna Yusuf Garaad arrinkaas ka qoray Qormadaan gaaban goor xeer iyo Fadhaal kala dhaceen — akhri

Hadaad waydiisid beelaha magaalada Hargaysa sababta ay Soomaali uga go’ayaan aakhirka waxay jawaabtu noqonaysaa Qabyaalad, waayo haddii Garooowe ay deganaan lahaayeen beesha Isaaq su’aashu waxay noqonaysaa maka go’i lahaayeen Soomaali??.
Jawaabtu waa maya, waayo bishii lasoo dhaafay deegaan kamida deegaanada soomaalida ethiopia ee gaashaamo waxay ciidamada Ethiopia iyo kuwa lew Boolisku ku laayeen dad shacaba, waxaana hal mar gilgishay guud ahaan shacabka Soomaaliland oo aad uga xumaaday shacabka ay isku beesha yihiin ee lagu laayay Gaashaamo.

Marka haddii ay tahay Qabyaalad sababta ay Beesha Isaaq Soomaali uga go’ayso, markaas qofkii inyar oo damiir ficileed leh, waxaa ku soo dhacaysa sababta ay hadana beesha Isaaq usoo weerarayaan oo qori caaradiis ugu qabsanayaan deegaano ka mida deegaanadii beesha Daarood ee ay dartood Soomaali uga go’ayeen, waa laba arrin oo aan isqaban.

Marka Beesha Isaaq siyaasiyiintooda waxaa habboon in ay dib isugu noqdaan, oo calaa aqali ay ciidamadooda kala baxaan deegaanada beesha ay xifaltanku ka dhexeeyo ee ay dartood Soomaali uga go’ayaan.

Xalku waa cadyahay oo waa in ay Beelaha Isaaq deegaanada beesha Warsangali ciidamadooda kala baxaan oo ka warsugaan rabitaanka beelaha Hartiga waqooyi.

Haddii marka ay Beelaha Harti Waqooyi iyagu go’aansadaan in ay Beelaha Isaaq bahwadaag la noqdaan, oo ay beelaha Warsagnagli iyo Dhulbahanyte ay doonayaan in ay iyana Soomaali ka go’aan, markaas weeye marka ay si fudud deeganadaas u sheegan karaan in ay isku siyaasad yihiin.

Laakiin falka ay wadeen mudada 25-ka sano ah waa mid aakhirka fashil ku dhamaan doona, qori caaradiis dalalka awoodda illaahay siiyay ee reer galbeedka ayaa Africa ku xukumi lahaa laakiin Soomaaliland oo aan xitaa Bakeeri samayn karin ma awoodaan in ay hal maalin deegaan aynan lahayn ay xoog ku joogaan.

Hadda Horgalayaasha Beelaha hartiga waxay qaataan mushaaraad ay bixiyaan gacmo shisheeye oo ka shaqaynaya in Soomaalida madaxa la isku galiyo waana sababtaas sababta u fududaysay in ay muddo dheer xoog Laascaanood ku joogaan, laakiin mushaar uu ku siinayo nin xumaanta Soomaalida ka shaqayaya miyaa dal lagu gumaysan karaa, maxaadse ka faa-iidaysaa ruux walaalkaa ah oo Soomaali kula ah, oo Muslim kula ah, oo aakhiro markaad dhimato la idin wada xisaabinayo in aad deegaanadiisa xoog iyo 100 baabuur oo tignikada wax lagu gumaado oo aanad adigu samaysan ee aad lacagtii doolarka ee Soomaaliyeed ee laga soo qaaday xoolihii dibadda Soomaali u dhoofisay canshuurtoodii, in aad hadana usoo kaxaysto 100 baabuur oo tignikada wax gumaaada ah, dadkii reer miyaga ahaa ee raacanayay xoolihii aad dhoofinaysay ee aad canshuurtooda ku noolayd.

Niman Dhakhaatiira oo Iswidhish ah ayaa Caqliga Qaxootiga Soomaalida ee Sweden ku tilmaamay mid u dhigma midka digaagga oo kale, ama madaxa digaaga ama doorada hadba kaad u taqaan, hadaaad u fiirsato waad u garaabatsaa nimanka Swidhkaa ee dhakhaatiirtaa warkooda.

Intii uu ruuxa Soomaaligaa waxaas oo kharasha ku dhiibayay 100 Tigniko ah oo aadan adigu farsamaysan ama samaysan ee aad dalal shisheeye doolar uga soo iibsatay, maxaa kuu diiday in aad waxaas oo lacaga uga shaqayso midaynta iyo nabadaynta walaalahaga Soomaaliyeed ee ay colaada iyo caqli xumadu dilootay.

Maxaa ninka reer Hargaysa u diiday in ay ka shaqeeyaan sidii Soomaali loo midayn lahaa, waayo dalka Soomaaliya waa dal qaniya markaad dhan walba ka eegto, waxayna reer hargasya awoodi lahaayeen in ay Soomaali oo dhan qalin iyo Buug ugu taliyaan.

Hadiise aad go’aansatay in aad hab qabyaaladeed awgeed aad Soomaali uga go’ayso, maad la go’id inta aad isku qabiilka tihiin ee aad fikirkaa isaga ah ka midaysantihiin, maxaaad hadana isla reerkii aad dartood Soomaali uga go’aysay aad deegaanadooda 100 Tigniko ah ugu soo kaxaysanaysaa.

Hadaaad la’go’did deegaanada Beesha isaaq, oo markaas ay beeshii aaad dartood Soomaali uga go’day ay kaa daba yimaadaan, markaas xaq baad u leedahay in aad soo iibsato 100 baabuur oo Tignikada wax gumaada ah si aad isaga dhiciso ruuxa ku gardaraysanaya ee aad ka joogi wayday.

Hadase in ay Beesha isaaq gardarada leeyihiin waa cadahay, waxaanan xalka qormadaan kusoo gabagabaynayaa, ciidamada hakala baxeen maamulka Soomaali land deegaanada ay Tignikada la yimaadeen oo goobihii hore haku celiyeen, miiska wada hadalka haku soo biiraan.


One Response to Xalka Dagaalada Sanaag Iyo hayland (Qormo gaaban)

  1. Pingback: Xalka Dagaalada Sanaag Iyo hayland (Qormo gaaban) - Daily Somalia Report