Xasan Sheikh iyo Odawaa oo Caqabad ku ah in Qaran Soomaaliyeed la hello (Cadaymo)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Hadaad u fiirsato ruuxa Soomaaligaa waxaa deeqa cadaalad, waxkale oo deeqa ma jiraan, waa laga yaabbaa inta aannu wax ogayn in la khiyaamo, laakiin waxaa daran marka uu Khiyaamadii ogaado, iyo cidda ka danbaysay waa markaas marka aannad waxkasta ku iibsan karin.

Gudiyadii Shalay Baarlamaanku ansixiyay ee Gudigii Xuduudaha iyo kii Doorashooyinku waxay ahaayeen Gudiyo qaab musuqmaasuq iyo eex lagu soo xulay isla markaana ay iska kaashadeen Xasab Sheekh iyo Yarka Degdegaya maalmahan ee Odawaa ama wasiirka arrimaha Gudaha.

Halkaan ka eeg Beelaha ay ka soo jeedaan Gudigii Doorashooyinka ee Maanta Baarlamaanku ansixiyay

Gudiyada noocan ah waxay ahayd in Hab la isku waafaqay oo Soomaali oo dhan ku qanacsantahay lagu soo xullo.

Laakiin ruuxan sheeganaya wasiirkii qaranka ee arrimaha Gudaha ayaa afkiisa ka leh waan xayaysiinay dadka soo dalbanaya in ay ka mid noqdaan, ka dibna waxaan qaadanay kuwii kusoo baxay.

Waxaa laga hadlayaa sidii dib kalsoonidoodii la isugu soo celin lahaa umad 30 sano dagaalo sokeeye dhexyaaleen, oo aan xitaa maanta la isku tilaabin.

Waxay ahayd inta aan Gudiyadaan la magacaabin in wadatashi lagala sameeyo dawlad Gobaleedyada oo ay Dawlad gobaleedyadu soo gudbiyaan dadkii u matali lahaa.

Dabcan Markasta oo laga hadlo afcaasha Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa laga hadlayaa Xasan Sheikh waayo waa Gacanyarihiisii isagaana meesha keensaday.

Waxaana hadda ay farwayn ku godantahay Nicholas Key oo maalmihii hore dhexdhexaad iska dhigayay laakiin maalmahaan aan daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya oo aad moodid in uu Xasan marwalba garadarada ku taageerayo, iyadoo ay ahayd in uu ama ka aamuso, ama Runta u sheego ruuxa gardarada wada.

Arrinkan dad badan dhayal sanayaan wuxuu noqon karaa arrin baaxad wayn oo xitaa Puntland iyo Jubbaland ay Ka laaban karaan kasii mid noqoashada DFS, waayo tan DFS lama oran karo ee waxay isku badashay urur koox dana gooniya leh ay danahooda ku fushadaan.

Waxay kaloo Odawaa iyo Xasan Sheikh Qas iyo Fawdo ka abuureen wiiggii lasoo dhaafay Gobalada dhexe oo awal nabad ahaa laakiin ka dib markii ay Kooxda xasan ka dhaadhiciyeen maamulkii ay samaynayeen sheegashada Deegaanada Puntland tani oo ah fawdo abuur u jeedooyin guracan laga leeyahay.

Cadayntii ugu danbaysay dhegeyso Nabadoon ugu caansan Koonfurta Gaalkacyo oo arrinkaas ku sheegay in ay wateen Xasan iyo Odawaa

Hadaba xasan sheikh haddii uu ruux damiir damqasho ku jirro uu yahay maanta Soomaali ayuu dhibka haysta ka furdaamin lahaa, wuxuuna ka shaqayn lahaa sidii ay dalkaas doorasho xalaala uga dhicilahayd , wuxuuna diidi lahaa Gudiyo aan lagu soo dooran si ay dhamaan beeluhu ku kalsoonyihiin.
Wuxuu diidi lahaa wixii uu gartay Nabadoon Aloore oo ah Nabadoonka ugu caansan Beesha Sacad ee ah in aan la sheegay deegaan aynan dadka degan kamid ahayn dadkii maamulka dhisanayay sidii caruurtii isku qabsan jirtay Qalabka ciyaarta.

Wuxuu Xasan Sheikh diidi lahaa Baarlamaanka DFS markii ay Mooshinka ka keenayeen Jubbooyinka, waxaase aan ogaanay in uu ahaa xubnihii mooshinka hoosta ka riixayay.

Haddii aad arrimahaas iyo qaarkaloo badan aad si fiican ugu sii fiirsato waxaa kuu soo baxayaysa in uu xasan sheikh yahay caqabada ugu wayn ee hortaagan in qaran Soomaaliyeed dib usoo noolashihiis la isku dayo

Puntlandobserver Desk