Xildhibaan Shaacuur oo Lacag 28000$ Ugu Deeqay Ciidanka Aminga

Filed under: Important News,Wararka |

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Gure (Shaacuur) oo kamid ah Barlamanka Puntland kana soo galay gobolka Nugaal ayaa sida warsidaha GO wararka ku helayo ugu deeqey lacag ciidamada amniga ee ka howlgala gobolka Mudug.

Mudanayasha aqalka wakiilada ayaa maalmahaan waxaa sida la rumeysan yahay qaateen lacago kadib markii gudoonka Barlamanka dhexdhexaadin ka sameeyey khilaaf soo kala dhexgaley madaxtooyada iyo aqalka Wakiilada.

Warsidaha Garowe online ayaa ogaadey in lacagta Xildhibaanada Barlamanka loo siiyey ansaxinta mashaariicdaan ay gaareysay 28000USD Mudane walba taasoo sida aan xogta ku heleyno gabi ahaanteed xildhibaan Shaacuur ku wareejiyey ciidamada Puntland ee ka howlgala gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa sida aan Wararka ku heleyno ayaa madashii uu lacagtaan ku wareejinayey ka sheegey madaama ay tahay mid dan guud lagu baxshey inuu door bidey in ciidmada gobolka Mudug ka howlgala ugu deeqo si baahiyahooda ugu xalistaan.
Barlamanka Puntland oo dhowaan ridey dhamaan golihii wasiirada Puntland ayaa khilaafka iyaga Madaxweyne Gaas soo kala dhexgaley waxaa loo tiranayaa in salka ku hayey arimo dhaqaale.

Lama oga in xildhibaanada kale ee ka tirsan Barlamanka Puntland qaateen go’aanka Mudane Shacuur mid lamid ah iyadoo Wararka qaar sheegayaan ineysan jecleysan talaabadaan.

Barlamanka Puntland oo dhowaan kalsoonida kala noqdey golaha wasiirada ayaa la filayaa dhowaan iney ansaxiyaan xukuumada Madaxweyne Gaas soo dhisi doono iyadoo wararku sheegayaan iney aqbali doonaan soo noqoshada inta badan xubnihii ay xasaanada ka qaadeen.

Source Garoowe Online

http://www.garoweonline.com/so/news/puntland/mudane-ka-tirsan

Lacagtii 15-ka Million$ ee Dp-World Xaqul Qalinka U Dhiibtay Haddii Uu Madaxwayne Gaas Runta Ka Sheegilahaa Maanta Waxaas Masoo Gaareen (Qormo Xasaasiya)