Xogta Asalkaa ee Mooshinka Oo La Ogaaday In ay Daarantahay, Khayre Oo Doonayay In Loo Ansaxiyo Sharciyada Batrooka, Heshiisyada Dp-World, Iyo Jawaari OO La Heshiiyay Guruubka Damuljadiid ee Xasan Shiikh (Warbixin)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waxaa isa soo taraya wax ka ogaanshaha arrimaha gadadal ka riixaya ee asalka u  Mooshinka Jawaari.
waxaa la xaqiijiyay in ay xukuumadda Khayre  wadatay, hindise sharciyoodyo farabadan oo aan Soomaali dan u ahayn,oo uu ugu danbeeyay kii Dp-World,.

Markii ay baarlamaaanku ku dhawaaqeen in dalka laga saaro Dw-World   xukuumadda Khayre aad ayay uga carootay arrinkaas, waana tan lala yaabanyahay laba wajiilaynta xukuumadda Khayre.

Hindise sharciyeedyada Jawaari diiday waxaa ka mida hindise sharciyeedka sidii malaha loo boobi lahaa macdanta Soomaaliya,  kii badda Soomaaliya, iyo qaarkaloo badan.

Waxaa la sheegayaa in Khayre uu dhaafi waayay Jawaari, oo Jawaari diiday ansixinta hindise sharciyeedyadaas iyadoon si daacada Baarlamaanka loo soo marsiin.
Iyadoo xaal sidaas yahay ayaa hadana waxaa isa soo taraya in Jawaari qudhiisa lagu ogaaday laba arrimood, doonis lacag xad dhaafa, iyo waliba heshiisyo uu baryihii danbe Jawaari lagalay kooxihii Damjadiid oo uu hogaaminayo Xasan Sh, iyo waliba kooxo kale oo mucaarad ku ah Khayre.

Waxaana dhanka kale iyana soo shaac baxaya in ay iyana jirraan koox kale oo is qarinaysa oo Mooshinkaan gadaal ka wada oo iyagu doonaya in ay meesha ka saaraan Farmaajo.

Warbixinadaan isa soo taraya ayaa waxaad mooddaa in ayba run noqonayso warbixin uu maalin dhawayd P/O nawgu soo diray qoraa Warsame Axmed.

Si kastaba ha ahaato waxaa iyana jira Xildhibaano fara badan oo daacada, balse aan waxba u warhayn.

Xalka.
Haddii ay Soomaali hayso nin daacada oo qalbi wanaagsan oo illaahay ka baqaya oo illaalin kara amaanada Soomaalidaas masaakiintaa, aad bay u wanaagsanaan lahayd in Jawaari lagu badelo, laakiin haddii aan ruuxaas lahayn waxaa hubbaa in Jawaari dhaamo midka ay soo wataan kooxaha mallaayiinta ku bixinaya mooshinadaan.

 

Hoos ka eeg xogtii Warsame Axmed uu wiiggii hore noosoo dirray.

 

Xog- Sirta Mooshinkaan Ka Danbaysa Oo La Hellay, Iyo Farmaajo Oo La Rabo In Meesha Laga Saaro, Xidigna Laga Dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka