Xukuumadda Farmaajo Hadday Xalka Soomaaliya Doonayso Arrimaha Soosocda ayay ka shaqaynaysaa

Filed under: Important News,Wararka |

Arrimaha ugu muhiimsan hadda dib u yagleelidda qaran soomaaliyeed, ama laba qodob oo aan isleenahay waa ugu muhiimsanyihiin
1) sidii ay mustaqbalka doorasho xor ah uga dhici lahayd Soomaaliya waa in hadda qorshaheeda la billaabaa
a) Tirakoob, b) Diinwaan-gallin iyo kaadh aqoonsi, c) abuurrid goledeegaan siyaasadeed “constituency” oo micnaheedu yahay in 12-ka million ee soomaalidaa loo qaybsho 270-ka xildhibaan= 44000 calshaan xildhibaan kasta waa in loo sameeyo Gole deegaan ay degan yihiin 44000 oo shacaba oo hal xil xildhibaan laga soo doorto akhri maqaalkan c) HIRGALLIN asxaabta badan.

Dhanka tirakoobka iyo diinwaan-gallinta haddii aan daacad laga noqon waa khatar, sidii dhacday xukuumaddii Xasan sheek iyo beentii caynte.

2) cadayn iyo hirgallin hanaankii ay ku wada shaqayn lahaayeen DFS iyo maamul gobaleedyada waliba dhanka khayrraadka dabiiciga waxaana wanaagsan in maamul-gabaleedyadu ay leeyihiin wixii deegaanadooda kasoo baxa 80% haday canshuur ahaan lahayd ama macdan ahaan lahayd, dfs ay leedahay 20%, laakiin waa qalad ninkii lahaa maamul gobaleedyadu 10% bay leeyihiin DFS 30% Shirkadaha ajaanibta 60%. halkaan ka eeg

Labadaan qodob ayaad mooddaa innay hadda ugu muhiimsanyihiin in ilgooniya lagu eeggo.

Haddii marka labadaan qodob ay xukuumadda Farmaajo ka meermeerto, markaas ayaa waxaa imanaya shaki wayn in aan qaran la doonayn ee la doonayo wax la boobbo.

Arrimaha kele ee uu farmaajo khudbaddii caleema saarka uga hadlay iyaguna waa muhiim