Sidee Soomaaliya Xal Lowgu Hellikaraa, Loogana Hortagi Karaa Xildhibaan Codkiisa La Iibsanayo (Qaybta Koobaad)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

xildhibaan xaaraancune1
Meesha Kaliya ee ii Muuqata ee Soomaali laga badbaadin karro waa iyadoo ay Soomaali meel ay jooggaanba ku dadaalaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen in xildhiaanka hanaan musuqmaasuqa lagu soo xullo.

Haddii ay marba ku guulaystaan kooxaha dhagar qabayaasha ee ku dadaalaya hadda sidii ay u musuqmaasuqi lahaayeen hanaanka xildhibaanada DFS lagu soo xullayo, si markaas ay hadda usii aruursadaan xildhibaano hadhow codkooda siin doonna.

Hadaba si uunan arrinkaas u dhicin waa in hadda uu ruux-walbaa oo muwaadina shaqeeyaa oo billaabaa dagaal kaligi duul-nimo ah,mid mid af iyo adin labadaba.

Sida aan marar baddan sheegnay meesha kaliya ee laga sixi karro siyaasadda Soomaaliya waa iyadoo sharcigu uu cidwalba ka sareeyaa.

Sharciga yaa waar-diyeeya ama dib u eegid ku sameeya.

Dabcan waa Golaha Sharcidajiyaasha, ama Golaha Wakiilada, ama xildhibaanada hadba sidaad u taqaan cidda u xil saaran waardiyaynta in sharcigu cidwalba ka sareeyo, haddii marka la musuqmaasuqo hanaanka lagu soo xulayo xildhibaanada, waxaad filataa ha noqoto xukuumad ay hareeyaan Musuq Musaaq.

Sabab???.

Waayo marka hore haddii ay sheekadu noqoto musuqmaasuq oo markaas hannaan musuqmaasuq lagu kala saarro xildhibaanada, xildhibaan lacahaha la kala siisanayo waxaa uu gaarayaa n100 ku oo dollar marka la soo xullayo xildhibaanka.

Xildhibaankaas wuxuu ku dadaali doonnaa sidii uu u-soo dhacsan lahaa lacagtii kaga baxday xilligii uu u tartamayay noqoshada xildhibaanka, kadibna wuxuu ku khasban yahay in uu lacagtii oo soo ceshado uu doortaa Musharaxa Madaxwayne ee Lacagta ugu badan dhiibaya ee ugu musuq maasuq baaxadwayn.

Waxaana laga yaabaa in Madaxwaynahaaas ay ugu yaraan illaa 8 million oo dollar kaga baxdo in uu Madaxwayne noqdo.

Madaxwaynaha ay ugu yaraan 8 million oo dollar kaga baxday in uu Madaxwayne Noqdo, marka uu Raysal wasaare Soo magacaabo, Raysal Wasaarihii iyo Madaxwaynihii 6 billood ma wada shaqaynkaraan, waayo sharcigu wuxuu dhigayaa in awoodda ay leedahay 100% xukuumadda Raysalwasaaraha, Halka Madaxwaynaha shaqadiisu tahay in uu dusha ka waardiyeeyo hay’adaha kala duwan ee dawladda sida tan Garsoorka, mida sharci dajinta, mida kuxuumadda, Dhaqaalaha iyo Saxaafadda .

Laakiin Madaxwaynihii ay 8-da million ee dollar ka baxday, Raysalwasaare aynan 1000 dollar ka bixin u madaxbanayn maayo shaqadiisii ee wuxuu isku dayayaa in uu afduubo shaqooyinkii hay’adaha oo dhan, marka muran yimaadana uu xildhibaanadii uu waagiisii hore soo xushay uu hadana yiraahdo naga tuura ninkaas si aan shaqadayadii usii wadano.

Qisooyinkaan aan hadda ka hadlayo waa waaya-arragnimadii aan kusoo arragnay xukuumadihii kala duwanaa ee DFS iyo waliba kuwa maamul Gobaleedyada.
Halka Soomaaliya xaaladeeda laga sixi karro waa iyadoo cadaalad la hello, waayo marka cadaalad lahello ayaa la hellaa midnimo iyo isku kalsoonaan shacab, ama shacab is jecel oo taasina ay sahlayso in Soomaalidu ay dalka wada illaashadaan oo horumarintiisa iyo amnigiisa ka wada shaqeeyaan iyagoo midaysan, marka si cadaalad loo hello waa in sharcigii lagu heshiyay lagu shaqeeyaa ee aynan meeshii qabsan kooxo iyagu dana gaara wata oo shaqaysanaya oo aan doonayn in lagu shaqeeyaa sharci iyo nidaam, waayo haddii sharci iyo nidaam lagu shaqeeyo waxaa meesha ka baxaya musuq maasuqii, waxaana ku adkaanaysa madaxwaynihii iyo xildhibaankii ay lacagaha farabadan kasoo baxeen in ay dib ula soo noqdaan lacagahii ka baxay, isla makaasna waxaa hoos u dhacaya suurta galnimadii in ay meesha ka arruursadaan lacagihii ay isku soo sharixi lahaayeen 2020-ka illeen bini aadam damaciisu ma dhamaadee.

Waxaana meesha ka baxaya in la hello nidaam iyo kala danbayn wax la yiraahdo iyo waliba in sharcigu cidwalba ka sareeyo, waxaana sare u kacaya Qabyaaladda , cadaalad darada, maamul xumada, burbur hanaan dawladeed, is aaminaad oo laga samro, xumaanta iyo fawdada oo sare u kacaya , waxaana calaamad su’aal galaya jiritaanka dalkii Soomaaliya.

Arrimahaan aadka u fudud oo lamida 2+2 oo aan muddo 4 sano ah ka hadlayay , illaa hadda cid illa arragta muhiimadooda aad bay u yaryihiin
Hadaba arrinkaan yaan la dhayalsan.
Waxaana wanaagsan in Musharaxa wiig ka hor la dhaariyo oo kitaab gacanta loosaaro in aannu wax laaluusha ku dhiibayn u tartankiisa jagada xildhibaanimo, ama tartanka Madaxwayne lacag ku qaadan, waana in dadkoo dhan ku celceliyaan arrinkaan ka hadalkiisa oo uu sanadkaan noqdaa mowduuca ugu xiisaha baddan.

Hadaba waxaa la rabaa in ruux walba oo muwaadina uu saas arrinkaan muhiimaddiisa u fahmo isla markaana awoodda la isugu geeyaa in 51 ergo ee dooranaya xildhibaanka ay beeshu si daacada isaga soo xullaan, isla markaana saxaafadda lala socodsiiyaa nidaamka loosoo xulayo ergada, sidoo kalena hab cadaalada oo doorasha ah oo ay saxaafaddu xaadir tahay lagu tartansiiyo xildhibaada u tartamaya jagada xildhibaanada.

Waxaana la aaminsanyahay in 2012-kii la msuqmaasuqay gudigii doorashada ee 2012-kii, waxaana hadda la marayaa markii sadexaad ee la soo uruursado guddi doorasho si ay ugu soo xullaan xildhibaano siiya codkooda marka ay xildhibaan noqdaan.

Sida kaliya ee looga hortagi karro isku dayga noocaasa waa iyadoo ergada beellaha ka imaanayaa la isaga soo dhexdoortaa hab cadaalada, isla markaasna xildhibaanada si daacada loo tartansiiyaa oo xildhibaanka codka ugu badan hellaa uu ku guulaystaa xildhibaanimada.

Sidoo kale waa in ay beeluhu cod kasoo duubbaan Isimii ama ergaygii lagu tuhmo in laaluush lagu doorto xildhibaanka.
Xildhibaanka ay kaga baxdo 100$ kun in uu Xildhibaan Noqdo, Wuxuu ku Mashquulayaa Sidii uu lacagtii Ka Baxday U cadaysan lahaaa(Maqaal Cadaynaya in haddii aan la iska qaban aynan Soomaaliya Rajo la ahayn)

Akhri maqaalka Xildhibaan Xaaraan Cune

Ibrahin Gablax gablax@yahoo.com