Guriga Wasiirka Maaliyadda Zimbabwe Oo laga Helay Lacag Ka Badan lacagtii Wasaaradda Maaliyadda bangiga U Tiilay (Fallanqayn Maxaan Ka Barrankarnaa)

Filed under: Important News,Wararka |

zimbabwe finance Minister
Muddo 7 Sano ah waxaan P/O kusoo daabacaynay masiirka umadda qof iyo 100 toona laguma aamino, lamana yeello xitaa ruuxii isku daya kaligi talisnimo iyo waxa loo yaqaan one man shaw.

Masiirka umadda iyo hantida umadda waa in ay waar-diyeeyaan hay’addo dawladeed oo dastuur iyo qodobo lagu heshiiyay ku shaqeeya ee aan ku shaqayn shakhsi maskiina amarkiis, inkastoo qodobkaas isaga ah ay siyaasiyiintii hore ee dalalka hore-u-maray si dadban ugu taageeraan dalalka sookoraya in masiirkooda loo dhiibto shakhsiyaad kooban oo aan marna shacabka talada wax laga siin.
Hadaad eegtid dhammaan dalalka Soomaaliya ku hareeraysan waxaa maamusha kooxo yar, tusaale bal eeg Sacuudiga waxaa maamula reer 4000 gabigooduba ka kooban oo 30 million ee sacuudigaa aan talada dalkooda waxba ka siin –> run tii hanaan dawladeedka noocaasa waa qoobabkii hore ee aduunku ku shaqayn jiray, laaakiin aduunka maanta waa adagtahay in uu hanaankaas ku shaqeeyo, waxaana wanaagsan in waaqiciga maanta loosoo noqdo, oo maanta Sacuudiga waa in lagula taliyo in ay qoloda boqortooyadaa ku daydaan boqortooyada sweden oo wixii ismaamula shacabka faraha uga qaaday iyaguna dusha un ka waardiyeeya hay’adaha dawladda ee dalka ee aan waxba faraha la gallin..

Wuxuu ahaa hadafka ugu wayn ee warbaahinta P/O loo aasaasay in shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba bartaan isla xisaabtanka waxa afka qalaadka lagu yiraahdo (Accountability)

ZIMBABWE: $10 Million Found In Finance Minister’s House Upon Arrest By Military

Hoos ka eeg Prof Axmed Dheere Iyo Ibrahim Gablax oo 3 sano kahor sharaxaya isla xisaabtanka

Axmed Warsame “Axmed Dheere” Oo Noqday Aqoonyahankii Abid Si Wanaagsan U Sharaxay Maaraynta Hantida Dadwaynaha (Video)

One Response to Guriga Wasiirka Maaliyadda Zimbabwe Oo laga Helay Lacag Ka Badan lacagtii Wasaaradda Maaliyadda bangiga U Tiilay (Fallanqayn Maxaan Ka Barrankarnaa)

  1. Pingback: Guul: Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe Oo La Dagaalamaya Musuqmaasuqa, Sheegay In Uu Wiilkiisa 19$ Darteed 3 Billood U Xiray (Fallanqayn) | Puntland Observer