Akhri Qormadii aan 2013 Ku Daabacnay P/O: Umadkasta Illaahay Amarki Waxaa Hogaamiye Looga Dhigaa Midka Ugu Badiya Dhaqankooda, Hogaamiye Kooxeed Waa Kabtanka Ama Matalaha Shacabka (Qormo Muhiima)

Filed under: Important News,Wararka |

Akhri qormada Dhamaan wadamada samaystay Nidaam iyo Hogaan Caadila, waxaa Bisil shacabkooda oo illaahay amarki shacabwalba qaabka ay yihiin sida ay u dhaqmaan ayaa la horgeeyaa Hogaan dhaqankaas leh

Ama Shiikh Idiris:Dhibka Soomaaliya Ka Socda Waxaa U sababa Shacabka ee Hogaamiye Kooxeedka Ma Ahan (dhegyso).

Aduunka illaahay baa iska leh oo dusha ka illaashanaya bini aadamkuna waa ku nool yihiin, waxaan P/O ku daabacnay 2013 in illaahay amarki umadkasta Madax looga dhigo nin leh dhaqanka bulshadaas midkooda ugu fariidsan, ama kooxda kubadda ciyaarta waxay kabtanka ka dhigtaan ninka kubadda ugu badiya.

Umaduhuna waa sidaas oo kale, oo haddii umaddaas ay eexda iyo xumaanta iyo musuquqa, wax isdabamarinta, xaasadnimada, qabyaaladda, naxariis darada, ay ummadaas ku badantahay markaas waxaa hogaan u noqda midka ugu isticmaal badan arrimaahs kore.

Laakiin haddii umaddaas ay yihiin dad cadaaladda, rixinnimada, qadiyadda, wadaniyadda, hufnaanta alla ka cabsiga, saraynta sharciga iyo oofinta ballanka ay ku badantahay, umaddaas waxaa hogaan u noqda midkooda ugu badiya arrimahaas wanaagsan oo illeen iyagaa iska soo dhex xulaya.

Waxaana hadda dalka maraykanka Madaxwayne ka noqday Donal Trump, waxayna ka dhigantahay in dhaqankaas Donal Trump ay badida shacabka maraykankaa leeyihiin, waana sababtaas sababta uu Trump Madaxwayne uga noqday.

Hadana doorashada Soomaaliya ee ay maalmahu ka dhimmanyihiin waxaan ogaan doonnaa cidda ay Soomaalidu hogaan ka dhigtaan oo ka tarjumaysa cidda ay yihiin Soomaali.

Xitaa haddii ay gacmo shisheeye laaluushaan oo ay hogaan xun u keenaan eedda waxaa leh Soomaalida waayo iyagaa gacmaha shihseeye ku taageeray laakiin haday wanaagsanaan lahaayeen waa ay diidi lahaayeen.

Isku soo duub hogaamiye kooxeed ma ahan hal shakhsi ee waa wakiil shacab ama waa nin matalaya shacab oo afkooda iyo rabitaankooda ku hadlaya, haddii uunan taageero shacab haysan ma noqdeen Hogaamiye kooxeed.
Umad inta ay dhaqanka xun iska badalayaan ilama ahan in ay helayaan Hogaan wanaagsan.

One Response to Akhri Qormadii aan 2013 Ku Daabacnay P/O: Umadkasta Illaahay Amarki Waxaa Hogaamiye Looga Dhigaa Midka Ugu Badiya Dhaqankooda, Hogaamiye Kooxeed Waa Kabtanka Ama Matalaha Shacabka (Qormo Muhiima)

  1. Pingback: Akhri Qormadii aan 2013 Ku Daabacnay P/O: Umadkasta Illaahay Amarki Waxaa Hogaamiye Looga Dhigaa Midka Ugu Badiya Dhaqankooda, Hogaamiye Kooxeed Waa Kabtanka Ama Matalaha Shacabka (Qormo Muhiima) - Daily Somalia Report